UK oo ku dhawaaqday £6 milyan oo dheeraad ah oo lagu taageerayo Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga Soomaaliya

25 Sep 2025

UK oo ku dhawaaqday £6 milyan oo dheeraad ah oo lagu taageerayo Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga Soomaaliya

  • UK oo £6 milyan (in ka badan $8 milyan) ugu deeqday Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ee ay UNSOS maamusho
  • Taageerada maaliyadeed ee UK ee la marsiiyo UNSOS waxay caawisaa 18,900 ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliyeed ee dagaalka xasaasiga ah kula jira xagjiriinta qalalaasaha wax ku raadiya
  • Taageerada UK waxay awood u siin doontaa UNSOS inay sii waddo bixinta raashinka, shidaalka iyo daadguraynta dhaawacyada

Muqdisho – Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa ku dhawaaqday taageero maaliyadeed oo dheeraad ah oo dhan £6 milyan (in ka badan $8 milyan) oo loogu deeqay Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ee uu Maamulo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Taageeradan cusub waxay sii adkaynaysaa caawimaadda maaliyadeed ee baaxadda leh ee UK ay siiso UNSOS, taas oo taakulo saad oo aan halis ahayn siiso Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, sida raashin, shidaal, teendhooyin, qalab isgaarsiineed iyo taageero daadgurayn caafimaad oo naf-badbaadin ah. UNSOS waxay sidoo kale tababarro karaan-dhisid oo muhiim ah siisaa ciidanka Amniga Soomaaliyeed si ay ugu suurtgaliso inay la wareegaan mas’uuliyadaha amniga.

Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa sheegay in deeqdan ugu dambeysa ay xaqiijinayso sida UK ay uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo taageeridda geeddisocodka kalaguurka amniga Soomaaliya.

“Waxaan rajeyneynnaa in taageeradan cusub ay sii xoojin doonto karaanka ciidanka Soomaaliyeed si ay uga caawiso inay horumar ka sameeyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Taageerada aan halista ahayn ee ay UNSOS bixiso waxay xaqiijisaa in ciidanka ku sugan furimaha dagaalka ay helaan agabka muhiimka ah, qalabka iyo adeegyada caafimaadka degdegga ah oo dhammaantood muhiim u ah xoojinta niyaddooda iyo xaqiijinta in hawlgalladu noqdaan kuwo saameyn leh,” ayuu yiri Danjire King.

La Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa sidoo kale soo dhaweeyey deeqda cusub isagoo xusay saameynta deeqda maaliyadeed ku leedahay xaaladda amniga sii hagaageyso ee Soomaaliya. Wuxuu deeq bixiyayaasha kale iyo bahwadaagta caalamiga ah ugu baaqay inay taageeraan sanduuqa, isagoo ballanqaaday sida dawladda ay uga go’an tahay xaqiijinta hufnaanta adeegsiga deeqda.

“Waxaan rabnaa inaan dadka Soomaaliyeed iyo UK u ballanqaadno in taageerada la bixiyay loo adeegsan doono sida ugu hufan uguna wax-ku-oolsan. Ka dawlad ahaan,  kaliya ma aha inay la xisaabtamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse waxaa kale oo ay tahay inay nala xisaabtamaan canshuur-bixiyayaasha UK sababtoo ah waxay rabaan inay ogaadaan sida deeqdooda ay u saameyneyso xaaladda amniga Soomaaliya,” ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka.

“Waxaa naga go’an hufnaan dhammaystiran iyo inay na lala xisaabtamo – ha noqoto dadka Soomaaliyeed ama muwaadiniinta UK ee na siinaya taageerada.”

Sii Hayaha Madaxa UNSOS, Qurat-Ul-Ain Sadozai, ayaa xustay in taageerada ay bixisay UK ay aad muhiim ugu tahay joogtaynta Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo ciidanka amniga Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka.

“Waxaan rabaa inaan aqoonsado iskaashiga aan la leennahay UK isla markaasna aan uga mahadnaqo taageeradooda. Waxaan kaloo ammaaneynnaa oo aan qiraynnaa geesinnimada Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ee sida wadajirka ah uga garab shaqeynaya ciidanka Midowga Afrika si ay u xaqiijiyaan in Soomaaliya ay ahaato meel amni ah. UNSOS waxaa ka go’an sii wadista bixinta taageerada lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay si loo gaaro hawlgallo wax-ku-ool ah,” ayay tiri Marwo Sadozai.

Sanadkii 2024, taageerada maaliyadeed ee UK ay siiso Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ayaa u suurtagalisay UNSOS inay 6,000 oo tan oo cunto ah, iyo 2,000 oo tan oo shidaal ah, siiso Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo sidoo kale bixinta daadgurayn loo sameeyay boqollaal ciidan oo dhaawacmay. Deeqdan cusub ayaa noqon doonto mid xoojisa taageeradan saad ee xasaasiga ah.

UNSOS waxay haatan taageertaa 18,900 oo hawlwadeenno ka tirsan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, waxayna u baahan tahay maalgelin ku filan  si ay tirada u gaarsiiso 20,900 oo askari, si waafaqsan Kharaarka Golaha Ammaanka QM ee 2767 ee Disembar 2024.

Xog loogu talagalay tifaftirayaasha warbaahineed

Soomaaliya waxay horumar wayn ka sameysay dhinacyo kala duwan tobankii sano ee la soo dhaafay. Beesha caalamka waa inay sii waddaa taageerada dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto helidda waax amni oo mas’uuliyad isla markaasna xooggan. Joogtaynta guulaha la gaaray sanadihii la soo dhaafay, oo ay ka mid tahay ka guuristii Hawlgalkii ATMIS (Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya) ee looga guuray amni ay Soomaaliya hoggaaminayso ayaa ah hadafkeenna wadajirka ah.

UK waxay taageero toos ah siisaa Soomaaliya iyadoo sidoo kale xoojinayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. UK waxay saaxiib la tahay Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyadoo u sii mareyso Sanduuqa Maaliyadeed ee UNSOS ay gacanta ku hayso.

  • Bishii Abriil, UK waxay ku deeqday lacag dhan £3.9 milyan taas oo dheeraad ku ahayd deeq hore oo dhammayd £5 milyan oo ay bixisay Febraayo 2025; £5 milyan oo ay bixisay Sebtembar 2024; £2.75 milyan oo ay bixisay Abriil 2024; £5 milyan in ku deeqday Jannaayo 2024, iyo £5 milyan oo ay ku deeqday Disembar 2023.
  • Tan iyo sanadkii 2021, UK waxay bixisay £46.73 milyan (in ka badan $58 milyan) oo ay ugu deeqday UNSOS si loo taageero sanduuqa maaliyadeed ee ciidanka amniga Soomaaliyeed.
  • UNSOS waxay haatan taageertaa 18,900 ka tirsan ciidank qaranka Soomaaliyeed iyo hawlwadeeno ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo si wadajir ah ula shaqeeya Hawlgalka Xasilinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), sida uu farayo Kharaarka Golaha Ammaanka ee QM ee 2741 ee Juun 2024.

 

Article type