Ciidanka XDS oo ATMIS kala wareegay Saldhigga Milatari ee Raaga Ceel

18 Oct 2023

Ciidanka XDS oo ATMIS kala wareegay Saldhigga Milatari ee Raaga Ceel

Hirshabeelle – Howlgalka ku meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maanta oo Arbaca ah ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Saldhigga Raaga Ceelka, taasi oo qeyb ka ah dib u habeynta ciidamada ee la dagaalanka argagixisada.

"Wareejintan waxay ahayd in la sameeyo bishii hore, laakiin sida aad la wada socotaan, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa codsatay joojin farsamo taasoo uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ku raacay," ayuu yiri Madaxa Saadka ee ATMIS Col. Jean Bosco Sibondavyi oo isagu guddoominayay xafladda xil wareejinta.

Waxa uu intaa ku daray in xil wareejinta “aysan ku xad-gudbin” codsigii Soomaaliya ee ahaa in hakinta farsamo lagu sameeyo dhimista ciidamada ATMIS oo ahaa muddo 90 maalmood ah.

“Heshiiskani waxaa lagaarey markii is afgarad lala gaarey ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Dhammaanteen waxaan ku heshiinnay in aan sii wadno wareejinta Raaga Ceelka sababo la xiriira baahida howl-qabad ee Qeybta 5-aad. Ciidamada la wareegaya saldhigan waxa ay xoojin doonaan Saldhigyada kale,” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in ciidamada ATMIS ee guutada 68-aad ay u wareegi doonaan qeybaha kale ee ka tirsan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka si ay uga qeyb qaataan howlgallada ciidan ee wadajirka ah, sidoo kalena ay ka taageeri doonaan ciidamada XDS in ay la wareegaan goobaha la xoreeyey si loo sugo amniga iyo xasiloonida.

Saldhiga Raaga Ceel oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa gacanta ku hayay ciidamada Burundi kuwaasoo maamula aaga qaybta 5aad ee hawlgalka ATMIS.

Taliyaha guutada 68-aad ee ciidamada Burundi oo qaybta ka ah ATMIS,G.dhexe. Jean Baptise Nahishakiye, ayaa wareejiyay. Saldhiga.

“Tani waxay tallaabo muhiim ah u ah ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. anagoo mas’uuliyadeena saldhigan ku wareejineyno CXDS, waxaan ku kalsoonahay inay ilaalin doonaan oo ay difaaci doonaan badbaadada, amniga iyo xuquuqda aadanaha ee dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri G.Dhexe Nahishakiye.

Taliyaha cusub ee ciidamada XDS ee saldjiga Raaga Ceel xidigle. Iidow Cali Maxamed ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS ee Burundi howlgalada wadajirka ah ee ay lafuliyaan  ciidamada XDS ee ka dhanka ah Al-Shabaab, xasilinta degaanadii laga saaray iyo sugida amniga gobolka.

“Maanta waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Raaga Ceelka kala wareegnay ciidamada ATMIS. Waxaan ballan qaadeynaa inaan ku soconno jidkoodii, anagoo ilaalineyna nabadda iyo amniga, iyadoo la hubinayo in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha ee dadka deegaanka,” ayuu yiri xidigle. Iidow.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee qeybta qorsheynta kala guurka oo uu ugu horeeyo Santosh Koka oo qalab ay Qaramada Midoobay leedahay ku wareejiyay ciidamada amaanka Soomaaliya (SSF).

Dib u habeynta ciidamada ATMIS iyo kuwa XDS ayaa la filayaa in ay sii xoojiyaan gulufyada militari ee ka socda gobolka Sh/dhexe oo ciidamada isku dhafka ah ay guulo wax ku ool ah iska diiwaan galiyeen islamarkaana Al-Shabaab ja saareen saaray deegaano badan.

Article type