Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xusay maalinta caafimaadka dhimirka ee adduunka

10 Oct 2023

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xusay maalinta caafimaadka dhimirka ee adduunka

Muqdisho – Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado ah qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta caafimaadka dhimirka ee adduunka si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan caafimaadka dhimirka oo ah arrin muhiim u ah shakhsiyaadka iyo bulshooyinka si ay u gaaraan awooddooda buuxda.

Madaxa shaqaalaha Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Bhavna Adatia, ayaa sheegtay in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya Soomaaliya ay la kulmaan khataro, kuwaas oo saameeya caafimaadkooda maskaxeed, jireed iyo horumarkooda nafsiyadeed.

"Waxaa naheysta caqabado badan gaar ahaan marka aan maqalno 'weysoogalayaan weysoogalayaan, weysoogalayaan." Jawaabta walbahaarka, maskaxdeenna xayawaanka ayaa soo laadlaadsanta. Jidhkayaga iyo maskaxdeenna weli way daalayaan oo dillaacayaan," ayay tidhi Bhavna.

Sida laga soo xigtay Agaasimaha Taageerada Hawlgalka UNSOS, Qurat-Ul-Ain Sadozai, maalintan ayaa loo qoondeeyay in la aqoonsado caqabadaha joogtada ah ee shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay la kulmaan marka ay ku shaqeynayaan jawi walaac leh, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la taageero si loo xaqiijiyo ammaankooda iyo horumarkooda.

"Koox ahaan si wadajir ah, maxaan u samayn karnaa si aan isu caawino oo aan u hubinno inaan fiiro gaar ah u yeelano fayo-qabka maskaxeed ee nafteena, asxaabtayada iyo iyo xubnaha kala duwan ee shaqaalaha?" ayay tidhi.

Waxaa la xusaa 10-ka Oktoobar sanad walba, Maalinta Caafimaadka Dhimirka Adduunka waxa ay ujeedadeedu tahay in kor loo qaado wacyiga arrimaha caafimaadka dhimirka ee caalamka oo dhan iyo in la abaabulo taageero si wax looga qabto xaaladdaas. Iyadoo ay qayb ka tahay hawlaha lagu xusayo maalintan iyo wacyi-gelinta, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay samaysay baaritaanno caafimaad iyo kulammo la-talin ah oo ku saabsan arrimaha khuseeya badqabka shaqaalaha.

Tirakoobyada la heli karo ayaa tilmaamaya, colaadaha daba dheeraaday iyo colaadaha sokeeye ee Soomaaliya oo sanado badan awgeed, in saddexdii qofba mid uu la kulmo caqabado caafimaad oo dhanka maskaxda ah. Laakiin shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya Soomaaliya si ay u taageeraan geeddi-socodka nabad-dhisidda dalka, arrimaha caafimaadka dhimirka ayaa kordhiya walbahaarka. Tani waxaa sabab u ah, in shaqaaluhu ay ku shaqeeyaan jawi colaadeed oo adag, kana fog qoysasoodii iyo asxaabtoodii.

Hadalkeeda, Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ayaa qirtay in ka shaqaynta Soomaaliya ay dhibaato ku tahay caafimaadka dhimirka ee shaqaalaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

"Inta u dhaxaysa sannadihii 2011 iyo 2016 qaybta labaad ee ugu sarreysa ee codsiyada fasaxa waxay ahaayeen fasaxyo la xiriira caafimaadka maskaxda," ayay tidhi.

Waxay ku dartay, "Waxay ku qaadataa kharash mid kasta oo naga mid ah si uu u adeego. Way jirtaa oo waxay ka soo baxaysaa xogaha lahayo. Dhammaanteen waxaa na saameeyey ama aan naqaan qof ay saameeyeen arrimaha caafimaadka dhimirka. Waxba yaynaan u qaadan. Aan noqonno qofkaas halka ay UN-tu tiraahdo, ‘waxay ku saabsan tahay dadka aan niraahno waanu daryeeleynaa.’ Aan ku bilowno in aan muujino dareenkaas iyo daryeelka midba midka kale,” ayay raacisay.

Isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay, George Conway, ayaa sheegay in wax ka qabashada arrimaha caafimaadka dhimirka ay gacan ka geysan karto in howlgalka Qaramada Midoobay uu gaaro ajendaha nabad-dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya, halkaas oo dadku ay la kulmaan walaac aan caadi ahayn oo ay sabab u tahay sannado badan oo colaado ah.

Waxa uu sidoo kale xusay in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee maxaliga ah ay la kulmaan khataro iyo dhibaatooyin la xiriira ka shaqeynta Soomaaliya taas oo ka badan mida ay la kulmaan shaqaalaha caalamaiga ah.

“Waa shaqadeena ka qaramada midoobey ahaan, haddii ay tahay tiirka siyaasadda, hadday tahay tiirka horumarka, hadday tahay tiirka xuquuqul insaanka, iyo haddii ay tahay tiirka bini’aadantinimo, inaan u joogno halkan inaan taageerno muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay uga gudbaan dhibaatadan taagan iyo si loo caawiyo dadka inay bogsadaan oo ay heshiiyaan si loo helo wadooyin nabadeed,” ayuu yiri Conway.

Article type