UNSOS oo lagu ammaanay tababaridda jiilka xiga ee duuliyayaasha Soomaaliyeed

5 Feb 2024

UNSOS oo lagu ammaanay tababaridda jiilka xiga ee duuliyayaasha Soomaaliyeed

Muqdisho – Goortii Maryan Maxamed Cali ay iska diiwaangelisay Machadka Duulista Muqdisho labo sanadood ka hor, waxay ka walaacsaneyd sidii ay fursado shaqo-barasho u heli lahayd sababo la xiriira fursadaha duullimaadyada Soomaaliya oo xaddidnaa.

Maryan oo ku dhalatay kuna soo barbaartay Muqdisho aad ayay u nasiib badnayd inay ka mid noqotay arday kooban oo loo xushay inay la shaqeeyaan qaybta duulista ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ka dib markii ay mareen hannaan baaritaan oo si taxaddar leh loo fuliyay.

“Dalkayga wuxuu wajahayaa caqabado badan oo amni iyo waxbarasho leh. Waxaan ku hammi waynahay inaan la shaqeeyo dalkayga, gacanna ka gaysto barwaaqadeenna. Mudnaantayda koowaad hadda waa sidii aan tababarkan ugu guulaysan lahaa, sidoo kalena fursadda aan ka helay UNSOS waa riyo ii dhabowday,” ayay tiri Maryan, oo uu dhaqaajinayo rabbitaanka inay dalkeeda dib wax ugu celiso.

Maanta, gabadhan 19-jirka ah ee sida iskaa ah uga hawlgasha qaybta hawlaha Garoonka UNSOS, waxay uga mahadcelisay qaybta lojistikida ee QM sida ay gacan uga gaysatay dhabbaynta riyadadeedii ahayd inay noqoto sarkaal qaabilsan hawlaha duulista.

“Waxaan u baahan nahay tababarro dheeraad ah si aan u gaarno heerka xirfadda ugu sarreyso, si la mid ah dalalka kale,” ayay tiri Maryan oo ku qalinjabisay shahaado dibloomo ee Hawlaha Garoommada oo ay ka qaadatay Machadka Duullimaadyada Muqdisho – Mogadishu Aviation College (MAC) Disembartii la soo dhaafay.

Si la mid ah boqollaal arday kale, Maryan waxay baadigoobeysaa hadafkeeda, waxaana guusheeda door ku leh UNSOS oo sii ballaarineysa kaalinta ay ku leedahay karaan dhisidda iyo tababaridda jiilka mustaqbalka ee xirfadlayaasha duulista ee ku nool Soomaaliya.

Isagoo caawimaad ka helaya UNSOS, Machadka Duulista ee MAC ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed u bandhigay fursado shaqo oo kala duwan oo ka jira qaybta duulista, arrintaas oo ka dhigan kalsooni sii kordheysa oo lagu qabo waaxda duulista ee Soomaaliya.

“Maanta, waxaan qoraynnaa ilaa toban arday halkii xiisadba, tababarkuna wuxuu qaadanayaa saddex bilood oo lagu qaadanayo goobta shaqada. Tan iyo markii aan billownnay waxaan tababarnay ku dhowaad lixdan ilaa toddobaatan arday iyadoo hadafka ugu wayni yahay dhisidda karaanka qaybta duulista Soomaaliya,” ayuu yiri Ernest Manzano, Madaxa Adeegyada Duulista ee UNSOS.

“Ujeeddadu waa sidii loo tababari lahaa hawlwadeennadan ku jira adeegyada duulista si looga hawlgaliyo Soomaaliya oo idil, iyagoo ka shaqeyn doono garoommada kala duwan ee aan ka hawlgalno. Waxaan rumeysanahay in haweenkan iyo raggan ka qalinjabinaya machadka duulista ay diyaar u noqon doonaan maareynta mas’uuliyaddaas,” ayuu raaciyay Manzano.

Maaddaama hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu ku jiro marxalad kala-guur, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay la wareegayso mas’uuliyado dheeraad ah, UNSOS waxay isku dayeysaa inay ka hor-tagto firaaq xirfadlayaal oo saameeya qaybta duulista ee Soomaaliya, taas ayaana keenaysa baahida loo qabo dardargelinta iyo xalinta baahiyaha jira.

“UNSOS aad ayay nooga caawisay siinta ardayda ka qalinjabisa MAC tababarro shaqo-barasho ah, iyadoo ardayda siiso tababarro, talo iyo hagid ilaa ay ka noqdaan xirfadlayaal,” ayuu yiri Injineer Cali Guutaale, Agaasimaha Maamulka ee Machadka Duulista ee Muqdisho.

Machadka Duulista Muqdisho oo la aasaasay bishii Luulyo 2018, wuxuu soo saaray duuliyayaal xirfadlayaal ah oo ay shaqaalaysiiyeen shirkado diyaaradeed oo maxalli iyo caalamabi isugu jira iyo shirkado duulis, sida Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Favouri, iyo Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.

Maxamed Cabdiraxmaan Cali, arday kale oo ka faa’iidaystay iskaashigan labo geesoodka ah wuxuu qabaa in riyadiisa ahayd inuu dayaarado kiciyo ay soo dhowdahay isagoo guushan u aaneeyey tababarka uu ka helay qaybta duulista ee UNSOS.

“Sallaanka hal mar ma wada fuuli kartid. Waxaan hadda ku billaabay xakameeye duullimaadyada, dhowaanna waxaan quuddaraynayaa inaan dhigto koorsooyin kale isla markaasna aan noqdo duuliye,” ayuu yiri Maxamed oo hadda qaabo shaqo-barasho ahaan ugu lammaansan waaxda duulista ee UNSOS.

Sanadihii dhowaa, qaybta duulista Soomaaliya waxay soo jiidatay diyaarado waa wayn oo caalami ah sida Shirkadaha Turkish Airlines, Ethiopian Airlines, Uganda Airlines, Fly Dubai, iyo duullimaadyo u kiraysan QM, arrintan oo fursado badan u sameysay duulliyayaal badan oo dhallinyaro ah.

UNSOS waxa safka hore kaga jirtaa dadaallada ballaaran ee karaan dhisidda, iyadoo ka qaybqaadaneysa dhisidda mustaqbal yididiilo leh, isla markaasna taageerayso ardayda duulista barta si ay u fahmyaan dhabbaha xirfad ee ay qaadi lahaayeen, iyadoo siiso tababarro i-tus i-taabsii ah oo waayo-aragnimadooda shaqo lagu xoojinayo.

“Haddii aan barnaamijkan sii wadi karno saddexda sanadood ee soo socoto, waxaan aad ugu rajo weynahay inaan baddali karno aragtida laga haysto duulista Soomaaliya,” ayuu yiri Manzano.

Article type