Waajibaadka UNSOS

Taariikhda UNSOS

Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) oo horey loogu yeeri jiray Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOA) waxaa lagu aasaasay Qaraarkii Golaha Ammaanka ee 1863 sannadkii 2009, si taageero dhinaca saadka ah loogu siiyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Waajibaadka shaqo ee hadda jira ee UNSOS waxaa lagu bixiyay Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM 2568 ee soo baxay 12 Maarso 2021.

Hawlgallada UNSOA waxay mataleen bixitaanka muhiimka ah ee QM oo illaa iyo xilligaas, sida caadiga ah taageeray nabad-ilaalintii hore ee jawiga xasiloon. Waa markii ugu horraysay ay QM go’aansato inay taageerto hawlgal aan ka tirsanayn Qaramada Midoobay - AMISOM. Sannadihii la soo dhaafay, Golaha Ammaanka ayaa si tartiib tartiib ah u kordhinayay xirmada taageerada UNSOA si ay ula jaan qaadaan howlgalada dagaalka ee AMISOM iyo sidoo kale tirada kordhaysa ee shaqaalaha AMISOM ee gudaha Soomaaliya, laga soo bilaabo asalka ciidankii la anxixiyay oo ahaa 8,000 sannadkii 2009 ilaa tiro aad u saraysa oo ah 22,126 shaqaale labisan iyo 70 shaqaale rayid ah 2013. Hase yeeshe, sannadkii 2017, Golaha Ammaanka wuxuu bilaabay in tartiib tartiib loo yareeyo AMISOM ee labbisan si loo fududeeyo kala-guurka iyo ku-wareejinta mas'uuliyadaha amniga Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Si kor loogu qaado awoodda Ciidamada Amniga Soomaaliya, Golaha Amaanku wuxuu sannadkii 2013, sidoo kale idmay in taageero xaddidan oo aan hub ahayn in la siinayo shaqaalaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee hawlgalada wadajirka ah la leh AMISOM. Isla sannadkaas, Golaha Ammaanku wuxuu kaloo UNSOA faray in taageero maamul iyo mid saadba la siiyo Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Si loo milicsado tirada macaamiisha sii kordhaysa ee gudaha Soomaaliya, Golaha Ammaanka wuxuu UNSOA u beddelay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) sannadkii 2015, wuxuuna sare u qaaday madaxa UNSOS illaa heer Kaaliyaha Xoghayaha Guud (ASG).

Halka inta badan shaqaalaha UNSOS ay kala joogaan lixda Xarumood ee ugu wayn gudaha Soomaaliya, UNSOS waxay ku tiirsan tahay xafiiska ku yaal magaalada Nairobi iyo xarun saad oo ku taalla Mombasa, Kenya.

Sharciyadda hadda

a. Taageerada AMISOM

UNSOS hadda waxaa loo igmaday inay siiso taageero dhanka saadka ah ugu badnaan 19,626 shaqaalaha AMISOM ee labisan iyo 70 rayid ah. Taageerada la siinayo AMISOM waxay ka timaadaa isku darka miisaaniyada la qiimeeyay iyo tabarucaadka mutadawanimada ee dawladaha xubnaha ka ah ugu deeqeen Sanduuqa Ammaanada AMISOM. Xirmada taageerada saadka waxay ka kooban tahay inta badan bixinta taagerada nolosha oo ay ku jiraan raashinka, biyaha, shidaal iyo sidoo kale kaabayaasha caafimaadka iyo sahayda, daad guraynta dhaawacyada, gaadiidka (dhulka, badda, iyo hawada), taageerada injineernimada (hoyga, dhaqitaanka, bakhaarada difaaca, ceelasha biyaha, maaraynta qashinka), taageerada ka hortagga qaraxyada, dayactirka iyo hagaajinta qalabka, isgaarsiinta HF / VHF, taageerada dhanka IT, istiraatiijiyada isgaarsiinta iyo tababarka. Dhammaan taageerada la siiyo AMISOM waa inay ahaato mid waafaqsan Siyaasada Xaquuqda Aadanaha ee Qarammada Midoobay (HRDDP).

b. Taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

UNSOS waxaa billawgii loo igmaday sannadkii 2013 inay taageero dhanka saadka ah siiso ugu badnaan 10,900 oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed (SNA) ee hawlgallada wadajirka ah la leh AMISOM. Hase yeeshee, taageeradan waxaa ballaariyay Golaha Ammaanka sannadkii 2020 oo gaarsiiyay ugu badnaan 13,900 Cidaamada Ammaanka Soomaaliya, oo ay ku jiraan in si ku habboon ay u wadaagaan booliska maamul goboledyada iyo midka federaalka, kuwaasoo sida cadiga ah isku noqonaya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si waafaqsan qaab dhismeedka Amniga Qaranka ayna si firfircoon uga qayb qaadanayaan hawlgallada wadajirka ah ama isku-duwida oo la leeyihiin AMISOM kaasoo si toos ah u fulinaya Qorshaha Kala-guurka. Haatan, UNSOS waxay taageertaa 12,900 oo CXD ah iyo 1,000 ciidamada booliiska Qaranka Soomaaliya.

Taageerada UNSOS ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya waxaa kaliya lagu maalgeliyaa tabarucaadka mutadawacnimada ee ka timaada dawladaha xubnaha ka ah Sanduuqa Amaanada ay maamusho UNSOS, waxayna ku xiran tahay inay waafaqsan tahay Siyaasada Xuquuqda Aadanaha (HRDDP). Dhinacyada taageerada waxay si aad ah ugu xaddidan tahay cuntada, biyaha, shidaalka, teendhada, gaadiidka, masraxa caafimaadka ee guurguura, bakhaarada difaaca iyo qalabka isgaarsiinta ku habboon ee VHF / UHF / HF si ay awood ugu yeeshaan xiriirka AMISOM, iyo tababarka, qalabka iyo latalinta si looga hortago halista waxyaabaha qarxa ee la farsameeyay (IED).

c. Taageerada UNSOM

UNSOS waxaa loo igmaday inay siiso taageero dhinacyada maamulka iyo saadka ah hawlgalka siyaasadeed ee UNSOM si ay awood ugu yeelato inay xoojiso joogitaankeeda dhammaan gobollada Soomaaliya. Taageerada UNSOS waxaa ku jira bixinta hoy / agabka xafiiska, cunto, biyo, gaadiid, iyo goobo caafimaad. UNSOS waxay sidoo kale UNSOM siisaa taageero maaliyadeed iyo kaabayasha shaqaalaha.

d. Dhinacyada kale ee Taageerada

Sharciyadda UNSOS waxay si adag ugu xaddidan tahay hay'adaha kor ku xusan dhinacyada uu oggolaaday Golaha Ammaanku. UNSOS looma unkin inay bixiso mushaaraadka ama gunnooyinka ciidamada shaqaalaha AMISOM iyo kuwa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya labadaba. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la taageerayo waajibaadka UNSOM, UNSOS waxay si dadban u fududeeysaa dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dawlad dhisida iyadoo bixisa adeegyo ay ka mid yihiin tas-hiilaadka shirka, daabulidda mas’uuliyiinda Dawladda Soomaaliya, iyo kobcinta amniga ee taageerada doorashooyinka.

Maaddaama ay yihiin suurtageliyaal istiraatiiji ah oo taageeraya beesha caalamka ee Soomaaliya, UNSOS waxay taageero dhanka saadka ah siisaa Kooxda Qaramada Midoobay ee dalka iyo ergooyinka diblomaasiyadeed ee gudaha Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo kharashka lagu bixin karo.