Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Sebteembar 2024

30 Sep 2024

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Sebteembar 2024

 

Haqab-beelka Cuntada | IOM oo waraab casri ah iyo abuur-qaybin ku haqab-beelka cuntada

Xaafadda Barwaaqo, ee magaalada Baydhabo, ayaa habkii waxbeerashada ee soo-jireenka ahaa uu waxtar yeelan waayey taas oo ay u sabab ahaayeen cimilo-gooreed aan la saadaalin karin, abuur aan habbooneyn, iyo biyo-yaraan, waxaana taasi ay  saameyn ku yeelatay wax-soo-saarka cuntada.

Mashruuca Waraabka ee Tijaabada ah ee Barwaaqo Pilot Irrigation Project  ee ay taageerto IOM ayaa arrimahan wax kaga qabanaya waraab casri ah iyo abuur-qaybin uu bilaabey si uu u xoojiyo awoodda beeraleyda degaanka.

Mashruucan ayaa la sameeyay iyadoo loo marayo barnaamijka Saameynta Programme, oo ah iskaashi ka dhaxeeya hay’adaha IOM, UN-Habitat, iyo UNDP, oo lagu maalgeliyo Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya / Somalia Joint Fund iyadoo taageero laga helayo dowaldaha Switzerland, Netherlands, iyo Norway.

Mashruuca, oo dhiirrigelinaya hab-dhaqanno beerasho oo caqli ku dhisan oo waara, ayaa sagaal hektar oo dhul oomane ah u qaybiyey 57 boos oo waraab wanaagsan haysa, oo midkiiba uu cabbirkiisu yahay 35 mitir oo laba jibbaaran, oo ku qalabeysan nidaam dhuumo biyo tartartiib ciidda ugu sii deynaya taas oo hubineysa in la helo biyo la isku halleyn karo.

Click here for more

 

Bandhig-sawireed | UNICEF iyo Mu’asasada Aasaaska Fanka Soomaaliyeed oo loo yaqaanno Somali Arts Foundation oo qabtey bandhig-sawireed la xiriira carruurta ku nool xerooyinka barakacayaasha ee Baydhabo

Bandhig-sawireed, la magac baxay, “Dhaliy Baydhaby: Through Their Eyes – Lived Experiences of Somali Children,”  ama Sida ay u arkaan – Noloshii ay u soo Joogeen Carruurta Soomaaliyeed – oo lagu qabtey Matxafka Qaranka Soomaaliyeed. Kaas oo ay soo qabanqaabiyeen UNICEF and Somali Arts Foundatioin waxaa uu muuqaal ka bxiyey nolosha carruurta ku nool xerooyinka barakacayaasha ee adeegga ay helaan uu yar yahay ee ku yaalla magaalada Baydhabo.

Bandhigga, oo ay ku jiraan sawirro uu qaadey sawir-qaadaha Soomaaliyeed ee caanka ah ee Saciid Fadhaaye, ayaa soo bandhigaya waqtiyo tusinaya adkeysi, rajo, iyo caqabadaha maalinlaha ah ee soo wajaha carruurta. Iyaga oo adeegsanaya bikaacyada kaamaradda, ayaa carruurtu waxaa ay qisooyinkooda u soo bandhigeen adduunka. Bandhigga “Dhaliy Baydhaby” waxaa uu saameyn waarta kaga tegey dhammaan dadkii ka soo qaybgaley daawashadiisa, taas oo xusuus xooggan u noqotey adkeysiga carruurta Soomaaliyeed.

Arrin si gaar ah xoog loo saarey ayaa ahayd sawirro derbiyada toos ay carruurtu ugu sawirayeen.

Click here for more

 

 

Caafimaadka Hooyada | UNFPA iyo bah-wadaagteeda oo tababar ku saabsan daryeelka naf-baadinta ah ee uureyda iyo umulaha iyo carruurta dhowaan dhashey ku soo gabagabeeyey Kismaayo

Magaalada Kismaayo, Jubbaland, ayaa UNFPA, oo ay iskaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka oo taageeranna ka heshey USAID Somalia, waxaa ay si guul leh ugu soo gababeeyan aqoon-isweydaarsi ku saabsanaa sii wanaajinta daryeelka degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha iyo carruurta dhowaan dhashey.

Soomaaliya, heerarka dhimashada hooyooyinka iyo carruurta dhowaan dhashey ayaa weli ah kuwo sarreeya taas oo ay sabab u tahay daryeel caafimaad oo tayo leh oo ay helistiisu xaddidan tahay. Aqoon-isweydaarsiga ayaa bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka baraya xirfado iyo aqoon ay ku badbaadiyaan nafta hooyooyinka iyo carruurta dhowaan dhashey xilliga umulidda, sidaa daraaddeedna uu gacan uga geysanayaa mustaqbal caafimaadqabku ka wanaagsan yahay kan hadda oo ay helaan bulshooyinka ku nool guud ahaan Soomaaliya.

Tababarka ayaa muujiyey sida ay UNFPA uga go’an tahay sii-wanaajinta natiijooyinka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo xoojinta nidaamka daryeelka caafimaadka si mustaqbalka fog loo xaqiijiyo horumarka iyo bedqabka mustaqbalka.

Click here for more

 

Wax-ka-qabashada Abaarta | FAO oo ku baaqdey tallaabooyin degdeg ah oo lagula dagaallamayo raadadka abaarta la saadaalinayo

24kii Sebtembar 2024, Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobey (FAO) Somalia, oo ay iskaashanayaan Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA) iyo UNICEF Somalia, ayaa daahrogey "La Niña: Preparedness, Mitigation, and Response Plan" ama Qorshaha U-diyaar-garowga, Khafiifinta iyo Wax-ka-qabashada La Niña.

Dadaalkan ayaa bulshooyinka u diyaarinaya sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen ayna wax uga qaban lahaayeen raadadka la filayo in ay ka dhashaan xilliga La Niña  ee soo socda. Iyada oo 70% tahay suuragalnimada xaaladaha La Niña, sida uu saadaaliyey Mashruuca FAO ee Maareynta Macluumaadka Dhulka iyo Biyaha Soomaaliya /Somalia Water and Land Information Management  (SWALIM), qorshaha ayaa diiradda saaraya nidaamyada bixiya digniinta hore, tallaabo ka-sii-hortegid ah, iyo isuduwudid ay dowladdu hoggaamineyso. Dadaalladan ayaa tiigsanaya ilaalinta maciishadaha nugul iyo yareynta in loo baahdo gargaar bani’aadamnimo oo ballaaran. Iyada oo maaliyadda uu u baahan yahay ay tahay $30 milyan oo doolar, ayaa dadaalku waxaa uu tiigsanayaa in uu xoojiyo u-diyaargaroobidda iyo u-adkeysiga abaarta ee guud ahaan Soomaaliya.

Click here for more

 

Amniga | UNSOS ayaa bahwadaagta amniga warbixin ka siisey Sanduuqa Amaanada ee Ciidamada Amniga Soomaaliyeed ee Trust Fund

UNSOS ayaa Muqdisho kulan ugu qabatey bahwadaagta amniga ee Soomaaliya si ay warbixin uga siiso horumarka ballaaran ee laga gaarey maamulka Sanduuqa Amaanada ee Ciidamada Amniga Soomaaliyeed (SSF) ee Trust Fund.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda weyn ee ay taageerada saad/adeeg ee UNSOS u leedahay xoojinta hawgallada SSF.

Tabbarucaadaha muuqda ee ka kala yimid qarannada kala duwan, oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Mareykanka, ayaa la aqoonsadey kaalimaha ay ka qaateen sii wanaajinta wax-ku-oolnimada hawlgallada ciidanka amniga Soomaaliyeed.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirrigelinaya Dowladaha Xubnaha ka ah in ay taageeraan Ciidanka Amniga Soomaaliya iyagoo kaalmadooda u soo marsiinayao Sanduuqa Ammaanada ah (Trust Fund) si looga hortago argagaxisonimada oo kor loogu qaado nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka.

Click here for more

 

Gargaarka bani’aadamnimada | OCHA oo $3 milyan oo doolar u qoondeysey dadka ay colaaddu saameysey ee ku dhaqan Jubbaland iyo Galmudug

Sii-hayaha Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah ahna Madaxa OCHA, Joyce Msuya, ayaa $3 milyan oo doolar u qoondeysey Sanduuqa Dhexe ee Wax-ka-qabashada Xaaladaha Degdegga ah ee Central Emergency Response Fund si degdeg wax looga qabto barakaca ka dhaca Soomaaliya. Maaliyadda ayaa QM iyo bah-wadaagta gacan ka siin doonta in ay wax ka qabtaan baahiyaha cunto, ilaalin, iyo hoy ee ilaa 50,000 qof oo ku barakacay degaannada ay colaaddu saameysey ee Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland. Ilaa hadda sanadkan 2024, qiyaastii 150,000 qof ayaa ku barakacay colaadda qabiil ee soo cusboonaatey iyo hawlgallada mileteri ee ka socda Soomaaliya.

Click here for more

 

Amniga iyo Is-beddelka Cimilada | UNDP ayaa taageertey shir heer sare ah oo ku saabsan amniga iyo is-beddelka cimilada

Shir heerkiisu sarreeyo oo ka dhacay Muqdisho, oo ay martigelisey Dowladda Soomaaliya ayna taageertey UNDP, ayaa khubarradu kaga munaaqashoodeen sida is-beddelka cimiladu uu u sii xumeeyo nuglaanta oo uuna khalkhal u geliyo xasiloonida waaxda amniga ee Soomaaliya.

Munaaqashooyinka ayaa diiradda lagu saarey sida barakaca iyo haqab-beel la’aanta cuntada ee la halmaala cimilada ay dadka uga dhigaan kuwo u nugul kooxaha xagjirka ah, kuwaas oo dhibaatada dadka haysata uga faa’iideysanaya si ay uga qortaan xubno ku soo biira.

Click here for more

 

Horumarka Dhaqaalaha | UNIDO oo taageertay gacansi-abuurayaal reer Boosaaso ah

UNIDO ayaa sii waddey ka soo bixidda ballanqaadkeedii ku aaddanaa dhiirrigelinta ganacsi-abuuridda ee Soomaaliya iyada oo awood-siineysa ganacsiyada degaanka ee ka shaqeeqa Boosaaso. Iyada oo tababarro joogto ah, la-talin ganacsi, iyo helidda amaah, u mareysa ayaa ganacsi-abuurayaasha waxaa la siiyey waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah kobcinta ganacsiyadooda.

Waxaa tusaale weyn loo soo qaadan karaa Sharikadda Kalluumeysiga ee Suudi Fishing Company, oo heshey tababar iyo la-talin oo goor dembena heshey amaah $30,000 doolar ah. Taageeradan ayaa sharikadda u awood u siisey in ay soo iibsato qalab qaboojiyeyaal ah, kaas oo sii wanaajiyey awoodda keydinta iyo qaybinta cunto-badeed mar wlab cuseyb (fareesh) ah, sidaasna waxaa ay kaalinteeda uga geysaneysaan dhaqaalaha degaanka iyo shaqaaleynta.

Click here for more

 

Miine Baarista (Mine Action)| UNMAS oo sii wanaajisey awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed uu u leeyahay khafiifinta halista qaraxyada

UNMAS ayaa si firfircoon Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) uga taageereysey xoojinta awoodda uu u leeyahay khafiifinta halista waxyaabaha qarxa iyo qaraxyada macmalka ah taas oo qayb ka ah yoolka ballaaran ee nabadda iyo amniga Soomaaliya.

19kii Sebtembar, UNMAS waxay daahrogtey koorso ‘tababarka-tabaraha’ ah oo bil soconeysa oo loogu talogaley in lagu sii wanaajiyo awoodda uu ciidanka SNA u leeyahay ka-hortegidda khatarta qaraxyada, ay ka midyihiin qaraxyada macmalka ah. Dadaalka ay Soomaalidu hoggaamineyso ayaa 14 xubnood oo ka tirsan ciidanka SNA lagu tababari doonaa miino-saarista iyo tabaha miino-baarista waddooyinka, iyada oo laga faa’iideysanayo waayo-aragnimada ay u leeyihiin hawlgallada iyo tababarradii ay horey u bixisey UNMAS. Tababartayaasha waxay sidoo kale awood u yeelan doonaan in ay si taabogal ah u tababaraan unugyada ay ka kala tirsan yihiin.

Click here for more

 

Wax-ka-qabashada Cimilada | QM oo ku baaqday in si degdeg looga shaqeeyo la-qabsiga isbeddelka cimillada

QM ayaa ku baaqdey in la-qabsiga cimilada degdeg looga fuliyo Soomaaliya, oo ay u aqoonsatey mid ka mid ah dalalka ugu nugul khalkhalka cimilada. Intii uu socdey kulan aqoon-isweydaarsi ay  taageertey QM oo ku saabsanaa cimilada oo uu qabanqaabiyey Mac-hadka Cimilada iyo Deegaanka ee Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, ayaa saraakiishu waxaa ay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in xuquuqaha xuddun looga dhigo munaaqashooyinka iyo hawsha ku saabsan ajandaha cimilada. QM ayaa taageereysa ballanqaadka dowladda Soomaaliyeed ay ballanqaaddey in ay ka go’an tahay qaadista tallaabooyin muhiim ah, oo ay ka mid yihiin dejinta qorshe qaran oo loogu talogaley u-adkeysiga cimilada iyo qaab guud oo maaliyad loogu helo cimilada si loo hubiyo in istiraatiijiyadaha loo rogo sii wanaajin la taaban karo.

Click here for more

 

Article type