Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xustay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka

15 Mar 2024

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xustay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka

Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sanadkan xustay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka iyadoo hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in haweenka la maalgashado si loo kobciyo wadajirka bulshada.

Munaasabad lagu xusayay maalintan, ayaa QM waxa ay qirtay adkeysiga iyo guulaha ay gaareen haweenka, waxayna sare u qaaday wacyigelinta ku saabsan takoorka jinsiga, waxayna u ololeysay in la maalgeliyo haweenka iyo gabdhaha si horumar looga gaaro sinnaanta jinsiga.

Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen shaqaale ka kala socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa diiradda lagu saaray mowduuca caalamiga ah ee xuska: “Maalgashiga Haweenka; Dardargelinta Horumarka.”

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Raisedon Zenenga, ayaa qiray in dalka uu ku socdo horumar wanaagsan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero xoojinta awoodda dumarka iyo gabdhaha yaryar.

“Horumarka Soomaaliya waxa uu soo bandhigayaa fursad lagu kordhinkaro maalgashiga haweenka iyo in si buuxda looga faa’ideysto awoodooda. Waxaa muhiim ah in la xasuusto in maalgelinta haweenka ay aasaas u tahay dhisidda bulshooyin wadajir ah,” ayuu yiri Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane Zenenga ayaa ku nuuxnuuxsatay doorka muuqda ee haweenku ay ku leeyihiin nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta wuxuuna ku baaqay in lasii wado dadaallada wadajirka ah si loo gaaro saamiga boqolkiiba 30ka ee haweenka ee baarlamaanka iyo goleyaasha degmooyinka.

Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay u doodista sinnaanta jinsiga iyo taageeridda abuurista bulsho loo dhan yahay oo ay ku jiran haweenka Soomaaliyeed.

Sarkaalka sii haya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ahna Agaasimaha Taageerada Hawlgalka; Marwo Qurat Ul-Ain Sadozai, ayaa soo bandhigtay hindisayaasha Qaramada Midoobay ee diiradda lagu saarayo maalgashiga haweenka Soomaaliyeed.

Hidiseyaashan waxaa ka mid ah fulinta qorshe hawleedka jinsiga, tababarka metelayaasha arrimaha jinsiga, maalgelinta jawi shaqo oo ku habboon haweenka, iyo maamuuska haweenka ku dayashada mudan ee goobaha shaqada. Marwo Sadozai waxay kaloo ay carrabka ku adkeysay aasaaska Qolka hooyooyinka ay ku naas-nuujiyaan caruurta iyo Xarunta Fayoqabka Haweenka si looga abuuro howlgalka jawi ku habboon in ay haweenka ku shaqeeyan.

Waxay tiri Marwo Sadozai; “Waxaan maal-gelin ku sameyneynaa haweenka Soomaaliyeed, taas oo ay ku jiraan dadaallo lagu dhisayo awooddooda. Tani waa arrin hortabin leh maadaama aan halkan u joogno in dadka Soomaaliyeed aan ka taageerno si ay u gaaraan horumarka, nabadda, iyo xasilloonida.” Marwo Sadozai ayaa carabka ku dhufatay shaqada ka socota qaybta duulimaadka ee UNSOS oo laga hirgeliyay hab cusub oo ay ku hawl galisay ardayda dumarka ah ee ka tirsan Kulliyada Duulista Hawada ee Muqdisho kuwaas oo la siinayo tababar shaqo.

Marwo Sadozai waxay sii garawsatay oo ay ammaantay wada-shaqaynta dhiirri-gelinta leh ee ay la yeelatay Marwo Xabiiba Cabdiraxmaan Wehlie, oo ah gabar Soomaaliyeed oo hawlkar ah, oo la hawlgashay iyada oo ka tuusala qaadatay shaqadeeda taas oo qayb ka ah hindisaha ‘tababarka shaqada lagu qaato’ ee loo qabtay ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka.

Waxay ku celisay ereyada Xoghayaha - Guud ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka "Dunideenu wali waxay ka tarjumaysaa kun-sano oo xiriir awoodeed oo raggu hogaanku u hayo. Horumarkuna lagu haayo weerar...” waxaa jirta baahi degdeg oo loo qabo in horay loo socdo. Waa lagama maarmaan in la maalgeliyo haweenka, runtii, la dardargeliyo horumarka.

Madaxa Barnaamijka Haweenka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Syed Sadiiq, ayaa xusay in caalamka, haweenka iyo gabdhaha, ay leeyihiin saameyn aan dheeli tirnayn oo ka timaada dagaallada, rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo masiibooyinka isbeddelka cimilada. Marka loo eego xogtii udanbeysay, maalgashiga maaliyadeed ee haweenka ayaa weli ah mid aad u hooseeya. Waxaa loo baahanyahay ilaa $360 bilyan oo doolarka Mareykanka oo dheeraad ah sanadkii si loo gaaro xindisaha SDG 5 ee xagga sinnaanta jinsiga iyo xoojinta awoodda haweenka.

"Soomaaliya, 80 boqolkiiba dadka barokacay waa haween iyo carruur, sidaas darteed baahi aya loo qaba in diiradda la saaro, maalgelin sare iyo taageerada haweenka iyo gabdhaha yaryar," ayuu yiri Dr. Syed.

Iyada oo qayb ka ah hawlaha lagu xusayo maalintan, QM ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo abaabushay mashruuca ‘Gabdhaha la wareegaya xilalka’, halkaas oo haweenka Soomaaliyeed ee da’da yar ay la falgaleen madaxda Qaramada Midoobay si ay ugu dhiirigeliyaan in ay noqdaan hoggaamiyeyaal iyo wakiillada isbeddelka bulshooyinka ay ku nool yihiin. Intaa waxaa dheer, Barnaamijka isku xirka dhalinyarada ee UNFPA Soomaaliya ee (SOYO) ayaa soo bandhigay bandhig faneed lagu soo bandhigay xog qaab sheeko ah: “My data My story, taas oo ah sheeko soo bandhigay statistikiada arrimaha haweenka Soomaaliyeed oo qaab sawiro ah, sida “20 kasta oo ka mid

 

 

Article type