Mutadawaciinta QM ee ku sugan Soomaaliya oo xusay Maalinta Caalamiga ah ee Mutadawaciinta

6 Dec 2023

Mutadawaciinta QM ee ku sugan Soomaaliya oo xusay Maalinta Caalamiga ah ee Mutadawaciinta

Mogadishu – Mutadawaciinta QM ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa isugu yimid magaalada Muqdisho Talaadadii si ay ugu dabbaaldegaan Maalinta Caalamiga ah ee Mutadawaciinta iyagoo ammaanay wada-hadal caalami ah iyo midnimada.

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta QM ee Muqdisho, waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyadoo hal-ku-dheggu ahaa “Cududda Ficil Wadajir ah”.

Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ayaa ku ammaantay Mutadawaciinta QM juhdiga ay ku bixiyaan shaqada ay u hayaan QM si caawimaad muhiim ah loo gaarsiiyo dadka ku nool Soomaaliya.

“Mutadawaciinta waa laf-dhabarta shaqadeenna halkan ee Qaramada Midoobay ee aan ugu adeegno Soomaaliya. Waxaan badankeen uga mid noqonnay QM inaan isbaddal sameynno. Waxaan rabnaa inaan taageero fidinno, waxaan rabnaa inaan caawimaad sameynno. Mutadawaciinta naga sii dadaal badan waayo ma qaadaataan mushahar sideenna oo kale. Saas oo ay tahay, waad soo xaadirtaan maalin kasta. Kaliya ma aha Muqdisho meelaha aad ka hawlgashaan, ee waxaad ka shaqeysaan qaar ka mid ah xarumaha shaqo ee ugu adag,” ayay tiri Marwo Kiki.

Ku Xigeenka Wakiilka Xog-Hayaha Guud ee QM ahna Isku Duwaha Arrimaha Bini’aadannimada, George Conway ayaa ku ammaanay Mutadawaciinta adeegga ay siiyaan Soomaaliya, oo wajahayso abaaro aan horey loo arag iyo fatahaado loo aaneynayo isbaddalka cimilada.

“Waxaan ka mahadcelinayaa fursadda aan ugu dabbaaldegaynno mutadawacnimada, adeegga bulshada iyo midnimada iyo inaan dhammaanteen wada shaqeyneynno sidii aan u horumarin lahayn duruufaha iyo xaaladaha qaar ka mid ah dadka ugu tabaalaysan ee adduunka,” ayuu yiri Conway.

“Inkastoo ay ka jiraan musiibooyin soo laablaabta, Conway wuxuu yiri, Soomaaliya waxay ku socotaa dhabbo isbaddal dhaqan dhaqaale oo ay hoggaaminayso dowladda federaalka taas oo qaabeyso aragtida muddada fog si loo gaaro horumar waara oo bartilmaameedsanayo 35-ta sano ee soo socoto.

“Soomaaliya way nugushahay, balse waxaa inaan eegnaa bulsho Soomaaliyeed oo ka soo kabanaysa nuglaanshaha. Mid awood u leh inay yareyso nuglaanshaha horeyna isu riixda ilaa ay ka gaarto horumar aan dib u laabasho lahayn,” ayuu yiri Conway. 

Toily Kurbanov, Isku Duwaha Mutadawaciinta QM ee caalamka, ayaa uga mahadnaqay shaqalaha iskaa kaga shaqeeya Soomaaliya, doorkooda ku aaddan taageeridda dalka si uu u qoro cutub kale oo taariikhda ah.

“Si wayn ayaad u fekertaan, si adag ayaad u falgashaan, si wayn ayaad u daryeeshaan. Taasi ayaa ah tilmaamaha aad la wadaagtaan 13,000 oo kale oo mutadawiciin QM uga hawlgala caalamka oo idil,” ayuu yiri Kurbanovo mar uu ka hadlayay xafladda ka dhacday Muqdisho.

Wasiirka Dowladda Federaalka u qaabbilsan Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Barre Maxamuud oo isna ka qeybgalay munaasabadda ayaa sheegay in xafladda loogu dabbaaldegayay mutadawaciinta QM ay ka dhigan tahay ka go’naanshaha wadajirka ah ee mutadawaciinta – kuwaas oo badankood ah dhallinyaro damacsan dhisidda Soomaaliya iyo adduun ka wanaagsan sida uu maanta yahay.

“Waxaan qireynnaa doorka muhiimka ah ee mutadawaciinta ku leeyihiin adduunka, kuwaas oo ficilladooda, muujiya mabaadi’da midnimada iyo mas’uuliyadda dadka ka dhaxeysa ee lagu horumarinayo bedqabka bulshadeenna caalamka,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud.

Eman Abusaada, oo ah injineer shibil ah oo u dhalatay Palanstine qaab iskaa ahna kula shaqeysa Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS), doorkeedana yahay kaaliyaha maamulka xarumaha ayaa sheegtay in mutadawacnimadu tahay fursad lagu hagaajin karo Somaaliya.

“Waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo. Waxaan rajeynayaa inaan sameyn karo isbaddal horumarin kara nolosha dadka sidoo kale xaqiijin kara sida dumarka u noqon karaan kuwo adkaysi og, sida dadka ka soo jeeda qaybtayda adduunka ay isbaddal uga samayn karaan meel kale,” ayay tiri Eman.

Maalinta Caalamiga ah ee Mutadawaciinta oo sanad walba la xuso 5-ta Disembar waxay fursad u siisaa Mutadawaciinta iyo hay’adaha inay u dabbaaldegaaan dadaalkooda, wadaagaan qiimahooda una dhiirigeliyaan shaqada ay u hayaan bulshada, ururrada aan dowliga ahayn, maamullada dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay si lo gaaro ahdaafta horumar waara (SDGs).

Article type