UNSOS OO KU TABABARTAY CIIDANKA AMNIGA SOOMAALIYEED ISTICMAALKA BARNAAMIJKA POWER BI

8 Mar 2024

UNSOS OO KU TABABARTAY CIIDANKA AMNIGA SOOMAALIYEED ISTICMAALKA BARNAAMIJKA POWER BI

Muqdisho – Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa billaabay tababar dhammeystiran oo lagu dhisayo karaanka Ciidanka Amniga Soomaaliyeed si ay qaranka ugu adeegaan ayagoo isticmaalaya teknolojiyad casri ah.

Hay’adda QM waxay dhowaan fulisay tababar socday saddex maalmood oo ujeedkiisu ugu wayn ahaa in ka qaybgalayaasha la baro xirfadaha lagama maarmaanka ah iyo aqoonta si ay uga faa’iidaystaan awoodda barnaamijka Power BI ee loo isticmaalo falanqeynta iyo u-kuurgalidda xogaha.

Ka qaybqaatayaasha tababarka ayaa bartay sida loo soo degsado, loo wareejiyo, loona falanqeeyo xogaha. Saraakiisha ayaa sidoo kale la baray sida loo abuuro dhaashboodhyo gaar ah iyo warbixinno bixinaya macluumaad islamarkiiba ah iyo xogo kale oo muhiim ah. Agabkan ayaa u oggolaanaya ciidanka inay gaaraan go’aammo xog sax ah ku salaysan isla markaasna ku tiirsan falaqeyn xogeed.

Ahmiyadda falanqeynta xogta u leedahay waaxda amniga waa mid aad muhiim ah. Iyagoo u maraya u kuurgalid xogeed, ciidanka amniga waxay awood u yeelan karaan inay gartaan isbaddallada iyo halisaha suurtagalka ah, taas oo u sahleysa qorshayn wax-ku-ool ah iyo ka fal-celinta falalka dambiyada.

Muddadii uu socday tababarka, ka qaybgalyaasha waxay awood u yeesheen inay dabakhaan xirfadihii ay barteen si ay u falanqeeyaan xogo la xiriira heerarka dambiyada, dhacdooyinka iyo arrimaha amniga ee ka dhacaya deegaannadooda kala duwan.

Sidoo kale, barnaamijka tababarka wuxuu abuuray jawi iskaashi oo dhiirigeliyey wada-shaqeyn kooxeed iyo xiriir dhex maray ka qaybgalayaasha tababarka.

Habkan ayaa u saamaxay ka qaybgalyaasha inay wadaagaan waayo-aragnimadooda iyo aqoontooda, kaas oo dhaliyay fahan qoto-dheer oo ku saabsan sida barnaamijka Power BI si wax ku ool ah loogu adeegsan karo doorarkooda kala duwan.

Guusha laga gaaray barnaamijka tababarka ayaa laga dheehan karaa danaynta heerka sare ah ee ay muujiyeen ka qaybgalayaasha.

Iyadoo ka falcelinaysa natiijada togan, UNSOS waxay qorshaysay qabashada tababar kale marka la gaaro bisha Abriil ee sanadkan. Tani ayaa xoojineysa ahmiyadda Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ay siinayaan xirfadaha iyo aqoonka ay ka kasbadeen barnaamijkan.

Sidaas awgeed, qaybta labaad ee tababarka ayaa la filayaa inuu soo jiito tiro ka badan oo ka qaybqaatayaal ah, si loo sii ambaqaado horumarinta guud ee la siinayo waaxda amniga Soomaaliya.

Haddii la soo qulaaseeyo, tababarka barnaamijka Power BI ee ay UNSOS u qabatay ciidanka Amniga Soomaaliyeed wuxuu ka turjumayaa sida ay QM uga go’an tahay dhisidda hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Iyadoo ku qalabaynaysa ciidanka amniga xirfado lagama maarmaan ah, UNSOS waxay door muhiim ah ka cayaaraysaa sidii dadka Soomaaliyeed ugu naalloon lahaayeen jawi nabad iyo amni ku dhisan.

Article type