15 saraakiil militari oo dhammaystay koorso la xiriirta Maareynta Amniga Duulista
Muqdisho – 15 ka tirsan saraakiisha militariga ee Unugta Ilaalada Qaramada Midoobay (UNGU) ayaa dhowaan dhammaystay tababar aasaasi ah oo ku saabsan baarista amniga iyo duulista, kaas oo qeyb ka ah dadaallada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu sare ugu qaadayo karaanka hawlgaleed ee bahwadaagtiisa, Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed. Qalinjabiyayaasha ka socday UNGU ayaa billaabi doono caawinta qaybta duulista rayidka ee Soomaaliya.
Dufcadda, oo ka kooban 9 lab ah iyo 6 dheddig ah, ayaa dhamamystay barnaamij lix bilood socday oo waafaqsan halbeegyada Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO).

Agaasimaha UNSOS ee Taageerada Hawlgalka, Qurat-ul-Ain Sadozai, oo ka hadashay xafladdii qalinjabinta, ayaa ku tilmaamtay munaasabadda guul taariikhi ah, iyadoo carrabka ku adkeysay kalsoonida ay Dawladda Federaalka ku qabto UNSOS si loo xoojiyo qaybta duulista Soomaaliya iyadoo iskaashi loo marayo.
“Qalinjabintan waxay ka marag kacaysaa iskaashiga wanaagsan iyo wada-shaqeynta aan maanta halkan u joogno; waa munaasabad gaar ah sababtoo ah waa markii ugu horreysay ee munaasabad noocaan oo kale ah ay ka dhacdo dhammaan hawlgallada nabad ilaalineed ee QM,” ayay tiri.

Marwo Qurat-ul-Ain oo metelaysay Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud ahna Madaxa UNSOS, Aisa Kirabo Kacyira, ayaa ciidanka ilaalada QM ee UNGU uga mahadcelisay nafhurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay badbaadada iyo amniga. Waxay mar kale ballanqaaday sida UNSOS ay uga go’an tahay dhisidda karaanka ee lagu taageerayo nabadda Soomaaliya iyo hannaanka kalaguurka.
Tababarka ayaa saraakiisha baray aqoon aasaasi ah oo ku saabsan mabaadi’da amniga duulista, isagoo diiradda saaray ka ilaalinta rakaabka, iyo hawlwadeennada falalka sharci darrada ah. Ka qeybqaatayaasha waxay barteen hababka loo hirgeliyo loona dhaqangeliyo tallaabooyinka amniga ee garoommada ku yaalla Soomaaliya.
Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Somaaliya (SCAA), Cali Jaamac ayaa UNSOS ku ammaanay horumarinta tababarka amniga duulista, wuxuuna xusay ahmiyadda tababarka ee qancinta halbeegyada caalamiga ah. Wuxuu ku celiyay sida Hay’adda SCAA ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay UNSOS.
“Hawlaha garoonka diyaaradaha waxay leeyihiin labo mudnaan; amniga duulista iyo badbaadinta iyo dab-damiska. Haddii aan la gaarin labadan ujeeddo, ma hawlgalin kartid garoon diyaaradeed; taasina waa halbeegga Hay’adaha ICAO iyo Duulista Rayidka Soomaaliya,” ayuu yiri Cali, oo ku hadlayay afka Agaasimaha Guud ee Hay’adda SCAA, Axmed Macallin Xasan.

Madaxa UNSOS ee Adeegyada Duulista, Ernest Manzano, ayaa xoojiyay ahmiyadda iskaashiga sare loogu qaadayo amniga duulista. “Haddii aynan haysan amni, ma haysanno badbaado; ma haysanno hawlo socon karo, waxba ma haysanno. Dhammaan hawlgallada QM waxaa haga amniga, sidaas awgeed waa inaan xilli kastaa diiradda saarnaa amniga.”
UNSOS waxay door muhiim ah ka ciyaartay dhisidda xirfadlayaasha amniga duulista (AVSEC) oo muhiim u ah dagaalka Soomaaliya ay kula jirto argagaxisada.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada QM ee UNGU, G/Dhexe Peter Barigye, ayaa u mahadceliyay UNSOS iyo fududeeyayaasha tababarka oo ka socday shirkadda amniga ee Hart Nationwide tababarka, wuxuuna qalinjabiyayaasha ku dhiirrigeliyey inay si saameyn leh u dhaqangeliyaan xirfadaha cusub ee ay tababarka ka kasbadeen si ay u wanaajiyaan Soomaaliya iyo gobolka.

“Waxaan doonayaa inaan UNSOS uga mahadceliyo taageerada iyo iskaashiga ay dhammaanteen naga siiso dhinacyo kala duwan. Marka xigta, waxaan tababarayaasha uga mahadcelinayaa dadaalkooda. Marka saddexaad, waxaan askarta la tababaray ugu hambalyeynayaa dadaalkoodii aan daalka lahayn iyo sida ay uga go’nayd ka mirodhalinta tababarka,” ayuu yiri G/Dhexe Barigye.
Qalinjabiyayaasha ayaa helay shahaadooyin ay ICAO aqoonsan tahay, oo ay ku xusan tahay inay barteen xirfado la xiriira amniga aasaasiga ah, sida qiimeynta halista, nidaamyada ka digista bambooyinka, nidaamyada xaaladaha degdegga ah, baarista dheeraadka ah ee la mariyo rakaabka laga shakiyo iyo aqoonsiga rakaabka aan saxda ah, iyo xirfado kale.
