ATMIS oo dhammeystirtay wajiga labaad ee ciidan dhimista – toddobo saldhigyo militari oo lagu wareejiyey dowladda soomaaliya; labo kale oo la xiray

3 Feb 2024

ATMIS oo dhammeystirtay wajiga labaad ee ciidan dhimista – toddobo saldhigyo militari oo lagu wareejiyey dowladda soomaaliya; labo kale oo la xiray

Muqdisho – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo taageero lojistiko ka helaya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay (UNSOS), ayaa soo gabagabeeyey Wajiga Labaad ee dhimista ciidanka, iyadoo tirada ciidanka la sii dhimay 3,000 oo askari. ATMIS ayaa toddobo saldhigyo militari ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo sidoo kalena xirtay labo kale.

Saldhigyada la wareejiyey waxaa ka mid ah Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo ay wareejiyeen Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah ATMIS kana hawlgala Qaybta Kow; Biyo Cadale, Raaga Ceel, iyo Qorillow oo ay wareejiyeen Ciidanka Burundi ee Qaybta ka ah ATMIS kana hawlgala Qaybta Shan; Burahache oo ay wareejiyeen Ciidanka Kenya ee ee Qaybta ka ah ATMIS kuna sugan Qaybta Labo; iyo Garoon Diyaaradeed Hore oo ay wareejiyeen Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Qaybta Lix. Waxaa albaabbada la isugu dhuftay saldhigyada ku yaallay Sarille iyo Garoon Diyaaradeedkii hore ee Kismaayo, iyadoo labadan saldhigyo ay wareejiyeen Ciidanka Kenya ee ATMIS ka tirsan ee ka hawlgala Qaybaha Lix iyo Labo.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo La Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa xaflad rasmi ah oo ka dhacday Muqdisho ku saxiixay Heshiiska lagu fasaxayay Dhulka. Heshiiskan ayaa ka dhigan in ATMIS ay saldhigyadan si rasmi ah ugu wareejisay gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sii-Hayaha Madaxa UNSOS, Qurat-ul-Ain Sadozai, ayaa saxiixday Shahaado qalabka yaallay saldhigyada la wareejiyey loogu deeqay Dowladda Federaalka Soomaaliya. UNSOS waxay ku deeqday janareetarro, qalabka soollarka iyo qalabka nadiifinta biyaha kuwaas oo iyagoo si wanaagsan u shaqeynaya loogu wareejiyey Dowladda.

Waxaa intaas dheer in UNSOS ay ballanqaadday inay tababarro farsamo siineyso ciidanka amniga Soomaliyeed ee dowladda u qorshaysatay inay la wareegaan saldhigyada, si loo xaqiijiyo habsami u socodka hawlaha iyo dayactirka qalabka.

 

Agaasimaha Guddiga Midowga Afrika u qaabbilsan Maareynta Colaadaha ee jooga Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, Dr Alhadji Sarjoh Bah ayaa qiray guulaha waa wayn ee Soomaaliya ay ka sameysay xoojinta ammaanka. Wuxuu ku ammaanay ciidanka amniga Soomaaliyeed geesinnimadooda iyo ka go’naanshahooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sidoo kalena garowsaday waajibaadyadooda muhiimka ah ee kaga aaddan horumarka dalka.

Wuxuu ku celiyey sida Midowga Afrika uga go’an tahay geeddisocodka kala guurka Soomaaliya, isagoo xoojiyay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay caawinta dadaallada socdo ee la doonayo in lagu gaaro nabad waarta, amni yo xasillooni.

La Taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta kale ee caalamiga ah dadaalladooda iyo ka go’naanshahooda raadinta nabadda iyo amniga Soomaaliya.

“Waxaan uga mahadcelinaynnaa Midowga Afrika nafhurnimadooda iyo dadaalladooda ku aaddan Soomaaliya. Waxaan leennahay bulshada caalamka iyo saaxiibbada kale, waad ku mahadsan tihiin sida aad noogu garab istaagteen dagaalka aan ku doonaynno inaan ku xaqiinno amniga iyo nabadda dalkeenna. Waxaan rabaa inaan dadweynaha u xaqiijiyo in ciidan dhimistu tahay mid dhab ah, ayna dhacayso. ATMIS way soo afjarmaysaa waxaana u gudbaynnaa mustaqbal badbaadada iyo amniga Soomaaliya ay Soomaaliya xejisan doonto, la’aanta ATMIS,” ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka.

Sii-Hayaha Madaxa UNSOS, Qurat-ul-Ain Sadozai, ayaa ku celisay ka go’naanshaha UNSOS ee taageeridda ATMIS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inta lagu jiro geeddisocodka kalaguurka. Waxay xustay wareejinta najaxday ee saldhigyada waxayna ammaanta iskaashiga u dhaxeeya ATMIS, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNSOS, iyadoo sidoo kalena ballanqaadday taageero iyo iskaashi sii socdo.

“Ka UNSOS ahaan, waxba iskama baddalayo ka go’naanshaheenna taageeridda ATMIS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Diyaar ayaan u nahay inaan taageerno Wajiga Saddexaad ee ciidan dhimista iyo inaan siinno taageerada lojistiko ee loo baahan yahay,” ayay tiri Sii-Hayaha Madaxa UNSOS.

Taliyah Ciidanka ATMIS, Sareeye Guud Sam Okiding, ayaa ammaanay wada-shaqayn kooxeedka ay muujiyeen Guddiga Saddex Geesoodka ee Ciidan Dhimista – ATMIS, Dowladda Soomaaliya iyo UNSOS, kuwaas oo ku guuleystay inay soo gunaanadaan wajiga Kow iyo Labo ee Ciidan Dhimista.

“Dadaalladeenna wadajirka ah waxay noqdeen kuwo miro dhalay annagoo 5,000 oo askari ku yareynnay Wajiga Kow iyo Labo. Waxaan dhowaan billaabi doonnaa u diyaargarow ku aaddan wajiga kan xiga, Wajiga Saddexaad, si aan u yareynno tiradeenna 4,000 oo askari marka la gaaro bisha Juun. Waxaan ku kalsoonahay guusheenna sii socoto taas oo ku saleysan hannaankeenna midaysan ee isku jihada ah. Wax guul ka sokeeyo nama deeqo,”  ayuu carrabka ku adkeeyey Sareeye Guud Sam Okiding.

Article type