Warbixin ku saabsan shilka diyaaradda QM ee Muqdisho
Muqdisho — Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa maanta si degdeg ah oo nabdoon uga dagatay Muqdisho ka dib markii ay soo wajahday cillad dhanka degista ah.
Diyaaradda oo uu maamulo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), oo ku gudajirtay duullimaadkeedii joogtada ahaa, ayaa ka duushay Muqdisho kuna socotay Baydhabo markii shaqaalaha diyaaradda ay ka war heleen cillad ka hor istaagtay in lugaha degista ay si sax ah u baxaan.
Duuliyayaasha ayaa si degdeg ah diyaaradda ugu soo weeciyay Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee ku yaalla Caasimadda si cilladda loogu xalliyo si badqab leh.
Marka laga reebo hal rakaab oo la sheegay inuu soo garay dhaawac fudud intii lagu jiray daadguraynta rakaabkii saarnaa diyaaradda, dhammaan rakaabkii kale iyo shaqaalihii diyaaradda waxba ma soo gaarin.
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ammaantay jawaabta degdegga ah ee xirfadda leh ee ay bixiyeen shaqaalaha diyaaradda iyo adeeegyada xaaladaha degdegga ah ee garoonka iyo shaqaalaha, kuwaas oo diyaargarowgooda iyo taageeradooda ay xaqiijiyeen in xaaladda si habsami leh loo maareeyo.
“Waxaan ammaaneynnaa iskaashiga UNSOS iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed kaas oo suurtagaliyay jawaab-bixintan saameynta leh,” ayay tiri Madaxa UNSOS, ahna Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud, Aisa Kirabo Kacyira.