Booqashada Agaasime ka socotay UNSOS ee Baydhabo

21 Mar 2024

Booqashada Agaasime ka socotay UNSOS ee Baydhabo

Baydhabo – Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, oo ah Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), ayaa sii wadatay booqashooyinkeeda qaybaha kala gedisan si ay ula kulanto shaqaalaha iyo bahwadaagta kale oo ay ka mid yihiin ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaliya.

Marwo Sadozai ayaa intii ay ku guda jirtay booqashadeeda magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed waxa ay carabka ku adkeysay siday Xafiiskan Qaramada Midoobay ay uga go'an tahay la shaqeynta macaamiisha iyo xaqiijinta taageerada Soomaaliya. 

Booqashada Marwo Sadozai ayaa ujeedadeedu ahayd in ay dib u eegis ku sameyso horumarka laga gaaray dadaallada maamul daadejinta ee lagu taageerayo Ciidamada Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, iyadoo hadafku yahay in la dhiirigeliyo hawlgal hufan oo firfircoon.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan marqaati ka nahay horumarka ilaa hadda laga gaaray hannaanka maamul daadejinta ee taageerada saadka ee howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya. Waa dadaal an sii horumarin doona iyadoo lagu salaynayo baahida macaamiisheena,” ayay tiri sarkaalka sare ee UNSOS.

Marwo Sadozai ayaa carabka ku adkeysay sida ay uga go'an tahay UNSOS in ay fuliso waajibaadka Qaramada Midoobay, gaar ahaan taageerada dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo fududaynta taageerada qorshaha kala guurka.

Intii lagu guda jiray booqashadeeda, sarkaalkan UNSOS waxay sidoo kale kormeer ku tagtay warshadda tamarta qoraxda ee Kube, iyadoo muujisay muhiimadda in loo guuro isticmaalka tamarta cagaaran si loo waafajiyo yoolalka horumarineed ee joogtada ah ee Qaramada Midoobay.

"Mashruucani waxa uu sahli doonaa in kaamka uu helo koronto ku filan taas oo yareyneysa in uu ku tiirsanaada korontada lagu dhaliyo motoorada" ayay tiri.

"Waa hindise ka mid ah tallaabooyinka arrimaha bay’adda lagu ilaalinayo oo muhiim ah si kor loogu qaado hawlaha adeegsiga tamarta la cusboonaysiin karo" ayay raacisay Marwo Sadozai.

Marwo Sadozai waxay kaloo wadahadal la yeelatay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee ATMIS, wakiillada gobollada ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA), Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), hay'adaha Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta kale.

Marwo Sadozai ayaa sidoo kale ka qaybgashay olole dhir beeris ah oo ka dhacay xerada UNSOS ee magaalada Baydhabo iyadoo sidookale xoojisay muhiimada ay leedahay in la helo deegaan waara.

Article type