UNSOS Oo Siminaar Ku Saabsan Maareynta Xiriirka Ganacsiga Iyo Adeegsiga Tekonolojiyada Dijitaalka U Qabatay ATMIS

19 Dec 2023

UNSOS Oo Siminaar Ku Saabsan Maareynta Xiriirka Ganacsiga Iyo Adeegsiga Tekonolojiyada Dijitaalka U Qabatay ATMIS

Muqdisho - Howlwadeenno ka socday Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka qaybqaatay siminaar socday 3 ila 4 Disember 2023, kaas oo ku saabsanaa maareynta xiriirka ganacsiga iyo adeegsiga teknolojiyada dijitaalka.

Tababarka oo uu fududeeyey Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), qaybtiisa Teknolojiyada qaabilsan, ayaa isku keenay ka qaybqaatayaal ka socday qaybaha ATMIS ee rayidka, militariga iyo booliska si ay adeegsiga teknolojiyada ugu dabaqaan hawlahooda, lana yimaadaan halabuur iyadoo la adeegsanayo teknolojiyada dijitaalka.

Sarkaalka UNSOS u qaabilsan hawlaha taageerada, Qurat-ul-Ain Sadozai, ayaa carrabka ku adkeysay ahmiyadda isticmaalka adeegyada dijitaalka iyo in teknolojiyada lagu dabaqo hawlaha amniga si loo xaqiijiyo badqabka iyo wax-ku-oolnimada ciidanka ATMIS.

“Waxaan abuuri karnaa nidaam aan ku badbaadin karno nolosha ciidankeenna, si aan u siinno ayaga teknolojiyada u oggolaanayso ciidanka inay si badqab leh u adeegsan karaan waddooyinka muhiimka u ah gudbinta saadka, iyo inay awood u yeelan karaan inay hawlgallada u fuliyaan si waxtar leh,” ayay tiri Qurat.

Paul Gimsay, oo ah sarkaalka qaabilsan Qaybta Teknolojiyada UNSOS, ayaa bidhaamiyay ahmiyadda la fal-gelidda ATMIS si ay u fahmaan caqabadaha haysta iyo baahiyaha ay qabaan.

“La fal-gelidda macaamiisheenna waa qaddiyad muhiim u ah go’aaminta baahiyahooda si la mid ah sida macaamiishu ugu baahan yihiin inay fahmaan awooddeena iyo adeegyada aan siin karno. Haddaba, tani waa waxa aan rabno inaan mudnaanta siinno,” ayuu yiri Gimsay.

Ka qaybqaatayaasha ayaa la baray mawduucyo kala duwan oo ay ku jiraan maareynta dukumintiyada elekteroniga, hawlaha oo si fogaan ah loo fulin karo, dabalgalka warbaahinta, tarjumaadda luuqadaha iyo isticmaalka adeegga SharePoint, iyo mawduucyo kale.

Danjire Mohamed El-Amine Souef, Madaxa Hawlgalka ATMIS, ayaa ammaanay iskaashiga xooggan ee u dhaxeeya UNSOS iyo ATMIS. Wuxuu xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in hawlwadeennada ATMIS lagu qalabeeyo agab iyo xirfad teknolojiyadeed si ay u gutaan hawlaha loo igmaday.

“Halista is badbadalaysa ee ka imaaneysa Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubaysan waxay nooga baahan tahay in ATMIS adeegsato xalal teknolojiyeed oo casri ah oo ku aaddan xog ururinta, xuuraanka, adeegyada digista, oo ay ku jiraan tallaabooyinka lagu dhimi karo halisaha oo idil,” ayuu yiri Danjire Souef.

Article type