Awood-siinta dhallinyarada, ilaalinta dhulka: UNSOS oo iskaashi la yeelatay jaamacado Soomaaliyeed si ay u tababarto u dhaqdhaqaaqayaasha deegaanka ee mustaqbalka
Muqdisho – Shan iyo labaatan arday oo ka socotay Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho ayaa la siiyay tababar i-tus-i-taabsii ah oo hal maalin socday kaas oo ku saabsanaa maareynta qashinka biyaha iyo kan adkaha ah si looga hortago wasakhowga deegaanka. Tababarka oo ka dhacay warshadaha xarumaha deegaanka UNSOS, gaar ahaan warshadda daawaynta qashinka biyaha iyo qaybta lagu kala sooco qashinka. Tababarka ayaa looga gol lahaa in ardayda la siiyo xirfado i-tus-i-taabsii ah si qashinka loola tacaalo sida ugu saameynta badan, deegaankana loo ilaaliyo.
Waxaa barnaamijka hoggaaminayso Unugta Deegaanka UNSOS, iyadoo ujeeddadu tahay in aqoonta fasalka lagu qaatay lagu xiriiriyo maareyn deegaanka ah oo gacanta laga sameynayo, si loogu faa’iideeyo ardayda dhigata kulliyadda caafimaadka dadweynaha ee maraya sanadka afaraad. Hindisaha ayaa si toos ah ula tacaalayo firaaqa aqooneed ee baraaktikada ah ee sayniska, kaas oo muhiim u ah dhawrista deegaanka Soomaaliya. “UNSOS waxaa ka go’an taageerista dadka Soomaaliyeed iyadoo u marayso dhisidda karaanka, taas oo qeyb ka ah nidaamkeenna maareyneed ee deegaanka,” ayuu yiri Jaamac, Sarkaalka Arrimaha Deegaanka u qaabbilsan UNSOS.

Tan iyo markii barnaamijka la billaabay bishii Nofembar 2024, UNSOS waxay 58 arday oo ka qalinjabisay shahaadada koowaad ee jaamacadda ku tababartay maareynta qashinka adkaha ah iyo kan biyaha, kuwaas oo lagu tababaray xarumaha QM ee Muqdisho.
Jaamacadda Jazeera ayaa noqotay jaamacaddii ugu horreysay ee UNSOS kula bahowday barnaamijkan, waxaana hadda ku soo biiray Jaamacadda SIMAD. UNSOS ayaa iskaashiga ay la yeelatay xarumaha tacliineed waxay uga gol leedahay inay dhiirrigeliso jiil cusub oo u ololeeyo arrimaha deegaanka iyo xirfadlayaal door ku biirin kara dhawrista deegaanka iyo himilooyinka caafimaadka dadweynaha.
“Waxaan bartay wax badan oo sare u qaadi kara waayo-aragnimadayda. Waxaan baraaktiko ahaan u qabtay wixii aan cashar ahaan u bartay. Qashinku ma wada ahan qashin; waxaa ku jira agab nacfi u yeelan kara dadka iyo deegaanka, baddalkii kaliya la iska xoori lahaa. Waxaan ka faa’iidaysan karnaa agabka dib loo isticmaali karo oo loo warshadayn karo beddelkii aan u oggolaan lahayn inay si taban u saameeyaan caafimaadkeenna iyo deegaankeenna,” ayay tiri Muna Xasan Warsame, oo sanadkii ugu danbeeyey ee Caafimaadka Dadweynaha ka dhigata Jaamacadda SIMAD, una ololeysa dhawrista deegaanka.


Booqashadii ugu horreysay waxay ardayda ku tageen warshadda maareynta qashinka, oo ah xarunta ugu muhiimsan ee lagula tacaalo qashinka laga soo ururiyo 43 goobood oo gaar ah oo ku dhex yaalla xarumaha QM iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Ardayda waxay halkaasi ugu kuurgaleen hannaanka kala soocidda qashinka, oo ah hawlgal joogto ah oo lagu dhimo xajiga qashinka la qubo si wax badan oo qashinka ka mid ah dib loogu warshadeeyo.
Ardayad Salma Cabdulqaadir Maxamuud waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda tababarka, iyadoo tiri, “Hal shay oo aan dhaqangelin doono wuxuu noqon doonaa inaan qashinka si habboon u ururiyo beddelkii aan wada tuuri lahaa. Waxaan hadda fahmay in qashinka dib loo adeegsan karo, loona gadin karo waxyaabo waxtar leh, - tusaale caaggaga yaryar ee cabbitaannada waxaa dib looga sameyn karaa weelal cuntada lagu rito.”
“Goobtani waxay ardayda iyo dadka maxalliga u tahay sida xarun tababareed. Waxaan ku tababarnaa inay ku dabakhaan aqoontooda bulshada dhexdeeda si ay deegaanka u xifdiyaan,” ayuu yiri Dennis Odur, oo ah kormeere ka tirsan shirkadda Ecolog, oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo ka shaqeysa maareynta qashinka.
“Waxaan rabaa inaan ku wacyigeliyo dadka in qaar ka mid ah alaabta aan wax ku karsanno ama ku cunno ay suurtagal tahay inay horey u ahaayeen qashin. Haddii aan qashinka si habboon u maareynno, waxaan ka dhigi karnaa magaalooyinkeenna kuwo ka nadiifsan kana quruxsan sida ay hadda yihiin,” ayay raacisay Salma.
Ardayad kale, oo lagu magacaabo Alma Cabdirsaaq Maxamed waxay ka hadashay dhiirrigelintii ay heshay ka dib ka qeybgalka tababarka: “Waxyaabo badan ayaa i dhiirrigeliyay aniga. Mid ka mid ah waa damacayga ku saabsan inaan door ku yeesho xarumaha caafimaadka la xiriira, si aan gacan uga gaysto isbaddal togan oo ka hirgala dalkayga, iyo inaan la tacaalo mashaakilaadka saameynaya bulshada. Waxaan rabaa inaan qiimo ku kordhiyo deegaanka iyo caafimaadka dadweynaha.”

Isagoo ku sugan warshadda daawaynta qashinka biyaha, kormeere ka tirsan shirkadda Ecolog Josiah Kiprotich ayaa sharraxay saddex marxaladood ee daaweynta, ee lagu daaweeyo ku dhowaad 300,000 oo litir oo biyo qashin ah maalin kasta. “Daawayntan waxay muhiim u tahay dhawrista deegaanka. Haddii biyaha qashinka ah la sii daayo iyagoon la daawayn, waxay wasakheynayaan deegaanka waxayna keeni karaan halis caafimaad,’ ayuu yiri Josiah.
Hannaanka sifaynta ayaa ku billowdo in biyaha wasakhda ah lagu soo qaado taankiyo, kuwaas oo ka soo qaada goobo mucayan ah, waxaana xiga in biyahaas la sifeeyo iyagoo laga saaro wasakhda lana mariyo hannaan sifayn iyo caabbuq dilid ah. Ka dib daawaynta, biyaha la nadiifiyay oo aan cabbitaan ahaan loo adeegsan karaa ayaa loo isticmaalaa baahiyaha biyo sida waraabinta, xakamaynta busta iyo dhismaha.
Maxamed Cabdi Xasan, oo ah macallin jaamcadeed oo ka tirsan Kulliyadda Caafimaadka Dadweynaha ee Jaamacadda SIMAD, ayaa uga mahadceliyay UNSOS sida ay ardayda u siisay xirfado muhiim ah. Wuxuu xusay doorka tababarka uu ku leeyahay kobcinta xirfaddooda si ay uga qeybqaataan mustaqbal deegaan oo ifaya.
“Tababarkan baraaktikada ah saameyn weyn ayuu ku leeyahay ardaydeenna, isagoo siiyay waayo-aragnimo i-tus-i-taabsii ah oo la xiriirta maareynta qashinka iyo wacyigelinta arrimaha deegaanka, gaar ahaan caqabadaha caafimaadka dadweynaha ee ay wajahayaan bulshooyinka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan.
UNSOS ayaa sii wadda inay waayo-aragnimadeeda maareynta qashinka iyo ilaalinta deegaanka la wadagto ardayda Soomaaliya si ay wacyigelin uga sameeyaan bulshooyinka si deegaanka loogu ilaaliyo jiilka hadda iyo kuwa mustaqbalka Soomaaliya.
