Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2024

29 Dec 2024

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2024

 

Xuquuqda naafada | UNICEF oo soo dhoweysay sharciyo cusub oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda naafada

UNICEF ayaa soo dhoweysey Sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliya ee cusub oo ah sharci muhiim u ah ilaalinta xuquuqda iyo sharafta dadka naafada ah, islmarkaana xaqiijinaya helidda adeegyada aasaasiga ah, mamnuucayo takoorka, oo uuna dhiirrigelinayo ka-qaybgalka buuxa ee arrimaha bulshada.

Hay'adda QM waxaa ay intaa raacisay in sharcigu uu damaannad-qaadayo xuquuqda waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo shaqada iyadoo hay'adahana uu kula xisaabtamayo xaqiiqinta u dhammaanshaha bulshada.  Sidoo kale, waxa muhiimka ah ee uu diiradda saarayo waa helidda iyo u-dhammaanshaha, iyada oo iskuullada iyo hay'adaha kale ku waajibinayo qaadashada arday naafo ah iyo ilaalinta kuwa naafada ah waqtiyada ay jiraan xaaladaha degdegga ah, iyaga oo ku darsanaya qorsheynta loogu diyaar-garoobayo musiibooyinka iyo helidda kheyraadka.

Barnaamijka Wadajirka ah ee Xuquuqaha Aadanaha (Wejiga II), oo ay hoggaamiyaan UNICEF iyo UNTMIS, ayaa kaalin muhiim ah qaatey isaga oo suurageliyey isuduwidda daneeyeyaasha, bixiyey khibrad farsamo, oo uu mudnaanaha xuquuqda naafada waafajiyey jaangooyooyinka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Click here for more

 

Haqab-beelka Cuntada | FAO oo xoojisay adkeysiga beeraha iyadoo la adeegsanayo hal-abuur iyo sii-diyaargaroobid

Hay'adda FAO oo kaashanaysa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka iyo daneeyayaasha muhiimka ah, ayaa dib-u-eegis ballaaran ku sameysay Istiraatiijiyadda Dijitaalka ah ee Beeraha Soomaaliya ee waafaqsan mashruuca ‘Strengthening Emergency Preparedness and Response to Food Crisis in the East and Horn of Africa / Xoojinta U-sii-diyaargaroobidda Xaaladaha Degdegga ah iyo Wax-ka-qabashada Dhibaatooyinka Cuntada ee Bariga iyo Geeska Afrika’, oo uu maalgeliyay Bankiga Horumarinta Afrika.

Dib-u-eegistan, oo qayb ka ah dadaalka ‘Awoodsiinta Beeraha Iyadoo La Adeegsanayo Tiknoolajiyadda Dijitaalka ah’ ayaa hiigsanaya dhalinta hal-abuurka iyo dhisidda mustaqbal tiknoolajiyad ku shaqeeya, oo la joogteyn karo oo ay waaxda beeraha ee Soomaaliya yeelato.

Geeddi-socodka ayaa la xiriirey wada-tashiyo lala yeeshay bahwadaagta muhiimka ah si loo xoojiyo in qalabka dijitaalka ah lagu adeegsado beeraha, sii wanaajinta go'aan-qaadasho xog ku saleysan, iyo kor-u-qaadista adkeysiga nidaamyada cunto-soo-saaridda, iyo ugu dambeyn taageeridda dadaallada wax looga qabanayo dhibaatada haqab-beelka cuntada ee saameynaysa in ka badan toddobo milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool.

Click here for more

 

Socdaalka | IOM oo 161 qof oo Soomaali ah oo ku xannibnaa dalka Liibiya gacan ku siisey in ay soo guryo noqdaan 

IOM ayaa gacan ka geysatey in ay Soomaaliya dib ugu soo noqdaan koox 161 tahriibayaal Soomaali ah oo ku xannibnaa dalka Liibiya – kooxdan soo guryo noqday ayaa intooda badan waxaa ay ahaayeen rag iyo haween dhallinyaro ah oo ay da'doodu ka yar tahay 30 sano jir, oo ay ka mid yihiin carruur, kuwaas Liibiya ku xannibnaa muddo dhowr bilood ah.
 
Ka-dib soo noqoshadooda, waxaa ay heleen caawimaad wax loogaga qabanayo baahiyahooda degdegga ah, oo ay ka mid yihiin lacago ay magaalada ku sii joogaan, hoy ku-meelgaar ah, daryeel caafimaad (sida caafimaadka dhimirka iyo taageero nafsaani ah), iyo gaadiid-raac loogu talagalay kuwa dib ula midoobaya qoysaskooda ku nool meelaha Muqdisho ka baxsan.

Click here for more

 

Caafimaadka | WHO oo xustey Maalinta Badqabka Cuntada Adduunka

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay xustay Maalinta Badqabka Cuntada Adduunka (WFSD), iyadoo kaashanaysa hay'adda WHO iyo Hay'adda Tayadhowrka Soomaaliyeed.

Madal lagu qabtey magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid mas'uuliyiinta dowladda, bahwadaagta caalamiga ah, xubno ka tirsan waaxda gaarka loo leeyahay iyo wakiillo la socda tacliinta sare si looga wadahadlo badqabka cuntada ee Soomaaliya oo hoostageysa halkudhegga Maalinta Badqabka Cuntada Adduunka ee sanadkan: ‘Badqabka Cuntada: u-diyaargarow waxyaabaha aan la filaynin / Food Safety: prepare for the unexpected.’

Maalinta Badqabka Cuntada Adduunka waxay hiigsaneysaa in ay dareenka ku soo jeediso oo ay dhiirrigeliso tallaabo gacan ka geysanaysa ka hortagga, oggaanshaha iyo maareynta halisaha cuntada ka dhasha, kuwaas oo wax-ku-biirriya badqabka cuntada, caafimaadka aadanaha, barwaaqo dhaqaale, beeraha, suuq helid, dalxiiska iyo horumar la joogteyn karo.

Click here for more

 

Xuquuqda aadanaha | Xuska Maalinta Xuquuqda Aadanaha, QM ayaa ku ammaantay Soomaaliya guulihii dhowaan u soo hoyday

Xuskii Maalinta Xuquuqul Insaanka, ee dhacay 10-ka Disembar, ayaa Qaramada Midoobey waxay Soomaaliya ku ammaantay guulo ay dhowaan ka gaartey kor-u-qaadista iyo ilaalinta xuquuqaha guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan oo ka mid ah guulihii la soo hoyay sanadkii la soo dhaafay saxiixidda  Xeerka Qaran ee Ilaalinta Xuquuqda Dadka Naafada ah si uu sharci u noqdo. 

“Soomaaliya waxay si sax ah ugu faani kartaa tallaabada wanaagsan ee ay tahay in la soo dhoweeyo ee ay horey ugu qaadey ee ah Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Dadka Naafada ah – xeerka waxaa uu noqon doonaa mid meesha ka saara caqabadaha horyaalla in dadka naafada ah si ay si buuxda u helaan xuquuqdooda iyo in ay si buuxda uga mid noqdaan bulshada,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaa uu sidoo kale bixin doonaa qaab guud oo sharci oo lagu ilaaliyo laguna taageero ka-qaybgelinta arrimaha dadweynaha iyo helidda fursadaha adeegga,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Click here for more

 

Horumarinta dhaqaalaha | UNIDO oo horumarinaysa wax-ku-biirrinta ‘Waaxaha Buluugga ah’ ee Ajendaha Dhaqaalaha Buluugga ah

Wakiillo ka socda hawlgalka UNIDO ee Soomaaliya ayaa ka qaybgaley Kulan Koox Khubarro Isku-dhaf ah ay isugu yimaadeen Xarunta Dhexe ee UNIDO ee ku taala magaalada Vienna, taas oo muujinaysa guul weyn oo laga soo hoyay horumarinta ‘Ajandaha Dhaqaalaha badda’ iyadoo loo marayo dadaalladeeda Waaxda badda ama Waaxda Buluugga a.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey qaabeynta Qaabka Guud ee Barnaamijyada Waaxda badda (waaxda Buluugga)  ah ee UNIDO, iyadoo ay hageyso talo is waydaarsiga ee ‘Nakhshadda Horumarka La Joogteyn Karo: Wax-ku-biirrinta Waaxda Badda ah ee Ajandaha Dhaqaalaha Badda ama Dhaqaalaha Buluugga.’ Ka-qaybgalayaasha ayaa wada-falanqeeyey hababka dhexgelinta iyo kor-u-qaadista waxqabadyada waaxda buluugga ah, oo ay ka mid yihiin Raadka Waaxda Buluugga ee barnaamijka hay’adda UNIDO ee  ScaleX Accelerator.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay 334 ka-qaybgalayaal ka kala socda 84 dal, oo ay ku jiraan khubarro farsamo, wakiillo dowladeed, ururro caalami ah, wakiillada waaxda gaarka loo leeyahay iyo aqoonyahno.

Click here for more

 

Caafimaadka hooyada | UNFPA oo martigelisay booqashada KSrelief ee hawlgalka taageerada Soomaaliya

UNFPA ayaa martigelisay booqashada wakiil ka socday hay'adda King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSRelief), Ibraheem Abdulkadir Mahmood, oo booqdey bakhaarada Muqdisho ku yaalla ee Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka.

Bakhaarada waxaa lagu kaydiyaa qalabka qaybta aasaasiga ah ee daryeelka degdegga ah ee dhallaanka, sida qalabka lagudhex daryeelo dhallaanka aan dhammeyska ahayn (incubators), qalabka dhallaanka lagu diiriyo (radiant warmers) iyo qalabka lagu la socdo xaaladda dhallaanka (monitors) – kuwaas oo ah agab muhiim ah oo lagu sii wanaajinayo daryeelka carruurta markaa dhashey, gacanna ka geysanaya yareynta heerarka dhimashada ee guud ahaan dalka.

Iyada oo qayb ka ah dadaalladiisa kormeer ee kaabidda ah, ayaa maareeyaha mashruuca KSFRelief waxaa  uu sidoo kale booqdey dhowr xarumood oo ay leeyihiin bah-wadaagta fulinta mashruuca ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan Xarunta Fistula Centre ee Daynile iyo Hodon BEmoNC, oo labadooduba ay taageerto UNFPA oo ayna maalgeliso KSRelief.

Sida ay qabto UNFPA, taageerada joogtada ah ee KSRelief ayaa gacan ka geysata xaqiijinta in sij oogto ah loo helo adeegyadan muhiimka, kuwaas oo si toos ah u saameynaya caafimaadka iyo wanaagga dadka nugul ee Soomaaliya.

Click here for more

 

Karti-dhisid | UNSOS ayaa taageerta ardayda barata caafimaadka guud ee bulshada ee Soomaaliya

UNSOS waxaa ay sii wadey hawlaheeda karti-dhisidda iyadoo 32 arday Soomaaliyeed ah ay ka qaybgaleen dadaal tijaabo ah oo loogu talagalay ardayda barata caafimaadka guud ee bulshada ee ku jira sanadka afaraad ee Jaamacadda Jazeera.

Iyada oo qayb ka ah dadaalka, ayaa ardayda waxaa ay booqdeen barxadda qashinka lagu maareeyo iyo xarunta daaweynta biyaha wasakhda ah ee UNSOS ay ku leedahay gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Booqashadan tababbarka goobta shaqada lagu tago ayaa lagu hiigsanayaa isku soo dhoweynta firaaqa u dhaxeeya barashada nadariga ah iyo in si waaqici ah loo adeegsado, waxayna ardaydu siisay fursad ay si toos ah ugu fahmaan waaxda maareynta qashinka iyo sidoo kale sida ay UNSOS u yareynayso halista ay wajahayaan bulshada iyo deegaanka Soomaaliya.

“Tababbarka UNSOS muhiim ayuu inoo ahaa sababta oo ah waxaan hawlo gacan-ka-qabasho ahaan ah u qabaney mowduucyo aan horey nadari ahaan u soo baraney. Waa aasaasi in la iswaafajiyo waayo-aragnimada hawlaha gacan-ka-qabashada ah iyo kuwa nadariga ah si faham wanaagsan loogu yeesho maareynta qashinka. Tababbarkan wax badan ayaan ka faa'iidnay,” ayuu yiri mid ka mid ah ardeyda, oo lagu magacaabo Yuunis Abuukar Maxamed.

Click here for more

 

Barakaca | UNHCR oo Hargeysa ku qabatey ciyaaro isboorti ah oo dhiirrigeliseyna u-dhammaanshaha

UNHCR ayaa isboortiga u adeegsatay sida qalab awood badan leh oo loogu talagalay ilaalinta iyo bulsho dhisid ay ka waddo magaalada Hargeysa iyada oo qabatey tartamo kubadda cagta iyo kubadda laliska ah oo ay ka qaybqaateen qaxootiga, dadka gudaha ku barakacay, dadka soo guryo noqday, iyo xubnaha bulshada martigelisay.

Sida ay qabto hay'adda qaxootiga ee QM, munaasabadahan ayaa xoogga saaraya kala duwanaanshaha iyadoo shakhsiyaadka naafada ah lagu darayo, la abuurayo meel loo dhan yahay oo loogu talagalay isku-xirka, awoodsiinta iyo ka-qaybgalka. 

UNHCR ayaa aqoonsatey muhiimadda uu isboortisku u leeyahay kobcinta isku-xirnaanta bulshada, kor-u-qaadista nabad ku wada-noolaanshaha, iyo wax-ka-qabashada nuglaanshaha. Waxqabadyadan oo dhiirrigelinaya shaqo kooxeedda  iyo fahamka la wadaago, ayaa waxaa ay burburinayaan caqabadaha, xoojinayaan xiriirrada bulshada, waxayna wax ku biirrinayaan bulsho loo dhan yahay oo adkeysi leh. Dedaallada isboortiga ee kuwan oo kale ah ayaa waafaqsan ballanqaadka UNHCR ee ah in ay dhisto midnimada, isku kalsoonaanta, iyo is taageeridda barakacayaasha iyo bulshooyinka martigeliyay, kuwaas oo dhabbaha u xaaraya xasillooni iyo isdhexgal bulsho oo muddo dheer socota.

Click here for more

 

Article type