Anshaxa iyo Asluubta

Waajibaadka Guddiga Anshaxa iyo Asluubta waxaa laga soo diyaariyay talooyinka Guddiga Gaarka ah ee Howlgallada Nabad-ilaalinta ee tirsigiisu yahay C - 34 -A/59/19 Rev. 10, oo lagu ansixiyay Qaraarka Golaha Guud ee tixraaciisu yahay (59/300 of 22 June 2005).

Dowrka ugu weyn ee Guddiga Anshaxa iyo Asluubta waa in uu xaqiijiyo ka hortagga iyo soo shaac-bixinta wixi anshax-xumo ah iyo sidoo kale in uu ilaaliyo u hoggaansanaanta iyo fulinta heerarka anshaxa ee Qaramada Midoobay iyadoo la isticmaalayo  xeeladda ka kooban seddax waji ee kala ah ka hortagga, fulinta iyo tallaabooyinka sixitaanka.  

Waxaa dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ay ku jiraan la-taliyeyaasha iyo shaqaalaha qandaraaska ku shaqeeya laga filayaa in ay la yimaadaan heerka ugu sarreeya ee anshaxa xirfadeed iyo mid shakhsiyadeed. Waxaa khasab ku ah in ay dhowraan waajibaadkooda ku aadan heerarka anshaxa ee Qaramada Midoobay sida ku xusan Xeerarka iyo Qawaaniinta Shaqaalaha, heshiiska qandaraas ee lala galay Qaramada Midoobay, in ay u hoggaansanaadaan sharciyada maxalliga ah, dadka deegaankana mar kasta ula dhaqmaan si xushmad iyo sharaf leh. 

 

Dhammaan shaqaalaha QM waxaa laga doonayaa in ay ilaaliyaan mabaadii’da aasaasiga ah ee soo socda:

  • Daacadnimo;
  • Anshaxa xirfadeed;
  • Xushmeynta kala duwanaanshaha.

Dhammaan shaqaalaha QM waa in ay u hoggaansanaadaan mas’uuliyadaha soo socda:

  • Karti;
  • Dhexdhexaadnimo;
  • U hoggaansanaanta heerarka anshax ee ugu sarreeya
  • Qarinta sirta;
  • Madax-bannaani;
  • Xushmaynta xuquuqda aasaasiga ah

Maxaa ‘anshax-xumo’ loo qaadan karaa? 

Xadgudubyada Halis Daran ku ah Hay’adda waxaa lagu tilmaamayaa in ay yihiin Anshax-xumada Qaybta 1, waxaana ka mid ah: Xadgudubyada Galmada iyo Faraxumaynta, Khiyaano culus oona adag, ku Xadgudubka Maamulka iyo Shaqaalaha, gadaal iska marinta danta Hay’adda, dhammaan kiisaska la xidhiidha khatar ama khasaaro nololeed ama kuwo dad kale loo geysta oo ay ka mid yihiin markhaatiyeyaal, meel kaga dhac weyn oo loo geysto qawaaniinta QM, xeerka ama maamul fulinta.

Xadgudubyada Halis Hoose ku ah hay’adda waxaa loo aqoonsadaa in ay yihiin Anshax-xumada Qaybta 2 waxaana ka mid ah; Arrimaha Shaqaalaha (oo ay ka mid yihiin dhibaateyntooda) , dembiyada la xidhiidha gaadiidka (sida qaadista rakaab aan la oggolayn) shaqaalaha oo si xun u isticmaala qalabka hay’adda, ku xadgudubka qawaaniinta, xeerarka iyo awaamiirta maamulka, khiyaanada fudud iyo kuwo kale. 

Soo wargelinta 

Sidee loo soo wargelin karaa falalka anshax-xumada ah?

Xeerka Shaqaalaha ee 1.2 (c) waxaa uu sheegayaa in “Xubnaha shaqaalaha uu waajib ka saaran yahay in ay dhacdooyinka jebinta qawaaniinta iyo xeerarka Hay’adda u soo wargeliyaan mas’uuliyiinta kuwaasi oo waajiboodku yahay in ay qaadaan tallaabo habboon oo ayna kaashadaan  xisaabtanka iyo baaritaanka la ogol yahay. Intaa waxaa dheer, waxaa uu Xeerarka Guriga ee Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Qaramada Midoobaay ee Soomaaliya u qaabilsan Ammaanka iyo Anshaxa ee ku aadan dadka degan gudaha xerooyinka Qaramada Midoobay xusuusinayaa in dhammaan shaqaalaha QM ee waddanka ka jooga ay soo wargeliyaan wixi dacwado anshax-xumo ah oo ay tuhunsan yihiin ama ka warqabaan. Dacwadaha waxaa lagu hagaajin karaa Mas’uulka Ashaxa iyo Asluubta ee UNSON: 

Francis Fiankor Telefoonka: +252 (0)619522208/69959040; Ext-8709 | Imeeylka: fiankor@un.org

Ama adigoo u maraya foomka online-ka ee qarsoodiga ah ee aad ka heleyso website-ka Guddiga Anshaxa iyo Asluubta ee ah: https://conduct.unmissions.org/report-now


HOWLGALLADA NABAD-ILAALINTA OO LA FULINYA  

Wax ka qabashada Xadgudubyada Galmada iyo Faraxumaynta

Halkan ka dejiso waraaqaha macluumaadkani 

Halkan ka daawo muuqaalka sharraxaya Xadgudubyada Galmada iyo Faraxumaynta