UNSOS oo dhimaysa qashinka caagga kaddib dhisidda warshad biyaha caagadaysa
Mogadishu – Gudaha warshadda biyaha caagadaysa ee ku taalla dhismaha QM, shaqaale ku labbisan dharka badbaadada ayaa ka shaqeysiinaya mashiinno caagado dib loo adeegsado ku buuxinayo biyo nadiif ah oo cabbis loogu talagalay.
Caagadaha waa wayn ee biyaha ayaa markaas ka dib hoos mara sun gudbiye ah, ka hor inta aan la marin hubin dhanka tayada ah si loo xaqiijiyo inay u hoggaansameen halbeegga badbaadada Hay’adda Caafimaadka Adduunka. Marka la xaqiijiyo badqabkooda, caagadaha waa la shabbadeeyaa, lagu dhajiyaa taariikh ka dibna la raraa si loo kaydiyo ka hor inta aan la qeybin.
Inkastoo aysan wali u shaqeyneyn si dhammeystiran, haddana warshaddan casriga ah ayaa leh taangiyo biyo, mashiinno lagu furo caaggadaha, dhaqid, iyo mashiinno lagu nadiifiyo oogada caagga iyo shaybaar wax lagu baaro.
Warshaddani waa hindise uu leeyahay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si uu shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u siiyo biyo cabbis la isku hallayn karo isla markaana badqab leh.
Dinesan Cheerathu, Madaxa Qaybta Bixinta Adeegga Guud, ayaa sheegay in warshadda caagadaynta biyaha a sare u qaadi doonto maareynta biyaha ee UNSOS ee loogu talagalay shaqalaah iyadoo la dhimayo halista wasakhaynta kutalagalka ah ee ka iman karta dhinacyada cadowga ah. Hindisaha ayaa sidoo kale hoos u dhigaya halista inay biyaha go’aan maaddaama si wayn loogu tiirsanaa biyaha caagadaysan ee ka yimaada caasimadda Muqdisho.
Si ay u daboosho baahiyaha biyaha cabbista ee 1,500 shaqaalaha QM iyo Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho, UNSOS waxay 1.5 litir oo biyo ah siisaa qof kasta xilliga saacadaha shaqada, taas oo wadar ahaan ka dhigan 2,250 litir.
Hase yeeshee, qeybinta biyaha ku jira caagga halka mar la isticmaalo waxay kordhisay qashinka caagga.
Waxay tani khasabtay in UNSOS ay rakibto shirkadda biyaha caagadaysan iyadoo caagadaha mar isticmaalka uga gudubtay caaggaga 5-galon qaadka (18.9 litir) oo la buuxin karo si biyaha loo qeybiyo. Dadaalkan ayaa waafaqsan hadafka QM ee dhawrista deegaanka si loo dhimo, dibna loo isticmaalo caagadaha.
Sida uu sheegay Cheerathu, warshadda caagadaynta biyaha waxaa qandaraaskeeda la siiyay shirkad Soomaali ah, taas oo ka turjumaysa sida UNSOS ay uga go’an tahay taageeridda ganacsiyada maxallig aah.
Warshadda ayaa awood u leh inay halkii saac soo saarto 150 biyo caagadaysan una qeybiso dareerahan qaalliga ah in ka badan 1,000 shaqsi oo ka tirsan xerada UNSOS/ATMIS si ay biyaha u isticmaalaan, taas oo ka dhigan 3 litir oo biyo ah halkii qof maalin kasta.
“Waxaan leennahay awood sare sidoo kale haddii ay kororto isticmaalka biyaha, si sahlan ayaan awood ugu leennahay inaan daboolno baahiyahaas,” ayuu yiri Cheerathu.
Mar bishii la soo dhaafay uu booqanayay Soomaaliya, Kaaliyaha Xog-hayaha ee Waaxda Taageerada Hawlgallada, Atul Khare, ayaa ammaanay shirkadda biyaha caagadayso oo uu ku tilmaamay xal hal-abuur leh oo hoos u dhigaya qiimaha isla markaasna yareynaya qashinka caagga.
Babacar Diop, Madaxa Qaybta Taageerada Nolosha, ayaa sheegay in warshadda caagadaynta biyaha ay ka mid noqonayso saldhigyada biyaha la cabbo ee dadweynaha ee ku dhex yaalla xerada QM.