Dawlada Ingiriiska ayaa £5 milyan oo gini ugu deeqdey UNSOS si loo helo Soomaaliya nabad ah oo amaan badan

23 Sep 2024

Dawlada Ingiriiska ayaa £5 milyan oo gini ugu deeqdey UNSOS si loo helo Soomaaliya nabad ah oo amaan badan

 

  • Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday £5 milyan oo gini oo lagu taageerayo ciidamada ammaanka Soomaaliya
  • Maalgelintan cusub ayaa loo isticmaalidoona baahiyaha waxyaabaha aan halista aheyn, oo ay ku jiraan Raashiinka iyo Qalabka isgaarsiinta

 

Boqortooyada Ingiriiska ayaa £5 milyan oo kale oo maalgelin ah siisay Sanduuqa UNSOS ee Horumarinta CXDS kaas oo ay Maamusho Qaramada Midoobay.

Sanduuqan, oo ay maamusho Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa bixiya taageerada saadka ee aan halis ahayn ee la siiyo Ciidanka Amniga Soomaaliya (SSF). Deeqdan u dambeeysey ee ingiriiska ayaa xoojineysa sii wadida bixinta agabyada muhiimka ah, sida raashiinka, teendhooyinka, iyo daadgureynta dhaawacyada ee dhinaca hawada ah. Tani waxay u sahlaysa CXDS in ay si wadajir ah hawlgalo ula fuliyaan ATMIS iyaga oo qaadanaya mas'uuliyadda weyn ee amniga Soomaaliya.

Horaantii bishaan, intii lagu guda jiray shirkii saaxiibada Sanduuqa horumarinta ciidamada amniga Soomaaliya, ayuu safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ka sheegey.

“Ingiriisku wuxuu ku faanayaa inuu maalgeliyo hawlgalka ay Qaramada Midoobay ku taageereyso ciidamada ammaanka Soomaaliya, sababtoo ah waxaan aqoonsannahay baahida muhiimka ah ee loo qabo in la helo mustaqbal ammaan ah oo xasilloon oo ay helaan dhammaan Soomaalida. Maalgelintan ugu dambeysay waxay kor u qaadi doontaa awoodda CXDS waxayna siin doontaa agabyada ay u baahan yihiin. Waxaan ku dhiirigelinayaa xubnaha kale ee beesha caalamka inay nagu soo biiraan si aan u xaqiijino in CXDS ay gaaraan booska ugu wanaagsan ee ay ku qaadan karaan mas'uuliyadaha amniga gudaha ee sii badaneyso."

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur oo soo dhaweynaya taageeradan udanbeysey ayaa yiri.

"Taageerada joogtada ah ee Sanduuqa horumarinta waxay muhiim u tahay hormarada socda ee kaabayaasheena amniga qaranka iyo mustaqbalka Soomaaliya."

Madaxa UNSOS, Aisa Kirabo Kacyira, ayaa uga mahadcelisay safaaradda Ingiriiska taageeradooda joogtada ah waxayna ku dhiirigelisay Saaxibada kale inay gacan ka geystaan ​​Sanduuqa Horumarinta:

 “Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa Dowladda Igiriiska taageeradooda joogtada ah ee Sanduuqa Horumarinta iyo deeqsinimadooda timaadey xili ku haboon. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku dhiirigeliyo Saaxiibada kale inay wax ku biiriyaan Sanduuqa Horumarinta si ay gacan uga geystaan ​​xoojinta awoodda Ciidamada Ammaanka Soomaaliya. Taasi oo sahlaysa inay si hufan ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga ciidamada Midowga Afrika, ayna xaqiijiyaan in ay Soomaaliya iyo Gobolkaba gaaraan nabad iyo amni waara.”

Deeqdan ugu dambeysay waxay muujineysaa sida ay Dawlada Igiriiska uga go’an amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Xusuusin Tifaftirayaasha

  • Waxaad kala socon kartaa Shaqooyinka Dawlada Ingiriiska ee Soomaaliya barta Twitter/X ama facebooka oo ah @UKinSomalia,  iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho oo ka ka heleyso - GOV.UK (www.gov.uk)
  • Bishii Abriil ee sanadkan, Dawlada Ingiriiska waxay ku deeqdey £2.75 milyan, marka lagu daro tabarucaadyadii hore oo aheyd  £5 milyan oo lagu deeqey Janaayo 2024 iyo £5 milyan oo aheyd bishii Disembar 2023.
  • Ilaa 2022, Dawlada Ingiriiska waxa ay bixisay in ka badan £28 milyan oo tabarucaad ah oo ay siisey UNSOS si ay u taageerto Sanduuqa Horumarinta CXDS.
  • UNSOS waxay hadda taageertaa 20,900 askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) oo siwadajir ah hawlgalo ula sameeyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) sida uu farayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2741) ee la ansixiyay 28kii Juun 2024.

 

Article type