UNSOS ayaa lagu amaaney sida ay u hagaajisey waaxda duulista hawada ee Soomaaliya

29 Oct 2024

UNSOS ayaa lagu amaaney sida ay u hagaajisey waaxda duulista hawada ee Soomaaliya

Muqdisho - Saamiya Maxamed, oo ah 19-jir ah ku hamineysa iney Duuliso noqoto, ayaa horumar la taaban karo ka gaartey hamigeedii iyadoo joogto waddan ay ku yar yihiin haweenka duulisooyinka diyaaradaha ah.

Saamiya, ayuu hamigeedii isbedel ku yimaadey kadib markii ay iska diiwaan gelisay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) qaybta barnaamijka tababarka duulista hawada oo loogu talagalay da'yarta Soomaaliyeed, taasoo hammigeedii hubanti la'aanta ahaa ubedeshay mid rajo leh.

Iyadoo ka mid ah ardeyda baraneysa cilmiga duulista hawada qaybta Macluumaadka Hawada Sare kana baraneysey xarunta muqdisho ee Maareynta Duulista iyo Dhaqdhaqaaqa Hawada, Ayey Saamiya tusaale u tahay dadaallada iskaashi ee ATMIS, UNSOS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) ee lagu sugayo amniga duulista, maareynta marinnada, hawlgallada hawada, daadgureynta dhaaawacyada iyo saadaasha hawada.

“Tani waa waddada ugu fiican ee aan ku fahmi karo sida loo maareeyo hawlaha duulista iyo tallaabo muhiim ah oo aan uqaadey sidaan ku hirgalin lahaa hamigeygii ahaa inaan noqdo duuliye. Waxaan u mahadcelinayaa UNSOS, ATMIS, iyo DFS sida ay arrintani u suurtageliyeen,” ayay tiri.

Waaxda duulista ee UNSOS ayaa hormuud u ah awood siinta khubarada duulista ee mustaqbalka iyadoo loo marayo tababarayo, hagid iyo talo la siinayo shaqaalaha hawada Soomaaliya, ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, ciidanka cirka Soomaaliyeed, iyo ardayda duulista rayidka ah.

Dhawaan, Atul Khare, oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Taageerada Howlgalka, ayaa booqday qeybta Duulista Hawada ee Muqdisho si uu ugu kuur galo guulaha iskaashi ee la gaarey.

“Mustaqbalku kuma tiirsana sii socoshada joogista Midowga Afrika ama UNSOS ee Mustaqbalka dalka waxa uu ku jiraa Jamhuuriyadda Soomaaliya oo madaxbannaan, ammaan ah, isku filan, oo dimuqraadi ah,” ayuu yidhi Khare.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh-Cali, ayaa muujiyay in uu ku kalsoonyahey awooda iskaashi ee lagu fulinayo himilooyinka nabad-dhisidda Soomaaliya.

"Sanado yar gudahood, Soomaaliya waa lagu horumarin doonaa, gaar ahaan awoodaha duulimaadyada hawada," ayuu yiri Cali. "Waa waax adag, mana fududa in la iska diiwaan geliyo jaamacada duulista hawada ama wax laga barto  xirfadaha ay bixiyaan qaramada Midoobey iyo Midawga Africa ee shaqo barashada."

Madaxa UNSOS, Aisa Kacyira, ayaa carabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sidii loogu wareejin lahaa amniga iyo mas’uuliyadaha kale dowladda Soomaaliya.

“Haddii ay jirto meel  qaramada Midoobey iyo Midawga afrika ay isbedel ku sameyn karaan, waa Soomaaliya sababtoo ah ma hadlaan oo kaliya laakiin sidoo kale waxay raaciyaan erayadooda ficil," ayay tiri Ms. Kacyira.

Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa ku ammaanay UNSOS barnaamijkeeda tayaynta ee ay ku xoojineyso khubarada duulista Hawada ee jiilka soosocda ee Soomaaliya.

“Waxaynu dhisney qaran iyo jiil mustaqbalka hanan kara. Waxaan ku faaneynaa UNSOS sida ay ooga qayb-qaadatey fulinta hawlgalkan,” ayuu yiri danjire Souef.

Article type