Agaasime ka socota UNSOS oo booqatay Kismaayo si ay u qiimeeyso horumarka laga gaaray maamul-daadejinta iyo taageerada hawlaha kala guurka

13 Mar 2024

Agaasime ka socota UNSOS oo booqatay Kismaayo si ay u qiimeeyso horumarka laga gaaray maamul-daadejinta iyo taageerada hawlaha kala guurka

Kismaayo – Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay daadedijinta hawalaha taageerada saadka si loo xoojiyo awoodda hawl-gal ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa Amaanka ee Soomaaliya.

"Booqashadeena waxay ujeedadeedu tahay in aan si toos ah ula xiriirno macaamiisheena iyo kooxahayada, si aan u fahanno baahidooda iyo horumarinta hababka taageerada," ayay tiri Marwo Qurat Ul -Ain Sadozai, Agaasimaha Taageerada Halwgalka ee UNSOS, mar ay safar ku tagtay Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Marwo Sadozai ayaa kulamo la qaadatay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, saraakiisha ugu sareysa ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) waxayna sidoo kale booqatay bakhaarka UNSOS ee magaalada Kismaayo.

"Hadii an nahay cududda saadka, waxaan diiradda saareyna in aan si degdeg ah oo dheeraad ah u siinno macaamiisheenna, annagoo xaqiijineyna in hawlgalladooda si hufan loo taageero," ayay ku nuux-nuuxsatay Marwo Sadozai.

Macaamiishu waxa ay ka mahadnaqen taageerada la siiyay oo qayb ka ah nidaamka la dadejiyay ee lagu kobcinayo waxtarka iyo taageerada oo lahelo wakhtiga ku habboon.

Agaasimaha ayaa magaalada Kismaayo u tagtay sidii ay ugu kuurgeli lahayd howlaha iyo hirgelinta hannaanka maamul daadejinta, dadaallada kor loogu qaadayo tayada, arrimaha hortabinta leh ee uu tilmaamay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale u kuur-galka caqabad kasta oo saameyn ku yeelan karta fulinta waajibaadka UNSOS.

"Iyada oo qayb ka ah hindisaha kala-guurka, waxaan kaydka dhignay meel u dhow goobaha shaqo si aan u xaqiijinno in la helo taageero hufan oo degdeg ah. Habkani wuxuu u sahlayaa asxaabteena in ay si toos ah uga helaan agabka muhiimka ah goobaha hawlgallada, taas oo si weyn kor ugu qaadaysa taageeradeena hufan ee Ciidamada Amaanka Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS),” ayay tiri Marwo Sadozai.

Agaasimuhu waxay garowsatay dadaalka ay kooxda ka wadaan magaalada Kismaayo iyada oo uga mahad celisay dhamaan hawlihii ay kooxdu ka qabatay horumarinta maamul-dadejinta.

Taliyaha ururka 11-aad ee qeybta 43-aad ee ciidanka XDS Gaashanle Sare Nuur Mahad Xasan oo isna hadal ka jeediyay munaasabada ayaa ku bogaadiyay xafiiska UNSOS in ay gacan ka geysato howlgallada socda.

“Taageerada UNSOS waxay muhiim u tahay fududeynta iyo caawinta ciidamadeena amaanka. Taageeradani waxay qiimo weyn u leedahay hawl-galladeena iyo waxtarkeena guud,” ayuu yiri Gaashanle Sare Nuur.

Sarkaalka Hawlgalka ee Qaybta Lixaad ee ATMIS, ahna ku-simaha Taliyaha Qaybta, Gaashaanle Dhexe David Kiprotich, ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka UNSOS ee guulaha hawleed ee ciidamada ATMIS.

“UNSOS waxa ay gacan ka geysatay bixinta taageerada saadka, oo ay ku jiraan sahayda raashiinka, dayactirka kaabayaasha, iyo taageerada dhanka duulista ee Saldhigyada Hawlgalka. Taageeradooda waqtiga loogu talogalay iyo muhimka ah ayaa kaalin mug leh ka ciyaartay guusheena howlgallada,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Kiprotich.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2710 ayaa u oggolaanaya UNSOS in ay siiso taageero dhanka saadka ilaa 15,900 oo Ciidamada Amaanka Soomaliya ee hawlgallada wadajirka ama iskawarqabka ah la leh ciidamada ATMIS, tiradaas oo sare loo qaadi karo ilaa 18,900 oo askar ah.

Article type