UNSOS oo 200 oo teendhooyin ku wareejisay Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyadoo u mareysa Sanduuqa Ciidanka

3 Dec 2024

UNSOS oo 200 oo teendhooyin ku wareejisay Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyadoo u mareysa Sanduuqa Ciidanka

Muqdisho - Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku caawiyay 200 oo teendhooyin, oo middiiba qaadi karta 10 qofood. Wareejinta ayaa qeyb ka ah taageerada saad ee qalabka aan halista ahayn ee la siiyo ciidanka iyadoo loo marayo Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.

Madaxa UNSOS, Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud Aisa Kirabo Kacyira ayaa si rasmi ah teendhooyinka oo ku jiray konteerarro badeed shan ah ku wareejisay Ku Xigeenka Taliyaha Ciidanka Qaranka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Maadey Nuurey Sheekh. Xafladda wareejinta ayaa ka dhacday saldhigga saadka UNSOS ee Muqdisho. Konteenarrada ayaa sahlaya in teendooyinka la qaado Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka.

Deeqda teendhooyinka ayaa timid ka dib codsi ka yimid hoggaanka ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Hadafku waa sidii taageero muhiim ah iyo diyaargarow hawlgaleed loo siin lahaa ciidanka ku kala sugan deegaannada kala duwan ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

“Waxaad mar kasta codsan jirteen tendhooyin yaryar oo idin fududayn kara guurguuritaan xeeladaysan, isla markaasna aan aad u waynayn si aydaan hal meel isugu iman. Waxaan ku faraxsanahay inaad hadda haysataan teendhooyinka si ay idin kaga caawiyaan fulinta waajibaadkiinna, si buuxdana ula wareegtaan mas’uuliyadda amniga Soomaaliya,” ayay tiri Kacyira.

Kaaliyah Xog-Hayaha Guud ayaa sidoo kale ku ammaantay beesha caalamka iyo deeqbixiyayaasha taageeradooda sii socoto ee ay la garab taagan yihiin Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyagoo wixii taageero ah u mariya Sanduuqa Maaliyadeed ee ay UNSOS maamusho, kaas oo sahla sidii ciidanka qaranka Soomaaliyeed ay si habsami leh waajibaadka amniga ugala wareegi lahaayeen ciidanka Midowga Afrika.

Sarreeye Guuto Madey ayaa uga mahadceliyay UNSOS iyo deeqbixiyayaasha sida hagrasho la’aanta ah ee ay u taageeraan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, iyo doorkeeeda Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

“Teendhooyinka nala siiyay waxay ahmiyad u yeelan doonaan hoy siinta hawlwadeennada milatariga. Waxaan xaqiijin doonnaa inay gaaraan ciidanka loogu talagalay ee ku sugan furimaha si ay hawlgalladooda u gutaan si aan carqalad lahayn,” ayuu raaciyay Sarreeye Guuto Maadey. 

Iyadoo u mareysa Sanduuqa Maaliyadda, UNSOS waxay taageero saad oo aan halis ahayn siisaa 18,900 oo askari oo ka tirsan ciidanka Amniga Soomaaliyeed, sida cunto, qalab isgaarsiineed, shidaal, teendhooyin, gaadiid, bakhaarrada difaaca, iyo daadgurayn caafimaad si loo fududeeyo hawlgalladooda amniga.

Article type