UNSOS oo ka taageeraysa AUSSOM sidii loo wareejin lahaa amniga Qaybta 2-aad

14 Apr 2025

UNSOS oo ka taageeraysa AUSSOM sidii loo wareejin lahaa amniga Qaybta 2-aad

Kismaayo - Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa sii wada inuu door muhiim ah ka ciyaaro hayaanka Soomaaliya ay ugu jirto nabad iyo xasillooni. Isagoo u maraya bixinta taageero saad, mid injineeriyad, iyo mid joogto ahba, Hawlgalka UNSOS wuxuu ka caawiyaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) siduu waajibaadkiisa Qaybaha ugu gudan lahaa si saameyn leh.

Booqasho dhowayd ee Xarunta Taageerada Hawlgalka iyo Bixinta Adeegga ee #UNSOS ay ku tagtay Kismaayo ayaa iftiimisay taageerada Hawlgalka uu siiyo hawlgallada AUSSOM ee Qaybta 2-aad – laga soo billaabo xaqiijinta deegaan sugan oo nabdoon ilaa taageeridda sidii mas’uuliyadaha amniga loogu wareejin lahaa Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.

Gaashaanle Sare Meshack Kishoyian, oo ah Ku Xigeenka Taliyaha Qaybta 2-aad ee AUSSOM ee Kismaayo kana tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa carrabka ku adkeeyey sida taageeradan ay xasaasi u tahay: “Ma jiri karno la’aanta UNSOS. Tan iyo markii aan nimid, UNSOS waxay muhiim u ahayd xaqiijinta inaan guul ka gaarno waajibaadka iyo hawlgalka halkan ee Qaybta 2-aad iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxay na siiyaan taageero nafeed, sida cunto, biyo iyo shidaal. UNSOS waa lafdhabar, waxayna u taagan tahay xaqiijinta sidii guusheenna ay ku dhaboobi lahayd.”

Wafdiga UNSOS, oo uu hoggaaminyaay Ku Xigeenka Xarunta, uuna wehliyey Dhamme British ah Nathan Truscott (La-Taliye Milatari), Montasser Bellah Elaydi (Sarkaal qaabbilsan Qorshaynta), Dhamme Alex Gale (Masuulka ugu sarreeya, Xarunta Taageerada Hawlgalka), iyo Ekokusendang Westberg (Xarunta Hawlgallada Wadajira ee Qaybaha – Sarkaalka Isku Duwista Hawlaha iyo Warfaafinta ee Qaybta 2-aad), ayaa la kulmay hoggaanka AUSSOM, oo ay ku jireen saraakiisha ciidanka KDF ee Qaybta 2-aad. Wadahadalladooda ayaa hoosta ka xarriiqay sida hawlaha UNSOS ay u taageeraan wax-ku-oolnimada hawl-maalmeedka Hawlgalka AUSSOM. Gaashaanle Sare Kishoyian ayaa ka hadlay doorka haweenka ay ku dhex leeyihiin Hawlgalka AUSSOM, wuxuuna xoojiyay ahmiyadda iyo joogitaanka muhiimka ah ee askarta dumarka ah ee ka tirsan qaybaha saadka, hawlgallada iyo maamulka.

Saadka UNSOS: Matoorka ka danbeeya Hawlgallada

Taageerada Saad ee laga bixiyo Kismaayo waa mid ka baaxad wayn hawlgallada. UNSOS waxay xaqiijisaa in saldhigyada AUSSOM ay si habsami leh u shaqeeyaan una sugnaadaan amni ahaan, iyadoo siiso adeegyo waqtigii loogu talagalay lagu bixiyo sida shidaal, daawo, cunto iyo biyo nadiif ah.

“UNSOS waxay naga caawisaa dhanka saadka, iyadoo na siiso raashin, biyo, batrool, oolyada iyo garaasooyinka, iyo daawada. Dhammaan waxyaabahan ayaa muhiim u ah guusha hawlgallada,” ayay sharraxday Dhamme Lucy Esenyer, oo ah Ku Simaha Sarkaalka Saadka ee Qaybta ee AUSSOM. Waxay xaqiijiyaan in raashinka uu ku yimaado xilliga loogu talagalay kuwaas oo loo kala qeybiyo saldhigyada kala duwan. Siinta biyaha iyo daawada waxay ka dhigan tahay inaan awood u yeelanno haysashada ciidan caafimaad leh oo awood u leh inay si saameyn leh u fuliyaan waajibaadka AUSSOM. Dhanka bixinta shidaalka iyo olyada waxay ka dhigan tahay inaan awood u leennahay hagaajinta gaadiidkeenna si aan roondooyinka maalintii iyo habeenkiiba uga fulinno deegaannada ay mas’uuliyadda naga saaran tahay.”

Dhamme Esenyer oo qaabbilsan saadka saldhigyada ciidanka KDF waxay si dhow ula shaqeysaa UNSOS iyo Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah. Waxay ka hadashay hawlgal wadajir ah oo dhowaan laga fuliyay xerada dadka barakacay ee Luglow, oo 30 km waqooyi uga beegan Kismaayo, halkaas oo hawlaha saadka ay xaqiijiyaan inay aad muhiim u yihiin. “Shaqadayda ka sarkaal dhanka saadka ah waa xaqiijinta in gaadiidka qaadaya ciidanka si fiican loo dayactiray, si fiican loo ilaaliyay, ayna haystaan shidaal ku filan si loo xaqiijiyo gaadiidka ciidankeenna ay ku tageen xerada dadka barakacay.”

Iskaashigan u dhaxeeya AUSSOM iyo UNSOS aad ayuu muhiim u yahay gaar ahaan marka caqabado aan la filaynin ay halis galiyaan sii socoshada hawlgalka. 2024-tii, markii roobab culus ay carqaladeeyeen waddooyinka ka yimaada dekedda ee aada saldhigyada, UNSOS ayaa soo faragelisay, iyadoo helikobtarro ku daadgureysay raashinka loogu talagalay ciidanka. Mar kale oo danbe oo warshadda biyaha ee Afmadow ay jabtay, biyo nadiif oo cabbitaan loogu talagalay ayaa muddo saddex maalmood ah loogu geeyey ciidanka. “Taageero iyo dadaal wayn oo ay UNSOS sameysay ayay taasi ahayd, taas oo sare u qaadeysa niyadda ciidankeenna isla markaasna xaqiijinaysa inaan mar kasta awoodno inaan caawin karno ayaga xilli kasta si kasta oo ay caqabado u jiraan,” ayuu yiri G.Sare Kishoyian.

UNSOS iyo Taageerada Daryeelka Caafimaadka: Xaqiijinta Diyaargarow Caafimaad

Isbitaalka Heerka 1-aad ee Kismaayo, doorka UNSOS ee adeegyada caafimaadka waa mid sidoo kale muhiim ah. Dhamme Gakenia Kagocha, maamulaha isbitaalka ahna kalkaaliso caafimaad, ayaa xustay saameynta taageeradooda oo ay ka faa’iidaystaan ciidanka AUSSOM iyo kuwa Amniga Soomaaliyeed iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed.

“UNSOS aad ayay muhiim u tahay sababtoo ah waxay na siisaa daawo. Haddii aysan UNSOS na siiseen daawo, uma maleynayo in si wax-ku-oolnimo leh u gudan lahayn hawlaha xoojinta iskaashiga milatariga iyo shacabka. Waxaa kaloo mudan in la xuso in qalab badan oo yaalla isbitaalka ay leedahay UNSOS,  iyadaana dayactirta isla markaasna ka war haysa xaaladda qalabkaas, sidaas awgeed UNSOS waxay xaqiijisaa in isbitaalka uu bixiyo adeeg daryeel caafimaad oo saameyn leh.”

Marka laga soo tago maamulka, Dhamme Kagocha waxay bixisaa daryeel bukaan oo toos ah iyadoo sidoo kale gacan ka gaysata tababarta unugyada Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ee la tacaala daryeelka dhaawacyada. “Xilliyada ciidanka amniga Soomaliyeed ay aadaan dagaalka ayna dhaawacmaan qaar ka mid ah ciidanka, waxaan xaqiijinnaa inaan taageerno si looga hortago dhimasho, waxaana hawshan soo wadnay 14-kii bilood ee ugu danbeeyey.”

Waajibaadka AUSSOM ee Taageeridda Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo UNSOS oo ah Garaaca Wadnaha ee Hawlgalka

ATMIS ha la dhaho ama AUSSOM, waajibaadka Hawlgalka Midowga Afrika iyo mas’uliyadihiisa isma uusan baddalin. Sida G/Sare Kishoyian uu qeexay, afarta tiir ee muhiimka ah ayaa kala ah: carqaladaynta Al-Shabaab, xoojinta Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, awood-siinta kaalmada bini’aadannimo iyo ilaalinta hawlwadeennada iyo hantida Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

“Waajibaadkeenna waa sidii aan ku xaqiijin lahayn in la helo nabad. Waxaan ka garab shaqeynnaa Ciidanka Amniga Soomaaliyeed si ay karaankooda u horumariyaan si ay mas’uuliyadaha amniga ugala wareegaan ciidanka AUSSOM,” ayuu carrabka ku adkeeyey G/Dhexe John Maina, Taliyaha Guutada 2 ee Ciidanka Lugta ee Gaashaaman ee Qaybta 2-aad.

Marka laga hadlayo arrinta, horumar ku aaddan sidii mulkiyadda amniga loogu wareejin lahaa Soomaalida waa mid la taaban karo, sida uu qiray G/Dhexe Maina. “Markii aan halkan imid, waxaa taliskayga hoos imaanayay afar saldhig. Labo ka mid ah waxaan ku wareejiyay Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, ilaa haatan gacantooda ayuu ku jiraa. Waxay taasi muujinaysaa in ciidanka Soomaaliyeed ay heleen karaankii lagama maarmaanka u ahaa inay kaligood hawlgalaan. Sida guud, waxaan rumeysan nahay waxaan tan u aragnaa tallaabo ay Soomaaliya horey u qaadday si ay arrimaheeda u maareysato.”

Wareejinta saldhigyada oo istaraatiiji ah waxay ka dhigan tahay guul muhiim ah oo laga gaaray sidii mulkiyadda amniga qaranka loogu wareejin lahaa Soomaaliya. Geeddisocodka ayaa qeyb ka ah dadaallada guud ee kalaguurka ee lagu awood siinayo ciidanka amniga Soomaaliyeed si ay mas’uuliyadda amniga dalkooda si buuxdo ula wareegaan.

Dadaallada lagu dhiirrigelinayo kalaguurkan, tababarrada lagu dhisayo xirfadaha hawlgallada waa muhiim. Tababarradan ayaa ka caawiya bahwadaagta inay si wadajir ah si fiican u wada shaqeeyaan. Hal tusaale fiican waa koorsooyinka wacyigelinta halista waxyaabaha qarxa, oo ay si wadajir ah u fuliyaan AUSSOM iyo UNMAS. “Waxaan qaadannaa dhowr tababarro oo ku saabsan sidi waddooyinka loo sifayn lahaa iyo sidii aan caawimad degdeg ah u bixin lahayn xilliyada dagaalka.  Tababarkan ayaa ka caawiya ciidanka AUSSOM iyo kuwa Soomaaliyeed inay raacaan hannaan isku mid ah si loo xoojiyo nabadda iyo xasiloonida Kismaayo,” ayuu yiri Dhamme Henry Cheboi, oo ah Sarkaalka Qaabbilsan Injineeriyada ee Qaybta.

G/Dhexe wuxuu si waadax ah u rumeysan yahay in taageerada ay bixiso UNSOS ay awood siinayso guusha hawlgalka. “La’aanta UNSOS ma jiri karo hawlgalka AUSSOM sababtoo ah wax kasta waxay u baahan yihiin taageero saad. UNSOS waa sida garaaca wadnaha ee hawlgalkan. Marka aad eegto dhammaan shuruudaha saad ee aan haysanno, la’aantood ma gaari karno guusha AUSSOM. Saad wuxuu muhiim u yahay qaran kasta inuu gaaro yoolalkiisa, AUSSOM-na kama marna.”

Dhaxal Nabadeed oo la wadaago

“Dhaxalkeenna waa inaan ka tagno aaggan oo nabad ah si loo xaqiijiyo in qeybaha kale ee nolosha ay sii socdaan, taasina waxaa un laga gungaari karaa haddii UNSOS ay na siiso taageero,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday G/Sare Kishoyian. “Haatan AUSSOM waxay leedahay marxalado muhiim ah si ay mas’uuliyadaha ugu wareejiso Soomaaliya.  UNSOS waa inay sii waddaa inay nala shaqeyso ilaa aan ka gaareyno deegaan nabdoon oo badqab leh kaas oo nabad ah si loo xaqiijiyo in dadka Soomaaliyeeed ay helaan nabadda ay xaqiiqdii muddo dheer u hanqaltaagayeen, UNSOS-na door muhiim ah ayay ku leedahay awood-siinta AUSSOM si ay hawshaas u hirgeliso.”

Halka AUSSOM ay sii waddo hawlgalkeeda kalaguurka iyo xasilinta, UNSOS waxaa ka go’an awoodsiinta bahwadaagteeda, Midowga Afrika iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, si dhammaan dadka Soomaaliyeed loogu abuuro nabad iyo amni waara.

Article type