UNSOS ayaa Kobcisa awoodda Ciidan Xooga Dalka Soomaaliya iyadoo ku taageerta tignoolajiyada dhijitaalka ah ee soo baxaysa

27 Feb 2024

UNSOS ayaa Kobcisa awoodda Ciidan Xooga Dalka Soomaaliya iyadoo ku taageerta tignoolajiyada dhijitaalka ah ee soo baxaysa

Muqdisho – “Maadama aaan taageereyno in masuuliyada amniga laga wareejiyo Howlgalka Kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), laguna wareejiyo masuuliyadaas Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF), sidaas darteed waa in aan xaqiijino in masuuliyaad lagu wareejiyey ciidan awood leh, si wanaagsan u qalabeysan, lehna karti cad.,” ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (ASG) ahna Madaxa UNSOS, Dr Aisa Kacyira Kirabo, intii lagu guda jiray tabobar saddex maalmood socday oo dhawaan la soo gaba gabeeyay oo ku saabsanaa Maareynta Xiriirada Ganacsi iyo Isbeddelada Dijital ah.

28 ka tirsan Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Maareynta Xiriirada Ganacsiga (BRM) iyo Aqoon-isweydaarsiga Isbeddelka Dijital ah kaas oo lagu doonayey in lagu ogaado qorshooyinkooda shaqo iyo xalal farsamooyinka teknoolajiyada ee cusub.

Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) - Qeybta Tignoolajiyada (FTS) oo ay iska kaashadeen shirkadaha waaweyn ee teknolojiyadda sida Amazon Web Services, Codan Communications, iyo Motorola Solutions. Farsamooyinka xiisaha lahaa ee aqoon-is-weydaarsigu waxay ahaayeen Falanqaynta Fiidiyowga Tooska ah iyo kuwa aan tooska aheyn, Codka-Waqtiga-dhabta ah iyo Turjumaadda Qoraalka, iyo amniga Cloud iyo Edge, iyo kuwo kale.

ASG Kirabo waxay ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go'an tahay Qaramada Midoobay inay ka tagto ciidammo Soomaaliyeed oo xooggan oo tignoolajiyada yaqaan oo awood u leh inay taageeraan hay'adahooda madaxbannaan si ay u helaan bulsho Soomaaliyeed oo adkeysi leh.

"Waxaan halkaan u imid inaan u adeego oo aan ka tago dhaxal," ayay tiri ASG Kirabo. "Waxaan rabnaa inaan ka tagno koox adag, bulsho Soomaaliyeed oo xoog badan, iyo tan ugu muhiimsan, oo ah ciidamada ammaanka Soomaaliya (SSF) oo xooggan."

Iyadoo dib u xaqiijinaysa sida ay uga go'an tahay Qaramada Midoobay inay sii waddo taageerada Soomaaliya, ASG Kirabo waxay muujisay muhiimada ay tignoolajiyadu u leedahay suurtagelinta horumarka waxayna muujisay kalsoonida ay ku qabto dhallinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta u leh tignoolajiyada.

“Waan ku kalsoonahay oo aan ku faraxsanahay awoodda dhalinyarada Soomaaliyeed ee da’da yar ee aqoonta u leh farsamada. Waxaan u arkaa tignoolajiyada mid wax ka taraysa dhammaan dhinacyada,” ayey tiri Madaxa UNSOS.

Faa'iidooyinka tignoolajiyada soo ifbaxaya waxaa ka mid ah hufnaanta iyo waxsoosaarka oo la wanaajiyey ee dhinacyada kala duwan sida injineernimada, amniga, habraaca ganacsiga, iyo saadka.

Iyada oo la jaanqaadaysa aragtida Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ku aaddan istiraatijiyad isbeddelka dhijitaalka ah ee hawlgalada nabad ilaalinta, ayey UNSOS hormuudka noqotey hindisaha dhisidda awooda CXDS, iyada oo wax ka qabanaysa caqabadaha muddada dheer soo jiray ee ka hor istaagaya in ay gutaan waajibaadkooda.

"Waxaan rajeynayaa in tani ay noqon doonto fursad lagu helo jawaab celin ku saabsan sida aan gacan uga geysan karno horumarinta qorshe istaraatiijiyadeed oo lagu dhisayo awoodda isbeddelka ganacsiyada dhijitaalka ah," ayey raacisay ASG.

Paul Gimsay, oo ah Sarkaalka Sare ee UNSOS-FTS, ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay ujeeddada aqoon-is-weydaarsiga iyo doorka ay ku leedahay aqoonsashada daldaloolada si loo diyaariyo istiraatiijiyadda mustaqbalka.

"Markii aan qorshaynnay aqoon-is-weydaarsigan, waxaan laheyn saddex hadaf oo kala ah in aan soo bandhigno BRM oo qayb ka ah ka-qaybgalinta, in la sameeyo qiimaynta baahiyaha tababbarka, iyo in aan ku heshiinno tallaabooyinka ka soo baxa aqoon-is-weydaarsiga," ayuu yiri Gimsay.

Lamin Fatty, Madaxa UNSOS ee waaxda Hawlgallada iyo Maareynta Kheyraadka, ayaa yiri, "Waxaan Horumaro balaaran ka gaarney barnaamijyadeena awood-dhisidda, gaar ahaan barnaamijyada farsamada iyo koorsooyinka noocaan oo kale ah sida Isbeddelka dhijitaalka ah oo ah mid guud oo soo koobaya dhammaan qaybaha kaladuwan ee waaxyaha."

Ka soo qeyb galayaasha kale sida G. dhexe. Cabdullaahi Xuseen Dhuxulow oo ah madaxa isgaarsiinta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku ammaanay UNSOS sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay in ay CXDS siiso xirfadaha lagama maarmaanka ah.

“Taariikh ahaan, UNSOS waxay CXDS ka caawisay dhisidda awooddooda iyo iyadoo siisey qalabyo muhiim ah. Xirfadda iyo aqoonta aan baranay waxaan isticmaali doonaa muddo dheer, waxaana qorsheyneynaa inaan la wadaagno jiilka soo socda,” ayuu yiri Dhuxulow oo muddo toban sano ah ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka.

Sar. G. Cabdikariim Xuseen Macallin, Agaasimaha waaxda Isgaarsiinta booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in Aqoon-is-weydaarsiga hurumarinta xiriirada ganacsi (BRM) uu ka caawin doono #CXDS inay si xeeladaysan oo ka waxtar badan sidii hore u soo bandhigaan isbeddellada tignoolajiyada cusub.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca Soomaaliya (CDF), Sar. G. Nuurey Madey Sheekh iyo wakiilka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G. sare. Maxamed Cabdullaahi oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan UNSOS ayaa ka qeyb galay munaasabadda furitaanka.

Kobcinta awooda ayaa weli ah mid aad muhiim u ah, iyada oo UNSOS ay ku dadaalayso in ay si habsami leh masuuliyada amni looga wareejiyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) looguna wareejiyo CXDS.

Article type