UK oo ku ammaantay UNSOS doorka muhiimka ah ee taageerista Ciidanka Amniga Soomaaliyeed
Muqdisho – Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabbilsan Soomaaliya, Charles King, ayaa ammaanay iskaashiga muddada dheer ee dalkiisa uu la leeyahay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo doorkeeda muhiimka ah ee sare u qaadista karaaanka Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.
Mar uu booqasho barasho ah ku tagay Qaybta Duulista ee UNSOS ee Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, Danjire King waxaa soo dhaweysay Ku Simaha Madaxa UNSOS Qurat-ul-Ain Sadozai, Madaxa Adeegyada Duulista UNSOS Ernest Manzano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan UNSOS, Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM)

“Annagoo u sii mareynno UNSOS, waxaan awood u leennahay inaan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed siinno qalab aan halis ahayn iyo taageero kale si aan u horumarinno awooddooda iyo saameyntooda,” ayuu yiri Danjire King. Wuxuu kaloo xusay mas’uuliyadda UNSOS, oo uu ku tilmaamay saaxiib Boqortooyada Ingiriisiga ay ku kalsoon tahay.
Danjire King ayaa helay waayo-aragnimo i-tus-i-taabsii ah oo ku saabsan hawlgallada duulista UNSOS, sida qaybta baarista caafimaadka degdegga, iyo helikobtarrada daadgureeya dhaawacyada, halkaas oo uu ku arkay isticmaalka agabka naf badbaadinta, isla markaasna uu kula kulmay arday Soomaaliyeed oo duulista baranaya kuwaas oo uga warramay saameynta barnaamijka tababarka duulista UNSOS.

“Waxaa jira qaybo badan oo karaan dhisid ah oo aan sameyneynno, ha noqoto isgaarsiinta, IT-ga, iyo duulista. Sidaas awgeed, kaliya ma bixinno taageero saad ee waxaan kaloo xaqiijinnaa inaan xirfadaha saad iyo aqoonta wareejinno annagoo u mareyno tababarrada. Waxay tani u saamaxeysaa Ciidanka Amniga Soomaaliyeed inay milkiyadda lahaadaan ayna isku kalsoonaadaan xilliyada hawlgalladooda,” ayay tiri Sadozai.
Sadozai waxay ammaantay iskaashiga xooggan ee UNSOS ay la leedahay Dawladda Britain, waxayna uga mahadcelisay taageerada, iyadoo ku celisay sida UNSOS ay uga go’an tahay caawinta Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
“Waxaan ammaanaynnaa oo aan qiraynnaa geesinnimada Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo Ciidanka Midowga Afrika, taas oo xaqiijisay badbaadada iyo amniga Soomaaliya. UNSOS waxay sii wadi doontaa bixinta taageerada lagama maarmaanka ah si ay u xoojiso hawlgalladooda.”

Iyagoo u maraya Hawgalka Ciidanka British ee Soomaaliya ee la yiraahdo (Operation TANGHAM), ciidanka Britain waxay ku deeqeen 45 xirmo oo ay ku jireen agabka caafimaadka degdegga, sida 225 agabka loo isticmaalo dhiig-joojinta, faashado, faashadaha lagu daboolo dhaawacyada xabadka, si loogu caawiyo kooxaha daadguraynta dhaawacyada ee UNSOS ee ku lugta leh hawlgallada caafimaadka degdegga ah.

UK waa mid ka mid ah deeq bixiyayaasha ugu wayn uguna joogtaysan ee taageera Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ee ay UNSOS maamusha, iyadoo bixiso taageero saad oo aan halis ahayn, sida raashin, shidaan, daadgurayn dhaawacyada, qalab isgaarsiineed iyo tababarro karaan-dhisid oo la siiyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.

Guusha kaliya ee ugu wayn ee aan hawlgalkan ka sameynnay waa awoodda inaan barnaamijyo karaan-dhisid abuurnay oo aan isku dhafnay kooxo ka tirsan AUSSOM iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed oo aan ka dhignay hal unug, kuwaas oo si isku mid ah loo tababaro,” ayuu yiri Manzano.