Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Nofembar 2024
Carruurta | UNICEF oo Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Carruurta ka sheegtey in xuquuqda carruurtu ay tahay maalgelinta mustaqbalka Soomaaliya 20-ka Nofembar, UNICEF ayaa Dowladda Soomaaliya iyo bah-wadaagta kale kala qaybgashey xuska Maalinta Caalamiga ah ee Carruurta. Hal-ku-dhegga ‘Dhageyso Mustaqbalka ama Listen to the Future’ ayaa hoosta ka xariiqay in abuurista is-faham u dhaxeeya jiilalka kala duwan uu ka dhasho mustaqbal wanaagsan oo ay carruurtu helaan. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Xanaan Cabdicasiis, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isu-duwaha QM ee Dalka iyo Arrimaha Beni'aadamnimada ee Soomaaliya, George Conway, iyo wakiilka hay'adda UNICEF, Wafaa Saeed, ayaa xusay caqabadaha maanta horyaalla carruurta caalamka – dagaal, saboolnimo, sinnaan la'aan, isbeddelka cimilada, iyo waxyaabo kale – iyo in loo baahan yahay in si degdeg ah hadda wax looga qabto si loo sugo mustaqbal ka wanaagsan kan hadda ay aadanaha yeeshaan. Munaasabadda waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay bandhig-sawireed casri ah oo ay soo bandhigtay Mu'asasada Fanka Soomaaliyeed (Somali Arts Foundation), kaas oo la magac baxay ‘Sida Ay u Arkaan - Noloshii ay u soo Joogeen Carruurta Soomaaliyeed/Through Their Eyes - Lived Experiences of Somali Children.’ Waxaa uu iftiiminayaa adkeysiga, riyooyinka iyo nolol maalmeedka carruurta ku nool qaar ka mid ah xerooyinka barakacayaasha ee adeegga ay helaan uu yar yahay ee ku yaalla magaalada Baydhabo. Codadka carruurta nugul ayaa lagu sii xoojiyay sheekooyinka ay wadaageen. |
||
Hoyga | UNHCR oo hoy iyo musqullo u dhistey barakacayaasha magaalada Baydhabo Magaalada Baydhabo, oo xarun muhiim ah u ah barakaca Soomaaliya, ayaa la sii daala-dhaceysa bixinta taageero ku filan qoysaska ka soo cararay colaadda iyo dhibaatooyinka cimilada la xiriira. Iyadoo wax-ka-qabaneysa, UNHCR, oo kaashaneysa hay'adda African Volunteers for Relief and Development, ayaa soo gebogabeysay dhismaha 194 guri oo ku-meelgaar ah iyo 48 musqulood oo la wadaago oo ay ka hirgelisay goobta dib-u-dejinta ee Barwaqo-2. Dadaalkan wuxuu qoysaska barakacayaasha ah u suuragelinayaa in ay helaan goobo ammaan ah oo ay si sharaf leh ugu noolaadaan, iyadoo kor loo qaadayo amnigooda, wanaaggooda, iyo xasilloonidooda. Mashruuca ayaa sidoo kale wax-ka-qabanaya baahida bani'aadamnimo ee muhiimka ah, isaga oo rajo iyo taageero siinaya qoysaska ay dhibaatadu soo barakicisay. Waxaa sidoo kale ka socda dhismaha 120 guri oo dheeraad ah goobta xalalka waara ee Barwaqo-2 si kor loogu sii qaado xaaladaha nolosha la joogteyn karo iyo si loo sii wanaajiyo maciishadaha bulshooyinka nugul. |
||
Horumarinta Dhaqaalaha | UNIDO ayaa dadka Soomaaliyeed ku xoojisay xirfado isbeddel uu ka dhasho iyadoo u qabatey tababarro gaar ah Iyada oo taageero ka heshey Midowga Yurub, ayaa UNIDO waxaa ay tababarro kor loogu qaadayo xirfadaha isbeddelka uu ka dhasho u qabatey kooxdii ugu horreysay ee Ka-qaybgalayaasha Xarunta Gardaadinta Ganacsiyada, oo lagu kobcinayo ganacsi-abuurka iyo hal-abuurka beeraha, tamarka cadceedda, iyo ganacsiyada hal-abuurka ku dhisan. Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa 56 ka-qaybgale ay qaateen tababar ganac-ka-qabasho ah oo lagu kobcinayo wax-soo-saarka iyo faa'iidada. Arrimaha sida gaarka xoogga loo saarey waxaa ka mid ahaa beeraha casriga ah ee greenhouse farming, waraabka dhibicleynta ah, iyo adeegsiga makiinadaha (mechanization) beeraha; aasaasiyaadka tamarka cadceedda iyo nakhshadda nidaamka korontada soo saara ee photovoltaic ee tamarta la cusboonaysiin karo; iyo Adobe Illustrator oo loogu talagalay nakhshadeynta dharka iyo harqaan tolid horumarsan oo loogu talagalay ganacsiyada hal-abuurka ku dhisan. Dadaalladan waxaa ay horumariyaan koboc loo dhan yahay, adkeysiga, iyo maciishadaha la joogteyn karo ee guud ahaan Soomaaliya. |
||
Tallaalka | WHO oo wax-ka-qabatey cudurka daacuunka ee ku soo noqnoqda Soomaaliya WHO ayaa door muhiim ah ka qaadaneysa wax-ka-qabashada daacuunka ka dillaaca Soomaaliya, gaar ahaan iyadoo la adeegsanayo ololayaal tallaal iyo waxbarasho caafimaad. Iyada oo wax-ka-qabanaysa daacuunkii Muqdisho ka dillaacay sanadka 2024, ayaa WHO waxaa ay iskaashi la yeelatay Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka iyo maamullada caafimaadka maxalliga ah si ay u hirgeliso dadaal tallaal cudurka daacuunka ah oo guri walba lagu tagayo, iyadoo lagu guuleystay in la tallaalo in ka badan 1.2 milyan oo qof. Iyada oo ka faa'iideysanaysa khubarradii ay ka heshey barnaamijkeeda cudurka dabeysha, ayaa WHO waxaa ay hawlgelisay shaqaale caafimaad khibrad leh si ay u sii wanaajiso kalsoonida bulshada iyo xaqiijinta in dadka si taabogal ah loo gaaro. Dadaalladooda waxaa lagu hiigsanayaa xadididda isu-gudbinta cudurka daacuunka iyo xoojinta nidaamka guud ee caafimaadka, waxaanna xoogga lagu saarey muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo helo biyo nadiif ah iyo fayadhowr si looga hortago in cudurka uu mar kale dillaaco. |
||
Adkeysiga | IOM oo fududeysay soo-kabasho dhaqaale, xoojinta adkeysiga bulshada iyo dhiirrigelinta nabadda Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo hay'adda the Korea International Cooperation Agency (KOICA) ayaa daaha-ka-rogey Mashruuca Awoodsiinta Maciishadaha iyo Xoojinta Dhaqaalaha Aagagga Nugul iyo Kuwa Ay Colaadda Ka Jirto ee loo yaqaanno Empowering Livelihoods and Economic Vitality in Fragile and Conflict Zones (ELEVATE), kaas oo wax-ku-biirrinaya dib-u-dhiska bulshooyinka nugul ee uu barakacu saameeyay. |
||
Caafimaadka Hooyada | UNFPA ayaa fududeysay aqoon-isweydaarsi lagu sii wanaajinayo Daryeelka Caafimaadka Hooyada Min 14 ilaa 18 Nofembar, UNFPA Soomaaliya waxaa ay aqoon-isweydaarsi ku qabatey dalka Kenya si ay gacan uga geysato sameynta xeer-nidaamiyeyaal guud oo qaran oo loo dejinayo arrimaha ummulisanida ee Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka. Dadaalkan wuxuu hiigsanayaa xoojinta xirfadda umulisanimada iyo taageeridda xirfadlayaasha caafimaadka ee Soomaaliya, gaar ahaan degaamada adeegga ay helaan uu yar yahay. Aqoon-isweydaarsiga ayaa u saamaxay wakiilladii ka socdey Soomaaliya in ay wax ka bartaan qaabka guud ee xeerarka umulisanimada ee Kenya, iyadoo diiradda la saarayo tababbarka, shahaado-qaadasho, iyo madax-bannaani xirfadeed. Dadaalkan wuxuu qayb ka yahay mashruuca "Xoojinta Habdhaqanka iyo Waxbarashada Umulisanimada ee Soomaaliya/Strengthening Midwifery Education and Practice in Somalia", oo ay maalgelisay hay’adda Global Affairs Canada, wuxuunna bidhaaminayaa midnimada gobolka ee ku aaddan sii wanaajinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka dhowaan dhashey ee Soomaaliya. |
||
Siyaasadda | Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) oo si rasmi ah daaha loogaga rogey Muqdisho Daah-rogga rasmiga ah ee Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa magaalada Muqdisho ka dhacay 9-kii Nofembar, taas oo muujinaysa iskaashiga xooggan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Kalaguurkan min Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ilaa UNTMIS, ee lagu ansaxiyey Qaraarka Golaha Ammaanka QM ee tirsigiisu yahay 2753, ayaa ah tallaabo muhiim u ah maamulka, amniga iyo soo-kabashada dhaqaalaha ee Soomaaliya. UNTMIS waxaa uu sii wadi doonaa hawlihii hore uu u qabanayay UNSOM laakiin wuxuu si degdeg ah u bilaabayaa in uu dhammaan shaqooyinkiisa ku wareejiyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Kooxda QM ee dalka laba wejioo min hal-sano ah gudahood, oo la saadaalinayo in ay soo gebageboobaan 31-ka Oktoobar 2026. Munaasabadda waxaa ka soo qaybgaley mas'uuliyiin sarsare, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Daa'uud Aweys, oo ay wehliyaan saraakiil sarsare, bah-wadaagta caalamiga ah iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah. |
||
U-adkeysiga Cimilada | FAO waxay sii wanaajinaysaa adkeysiga cimilada iyo maareynta biyaha Barnaamijka Keydinta Keliga Jowhar / Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP), ayaa Soomaaliya laga daah-furey oo ku kacaya miisaaniyad dhan USD 160 milyan oo doolar, iyadoo ujeeddada laga leeyahay ay tahay sii wanaajinta u adkeysiga cimilada iyo maareynta biyaha ee dad tiradoodu ay ka badan tahay 1.65 milyan oo qof. Barnaamijka wuxuu isu-keenayaa daneeyayaal kala duwan, oo ay ku jiraan hay’adaha dowladda iyo hay'adaha QM, si uu wax-uga-qabto saameynta ay dad ku yeesheen abaaraha iyo daadadka iyadoo la sii wanaajinayo wax-soosaarka beeraha iyo haqab-beelka cuntada, Barnaamijkan JOSP oo ay hoggaamineysay hay'adda FAO oo ayna taageeraysay bah-wadaagta sida Safaaradda Ingiriiska iyo Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya/Somalia Joint Fund, wuxuu ka kooban yahay afar mashaariic waaweyn—RESTORE, TRANSFORM, YOUTHAct, iyo Maareynta—wuxuunna diiradda saarayaa dayactirka kaabayaasha waraabka, kor-u-qaadista beeraha caqliga cimilada ku dhisan, iyo kobcinta ka-qaybgelinta bulshada ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. |
||
Miino Saarista | UNMAS ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejisay qalab naf-badbaadineed UNMAS Soomaaliya ayaa si rasmi ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CBS) ugu wareejisay qalabka Ka-Hortagga Walxaha Qarxa (EOD) ee naf-badbaadinaya. Wax-ku-biirrintan waa qayb ka mid ah mashruuca saddexda-sano soconaya ee "Kor-u-qaadista Amniga iyadoo la Sii-wanaajinayo Awoodda Ka Takhalusidda Walxaha Qarxa ee CBS," oo ay maalgeliso Dowladda Japan. Qalabka wuxuu taageeri doonaa kooxaha Ka-Hortagga Walxaha Qarxa (EOD) ee CBS ee ay tababartey-UNMAS ee ku aaddan dadaalladooda joogtada ah ee ka hortagga iyo u adeegidda bulshooyinka guud ahaan Soomaaliya. Xafladda wareejinta ayaa waxaa ka soo qaybgaley Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliyaha Ciidanka Booliska, Raisedon Zenenga, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, iyo Maxamed Jamiil Yuusuf Shabsogh, Madaxa, Qaybta Booliska UNTMIS. Mas'uuliyiinta qaranka ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Japan iyo Shacabkeedaba taageerada qiimaha leh ee ay u fidiyeen CBS. |