UNSOS waxay ku tababartaa shaqaalaha muhiimka ee caafimaadka ee ka tirsan ATMIS iyo kuwa CXDS sida ugu wanaagsan ee loo maareeyo dhaawacyada xiliyada dagaalka

15 Nov 2023

UNSOS waxay ku tababartaa shaqaalaha muhiimka ee caafimaadka ee ka tirsan ATMIS iyo kuwa CXDS sida ugu wanaagsan ee loo maareeyo dhaawacyada xiliyada dagaalka

Muqdisho – daadgureynta dhaawacyada ee xiligeeda dhacda ayaa ah mid aad muhiim u ah xiliyada ay jiraan dagaalada iyo colaadaha, Inta badana, waxay go'aamisaa in askariga ku dhaawacmay goobta dagaalka uu badbaado ama uu u dhinto dhaawaciisa ama dhaawaceeda.

Sababtaas awgeed, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wuxuu soo qabanqaabiyay tababar soconaya toddobaad oo loo qabanayo 29 shaqaale caafimaad ah oo ka kala socda Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), UNSOS iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA).

“Tababarkan waxa uu kor u qaadayaa awoodda shaqaalahayaga daryeelka caafimaadka si ay taageero caafimaad oo adag u siiyaan ciidamada ku hawlan hawlgallada, wuxuuna hagaajinayaa tayada maaraynta dhaawacyada iyo dhimista dhimashada maadama oo ay hada jirto korodh muddada hawlgallada ay socdaan taasoo keentay in tirada iyo darnaanta dhaawacyada ay ku bataan howlgalka,” ayuu yiri Lamin Fatty Sargaalka Madaxa Shaqaalaha, UNSOS.

Mr. Fatty ayaa intaa ku daray in tababarkan uu yahay mid lagu taageerayo hannaanka kala guurka ee Soomaaliya ee hada socda iyo in la horumariyo awoodda Ciidamada ATMIS iyo kuwa XDS  si ay taageero caafimaad oo adag u siiyaan ciidamadooda ku hawlan howlgallada milateri ee ka socda gobollada kala duwan ee dalka.

Sida uu sheegey Dr. Papa Alioune Fall, oo ah Ku-simaha Madaxa Caafimaadka ee UNSOS, tababarkan waxaa loo soo agaasimay in lagu cusboonaysiiyo laguna horumariyo xirfadaha shaqaalaha daryeelka caafimaad si loo bixiyo daryeel caafimaad oo tayo leh si loo badbaadiyo nafo badan.

"Waxaan tababarkan usoo agaasiney inaan dib ugu cusboonaysiino oo aan sare u qaadno xirfadihiina si marka aad ku noqotaan xarumihiina kala duwan ee shaqada, aad u awoodaan in sida oogu wanaagsan aad u maareysaan dhaawacyada, idinkoo sameynaya heerka ugu wanaagsan," Dr. Alioune ayaa u sheegay tababar-qaatayaasha.

Cilmi-baadhis caafimaad ayaa muujinaysa dhaawaca la xidhiidha dhimirka uu yahay mid ka mid ah sababaha ugu horreeya ee dhimashada iyo naafanimada adduunka oo dhan; natiijadiina waa, bukaannadu waxay u dhintaan sababo dhaawac dhimirka-ku-salaysan oo laga hortegi karo sannad kasta, markaa waxaa baahi weyn loo qabaa in la dhimo dhimashada dhaawacyada la badbaadin karo.

Tababarkan waxaa qabtey Macalimiin ka tirsan machadyada Tababbarka Laanqeyrta Cas ee Kenya oo ay aqoonsadeen Ururka Wadnaha ee Mareykanka, Cutubyada tababarka la siinayey xirfadlayaasha caafimaadka waxaa kamid ahaa Taageerada Dhaawaca Isbitaalka Kahor (PHTLS), Taageerada Nolosha Aasaasiga ah (BLS), iyo Taageerada Wadnaha ee Sare (ACLS).

"Waxaan halkan u joognaa inaan dhisno awoodda shaqaalaha daryeelka caafimaad si aan u hubinno in tayada adeegyada ay u fidiyaan bukaannada iyo macaamiishooda ay yihiin kuwo tayo leh, waxtar leh oo loo bixiyo si hufan," ayuu yiri Geoffrey Mwai, oo ah tababaraha Machadka Laanqeyrta Cas ee Kenya. . "Ujeedada ugu weyn waa in aan barano xirfad oo aan badbaadino nolosha macaamiisheena."

tababarku wuxuu shaqaalaha caafimaadka siinayaa dhinacyada kala duwan ee wax ka qabashada dhaawacyada degdega ah ee Hawlgalka nabad ilaalinta oo ay ku jiraan qiimaynta dhaawacyada, iyo daaweynta bukaannada iyo kuwa kale si loo hubiyo in bukaannada dhaawacmay mar walba loo daad gureeyo isbitaallada si ammaan ah.

Ka qaybgalayaasha waxay qateen daryeelka dhaawacyada ka hor intaan lageyn isbitaalka iyo xaaladaha degdegga ah ee wadnaha iyo sambabada kuwaas oo muhiim u ah daad-gureynta caafimaad.

Tababare kale, Sammy Kamanu, ayaa xusay in koorsada PHTLS ay ka faa'iidi doonaan dhammaan takhaatiirta tababarkan qaadanaya siiba dhanka maareynta bukaanka ka hor inta aan loola cararin isbitaalka si loo helo daryeel caafimaad oo habboon.

"Waxaan halkaan u joognaa inaan ku qalabeyno ka qaybgalayaasha dhammaan xirfadaha iyo aqoonta hagaajin doona natiijooyinka daryeelka bukaanka, gaar ahaan inta lagu jiro jawaabaha degdegga ah," Mr. Kamanu ayaa ku daray.

Tababarka ayaa waxaa ka faa'ideystay kooxo kala duwan oo xirfadlayaal caafimaad ah oo laga soo aruuriyay howlgalka nabad ilaalinta, oo ay ka mid yihiin kalkaaliyayaal, saraakiil caafimaad, iyo farsamayaqaanno sheybaar.

Mid ka mid ah ka soo qeyb galayaasha, Dr. Faadumo Ciise, oo sanadkii 2014 ka qalin jabisay Jaamacadda Axfad ee dalka Suudaan, ayaa ku tilmaantay tababarkan mid faa’iido iyo aragti dheer.

"Tababarkan waxa uu i siiyay xirfado aan ku aqoonsado xaaladaha degdegga ah ee caafimaad goor hore iyo inaan si habboon u maareeyo bukaannada, gaar ahaan gargaarka ay u baahan yihiin," ayuu yiri Dr. Ciise, oo ka shaqeeya xarunta caafimaadka ee UNSOS ee Garoowe, waqooyi-bari Soomaaliya.

"Waxaan qorsheynayaa in aan la wadaago aqoonta iyo xirfadda aan ka helay tababarka asxaabteyda caafimaadka si aan u badbaadiyo nolosha dadka," sidaas waxaa yiri Bukhaari Cabdullaahi, oo ka tirsan ka qaybgalayaasha ahna kalkaaliye ciidan oo ka tirsan cisbitaalka CXDS ee Muqdisho.

Article type