Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Febraayo 2024
Haweenka | Warbaahinta Bilan ee ay taageerto UNDP oo bilowdey taxane cusub oo tijaabo ah Koox-warbaahineeddii ugu horreysey Soomaaliya ee dhammaan hawl-wadeennadeedu ay haween wada yihiin, Warbaahinta Bilan – ee ay taageerto UNDP – ayaa bilowdey barnaamij taxane oo tijaabo ah oo ka hadlaya arrimaha markaa taagan. Barnaamijka taxanaha ah waa kii ugu horreeyey ee falanqeyn ah oo ay gebi-ahaanba martigeliyaan ayna tifaftiraan haween, iyada oo ugu yaraan 50 boqolkiiba ay haween yihiin falanqeeyeyaasha barnaamijka. Waxaa uu barnaamijkan hiigsanayaa in uu codad iyo mowduucyo cusub uu ku soo kordhiyo telefishannada Soomaaliyeed waxaana uu durba soo-jiidanayaa daawadayaal aad u tiro badan. Xalqada koowaad, oo ku saabsan mowduuca badanaa ka-hadalkiisa laga warwareego ee waxbarashada la xiriirta caadada haweenka oo loogu talogaley gabdhaha dugsiyada dhigta, ayaa ka baxay TV-ga Dalsan waxaana soo xigtey SBC iyo MMTV. Internet-ka waxaa laga daawadey 450,000 jeer iyada oo laga soo gudbiyey 800 oo faallo. Taxanaha ayaa socon doona ilaa Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka taas oo ay khubarro ay eegi doonaan sababta ay haween aad u tiro yar u noqdaan macallimiin waxaana la is-weydiin doonaan waxa la sameyn karo si kor loogu qaado tirada macallimiinta haweenka ah. Ilaa dhammaadka sanadka, barnaamijka waxaa lagu eegi doonaa mowduucyo kale oo culeyskooda leh waxaana la duubi doonaa iyada oo goob-joog ay ka yihiin daawadayaal jooga degaanno kala duwan oo ku yaalla guud ahaan Soomaaliya. |
||
Carruurta | Barnaamij ay taageerto UNICEF oo ay ka faa’iideysan doonaan hal milyan oo qof Mashruuc loo yaqaanno ‘Joint Resilience Prograamme’ ama Barnaamijka Wadajirka ah ee Adkeysiga – oo ay taageerto UNICEF – ayaa la daahrogey si ay uga faa’iideystaan hal milyan oo qof oo ku kala nool afar degmo oo ka kala tirsan Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug. Mashruuca oo ay maalgelisey Dowladda Jarmalka, iyada oo loo mariyey Bankiga Horumarinta ee KfW Development Bank, kaas oo bilowga hore loo qoondeeyey 30 milyan oo euro, waxaa barnaamijku uu beegsan doonaa dadka nugul ee ku nool degmooyinka waqooyiga Gaalkacyo iyo Galdogob ee ka tirsan Puntland, iyo degmooyinka Dhuusamarreeb iyo Koonfurta Gaalkacyo ee ka tirsan Galmudug, waxaana wejiga koowaad ay hirgelintiisu socon doontaa in ka badan 18 bilood. Barnaamijku waxaa uu hiigsanayaa in la kordhiyo helidda waxbarasho loo dhan yahay oo soo jiidaneysa carruurta, biyo-gelinta iyo fayadhowrka dugsiyada, iyo adeegyo caafimaad iyo nafaqeyn oo ay helaan carruurta, iyo sidoo kale hoos-u-dhigista tirada carruurta da’yarta ah iyo haweenka uurka leh iyo kuwa carruurta nuujinaya ee aan helin karin nafaqada yaryar ee ay u baahan yihiin, sii wanaajinta haqab-beelka cuntada iyo maciishadda, iyo sii xoojinta nidaamyada dowladeed. Waxaa kor kala socon doonta Wasaaradda Qorsheynta oo ay wada-hirgelin doonaan maamullada degmooyinka iyo kuwa degaanka iyo hay’ado aan dowli ahayn. |
||
Horumarinta | UN-Habitat oo dhammeystirtey dhisidda goob qashinka lagu aaso oo ku taalla Berbera UN-Habitat ayaa soo gabo-gabeysey hirgelinta habka casriga ah ee beero-qodoshada dabiiciga ah ee loo yaqaan ‘Fukuoka method’ ee loo adeegsado maareynta qashinka – kaas oo laga fuliyey magaalada Berbera, Somaliland, taas oo ka dhigan horumar mug weyn oo laga gaarey kobcinta kaabayaasha deegaanka. Tiknolojiyadan aasidda qashinka ee caanka ku ah khafiifinta wasakhowga hawada iyada oo yareyneysa gaaska methane ee ka soo baxa ayaa waxaa ay muhiimad weyn u leedahay dadaallada dhowrista deegaanka. Goobtan lagu aaso qashinka oo haddaba shaqeyneysa, ayaa waxaa ay beddeli doontaa qashin-qubka hadda jira ee xiritaankiisa lagu guda jiro. Dhisiddan goobta qashinka lagu aasayo waxaa ay ku soo beegantey tababarro la xiriirta maareynta qashinka oo la siinayo xubnaha bulshada ku nool guud ahaan xaafadaha Berbera, taas oo looga danleeeyahay in dib loogu qaabeeyo fahamka ay dadku ka qabaan asturidda qashinka. |
||
Horumarinta | Mashruuc ay IOM taageerto oo dad ku nool Baydhabo siiyey fursad ay ku helaan biyo Kumanaan qof oo deggan magaalada Baydhabo, ee Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya, ayaa hadda si joogto ah guud ahaan sanadka u heli kara biyo ka dib markii la dhammeystirey Mashruuca Biyaha ee magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo. Dadka uu mashruucu saamenta ku yeeshey waxaa ka mid ah barakayaaal iyo bulshada martigelisey kuwaas oo uu siiyey fursad ay ku helaan biyo nadiif ah iyo fayadhowr wanaagsan ka dib markii la dhisey kaabayaal muhiim ah. Mashruucan oo ay taageertey IOM ayaa muhiim u ahaa sii wanaajinta sida ay bulshadu uga adkeysan karto dhibaatooyinka ka dhasha cimilada ee ay ka mid yihiin abaarta iyo culeysyada kale ee la xiriira deegaanka. |
||
Jarjaridda Saxaaxa Dheddigga (FGM) | UNFPA oo qabatey kulan looga hadlayey dadaallada la-dagaallanka FGM-ka Kulanka oo ay soo qabanqaabisey Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqaha Aadanaha ee Federaalka (MWHRD), ayaa UNFPA waxaa ay kulan ku qabatey Muqdisho kaas oo lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Jarjaridda Saxaaxa Dheddigga (FMG), oo sanad kasta dhacda 6da Febraayo. Iyada oo ay isugu yimaadeen daneeyeyaal Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, ayaa ka-soo-qaybgalayaasha kulanka waxaa ay carrabka ku adkeeyeen in degdeg loogu baahan yahay cirib-tirka FGM-ka, iyada oo baaq ay wadajir u soo saareen ay mar kale ku xaqiijiyeen ballanqaadkooda ku aaddan sida ay uga go’an tahay xaqiijinta hadafkan. Dadkii kulanka ka hadley ayaa sidoo kale sharxay dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha FGM-ka iyaga oo ku baaqey in la sii wanaajiyo daryeelka ay helaan kuwa ay dhibaatadu soo saameysey, waxaana kulanka sidoo kale lagu daahrogey madal isuduwid oo lagula dagaallamayo FGM-ka iyo Guurinta Carruurta, yaraan-ku-guurinta carruurta, iyo Guurka Khasabka ah. |
||
Ka-wacyigelinta Miinada | UNMAS oo wacyigelin ku aaddan halista waxyaabaha qarxa ka sameysey Gedo UNMAS ayaa laba kooxood oo khubarro ah oo bixiya waxbarasho ku aaddan halista waxyaabaha qarxa / explosive ordnance risk education (EORE) siiya dadka oo miino-saar sameeya geysey gobolka Gedo, oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Colaadaha daba-dheeraadey ee dalka ka jira ayaa gobolka ku reebey raadad ba’an oo ay geystaan waxyaabaha qarxa ee ah haraaga dagaalka – tusaale ahaan, dadka deggan degmooyinka Beled Xaawo, Luuq iyo Baardheere ayaa halis ay ku hayaan waxyaabaha qarxa ee degaanka looga tegey oo sababey qaraxyo dhacay intii u dhaxaysey bilihii Agoost oiyo Oktoobar 2023, kuwaa soo ay ku dhaawacmeen saddex wiil uuna mid kale ku dhintey. Ka dib ololihii waxbarashada waxyaabaha qarxa (EORE) ee UNMAS, ayaa bulshooyinku waxaa ay awoodeen in ay si bedqab uu ku dheehan yahay u soo aqoonsadaan ayna dad ugu soo wargeliyaan 49 degaan oo ay ku jiraan waxyaabaha qarxa taas oo keentey in laga soo saara 336 walxood oo qarxa. Sida ay sheegtey hay’addan QM, wadar ahaan ku dhowaad 9,000 qof oo ay ka mid yihiin in ka badan 7,000 carruur ah, ayaa ka faa’iideystey casharrada EORA ee la bixiyey labadii sano iyo barkii la soo dhaafey. |
||
Talinta Sharciga | UNOPS oo taageertey dhisidda dhisme maxkamadeed oo laga dhisayo Boosaaso UNOPS ayaa taageertey munaasadda dhagax-dhigga dhisme lagu wado in uu noqdo Xarunta Weyn ee Maxkamadaha Boosaaso ee Puntland, ee waqtooyiga Soomaaliya – taas oo ah tallaabo kale oo loo qaadey dhinaca xoojinta talinta sharciga ee dalka. Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen saraakiil dowladeed ayaa muujisey doorka muhiimka ah ee dhismaha cusub ee maxkamadda uu ka qaadand oono sii wanaajinta helidda caddaalad iyo adeegyo sharci. Mashruuca ayaa la halmaala dhisidda xarunta maxkamadeed oo casri ah oo leh qaabab lagu sii wanaajinayo amniga iyo kaabayaal casria h, oo ay ka mid yihiin maxkamad rafcaan iyo xafiisyo. Nakh-shadda ayaa mudnaan lagu siiyey soo-gaaridda iyo u-dhammaanshaha, oo loo fududeeyey shakhsiyaadka naafada ah. Sida ay sheegtey UNOPS, dadaalkan ayaa laga filayaa in uu awood siiyo bulshooyinka, uu hubiyo tayada, oo uuna wax ku biiriyo in nabad iyo horumar waara lagu helo Soomaaliya. |
||
Arrimaha Siyaasadda | Ergeyga Gaarka ah eee QM: “Taageero sugan” oo la siinaya qaran-dhisidda Soomaaliya Shirkii Golaha Ammaanka ee QM ee ku saabsanaa Soomaaliya, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM u jooga dalka, Catriona Laing, ayaa xustey ‘taageerada sugan la siinayo ajandaha qaran-dhiska” ee Soomaaliya, waxaana ay hoosta ka xarriiqdey in taageerada Goluhu ay udub-dhexaad u tahay guusha dalka. Hadalladii ay jeedisey, ayaa Ergeyga Gaarka ah – oo sidoo kale madax u ah UNSOM – waxaa ku jirey waxyaabihi ku soo kordhey siddeed arrimood, oo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga, ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda iyo arrimaha bani’aadamnimada. “Iyada oo loo marayo aageeradeenna wadajirka ah, ayaa Soomaaliya waxaa ay muujineysaa in ay dal uu ka soo kaban karo colaad dabadheer oo uu noqon karo mid dadkiisa u adeega uuna noqon karo xoog wanaag u horseeda gobolka,” ayaa ay tiri. |
||
Gargaarka Bani’aadamnimada | OCHA iyo SoDMA dib-u-eegis ku sameeyey wax-ka-qabashada fatahaadda Deyrta Iyada oo ay iskaashanayaan Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa OCHA ayaa Muqdisho ka qabanqaabisey aqoon-is-weydaarsi dib loogu eegayo waxa la qabtey / after-action review (AAR) la xiriira sidii laga qabtey fatahaaddii Deyrta. Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka soo qaybaley wakiillo ka socdey wasaaradaha ay khuseyso, kooxda isuduwidda ee kutladaha (kalastarrada) kala duwan, iyo maareeyeyaasha xaaladaha degdegga ah; waxaana uu hadafku ahaa in la ogaado hab-dhaqannada wanaagsan, meelaha laga jilicsan yahay iyo in soo jeediyo talooyin lagu saleeyo in si hufan oo taabogal ah loogu diyaar-garoobo waxna looga qabto fatahaadda Gu’ga 2024-ka. Marka laga soo tago AAR-ka wadajirka ah ee heerka federaalka, aqoon-is-weydaarsiyo la mid ah ayaa lagu qabtey Dowlad-goboleedyada Soomaaliya. Ka-qaybgalayaasha kulamada ka soo qaybgaley ayaa isla-gartey tallaabooyinka muhiimka ah ee ay tahay in wadajir ahaan loo hirgeliyo si kor loogu qaado hufnaanta iyo taabogalnimada u-diyaar-garoobidda iyo wax-ka-qabashada fatahaadda xilliga Gu’ga. OCHA ayaa si dhow ula shaqeyneysa daneeyeyaasha muhiimka ah, ee ay ka mid tahay SoDMA, si loola socdo horumarka laga xaqiijiyey tallaabooyinka lagu heshiiyey intii ay socdeen aqoon-is-weydaarsiyada. |
||
Horumarinta | Hay’adda UN Women ayaa taageertey safar cilmi-kororsi oo lagu tegey baarlamaanka Rwanda Hay’adda UN Women ayaa taageertey booqasho ay supported a study visit by Somali senators to the parliament of Rwanda. Booqashada ayaa soo hoosgeleysey xayn-daabka ah is-dhaafsiga waayo-aragnimada la xiriirta wax-hoggaaminta haweenka, culeysyada jira, casharrada la bartey, iyo talo-soo-jeedin lagu dhalinayo sinnaanta jinsiga laguna sii wanaajinayo wakiillada ay haweenku ku dhex leeyihiin baarlamaanka. Booqashada ayaa sidoo kale bixisey fursad ay wefdiga Soomaalidu ay waayo-aragnimada iyo jihada siyaasadeed ee istiraatiijiga ah ee ay doonayaan in ay raacaan si ay kor ugu qaadaan sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka ee dhammaan heerarka kala duwan ee dalkooda. |
||
Horumarinta | UNIDO ayaa taageeraysa ballaarinta mashruuca ganacsiyada yaryar ee magaalada Gaalkacyo UNIDO ayaa in ka badan 60 qof oo ganacsi-abuurayaal degaankoodu yahay magaalada Gaalkacyo, ee Galmudug, siisey tababar iyo la-talin fool-ka-fool ah oo ku saabsan kobcinta fikradahooda ganacsi ay uga dhigi lahaayeen ganacsi jira. Tallaabada ayaa ka dambeysey ballaarintii Unugga Horumarinta Ganacsiga ee UNIDO. Waxaa iyana ballaarinta la xiriirta, UNID0 – oo ay iskaashanayaan UNDP – ayaa sidoo kale sii ballaarisey deymaha uu maamulo Bankiga IBS. Waqtigan, ganacsi-abuurayaasha degaanka ayaa deymo gaaraya $5,000 iyo $30,000 u heli kara maalgelintooda la xiriirta waaxaha muhiimka ah ee xoolaha, ganacsiga, dhismaha iyo wax-soo-saarka warshadeynta. |
||
UNSOS Horumarinta | UNSOS oo Ciidamada Amniga Soomaaliyeed ku xoojisey tiknolojiyadda casriga ah ee dhijitaalka ah UNSOS ayaa 28 hawlwadeen oo ka ttirsan Ciidamada Amniga Soomaaliya siisey tababar ku saabsan tiknolojiyada dhigitaalka ah. Aqoon-is-weydaarsiga Maareynta Xiriirka Ganacsiga iyo Is-beddelka Dhigitalka ah ee Business Relationship Management and Digital Transformation Workshop ku dooneysey in ay ku soo ogaadaan waxyaabaha la xiriira hawlgalka ee ay dhibaatadu ka haysato laguna bixiyo xalal tiknolojiyadeed oo hal-abuur ku dhisan oo lagu xalliyo arrimahaas. Madaxa UNSOS, ahna kaaliyaha Xoghayaha Guud Aisha Kirabo Kacyira, ayaa carrabka ku adkeysey sida ay QM uga go’an tahay in ay ka tagaan dalka iyaga oo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aqoon u leh fiknolojiyad oo awood u leh in ay kaabaan hay’adaha dalkooda si loo helo bulsho Soomaaliyeed oo ka adkeysi badan tan hadda. “Waxaan halkaan u joogaa in aan idiin adeego oo aan raad wanaagsan halkan kaga tago,” ayaa ay tiri. “Waxaan rabnaa in ay meesha innooga dambeyso koox naga xoog badan, bulsho Soomaaliyeed oo xooggan, oo ugana sii muhiimsane, Ciidamo Amni Soomaaliyeed oo xoog badan. |