Guddiga QM ee Hawlgallada Nabad-ilaalinta oo booqday Soomaaliya

5 Dec 2023

Guddiga QM ee Hawlgallada Nabad-ilaalinta oo booqday Soomaaliya

Wafdi ka socday Guddiga Gaarka ah ee ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Hawlgallada Nabad-ilaalinta (C-34) ayaa dhowaan booqday Soomaaliya si ay u helaan xog ku saabsan sida Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay (UNSOS) u siiyo taageero lojistiko Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.

Wafdiga oo ka koobnaa 20 qof, isla markaasna lahaa metelaad dalal badan, waxaa hoggaaminayay danjiraha Canada iyo Ku Xigeenka Wakiilka Joogtada ee QM, Richard Arbeiter, oo ah guddoomiyaha guddiga C-34.

Danjire Arbeiter ayaa sheegay in booqashada labada maalmood qaadatay ee ay ku tageen Soomaaliya ay ahayd fursad wafdiga C-34 ay ku heleen waayoaragnimo la xiriirta sida dhow ee UNSOS ula shaqeyso ATMIS iyo Dowladda Federaalka si loogu adeego dadka Soomaaliya.

“Waxaan barannay sida qaybta lojistikada ay muhiim u tahay, sida ay ATMIS ugu tahay awood-siiye muhiim ah, ugana caawiso dowladda Soomaaliya sidii ay u fulin lahayd hadafkeeda iyo dadaalkeeda ku aaddan horumarinta xaaladda dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Danjire Arbeiter.

Wafdiga ayaa booqday dhowr xarumo taageero oo UNSOS leedahay sida Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah, xarun caafimaad, xarun lagu nadiifiyo biyaha, iyo xarunta hawlaha cirka ee bixisa adeeg duulis isla markaasna isku duwda daadgureynta la xiriirta caafimaadka iyo dhaawacyada ee la siiyo ATMIS iyo ciidanka Amniga Soomaaliya.

Wafdiga ayaa sidoo kale wada-xaajoodyo la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, Catriona Laing, Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS, Sareeye Guud Sam Okiding iyo sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar.

Intuu socday kulanka lala yeeshay mas’uuliyiinta ATMIS, Danjire Souef ayaa mahadiyay xiriirka wada-shaqaynayd ee dhow, laga billaabo heer hoggaamineed ilaa xarumaha isku duwista hawlgallada wadajirka ah, ee u dhaxeeya ATMIS, UNSOS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxa UNSOS, ahna Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud ee QM, Dr Aisa Kirabo Kacyira ayaa ka dhawaajisay hadallo sidaas oo kale ah, iyadoo ammaantay wada shaqayn kooxeedka, iyo midnimada hadafka ee heer kasta ee UNSOS, ATMIS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan jeclaan lahaa in C-34, ka dowlado ahaan, ay milicsato dadaalka Midowga Afrika oo taageero ka helaya QM, ay ku qaadatay inaan ka nimaadno meeshii aan joognay 2007 oo aan soo gaarno halka aan hadda joogno, iyo sida ay u adag tahay inaan luminno natijooyinka guulaha aan sameynnay, iyo sida aan u xaqiijin lahayn in ka dib bixitaankeenna, Soomaaliya ay sii ahaato meel nabdoon, amni ah, isla markaasna horumareyso,” ayay tiri Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud ee QM, Kacyira.

Gunaanadii safarkii, Danjire Arbeiter ayaa sheegay in xog-ururinta ay ka heleen kulammadii ay la qaateen wakiilladii kala duwanaa ay ka caawin doonto guddiga inuu sameeyo talooyin ku aaddan sida loo sii horumarin karo hawlgallada nabad ilaalinta.

“Ma bixinno talooyin gaar ah oo ku saabsan hawlgallo gaar ah, balse waxaan isku daynaa inaan fahanno sida nidaamyada duub duub ahaan ugu baahan yihiin inay kordhaan si loo taageero dadka hawgalka ka shaqeynaya si ay u fuliyaan waajibaadyada ay ka helaan Golaha Ammaanka,” ayuu yiri.

Danjire Arbeiter ayaa ka mahadceliyay waxtarnimada hawlgalka UNSOS ee ka hawlgala deegaan kakan oo wajahaya caqabado isugu jira aragagixiso iyo isbaddalka cimilada, wuxuuna ammaanay adkaysiga Soomaaliya, isagoo xusay baahida loo qabo taageero dheeraad ah oo ka timaadda beesha caalamka.

Sanadkii 2009, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhisay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOOA). Sanadkii 2015, UNSOA waxaa loo baddalay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loo hirgeliyo waajibaadka kordhaya ee taageerada la siiyo Ciidanka Amniga Soomaaliya iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Article type