Xooghayaha Guud Fariin ku saabsan Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka

8 Mar 2018

Xooghayaha Guud Fariin ku saabsan Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka

New York - Waxaynu ku jirnaa waqti aad ugu muhiimsan xuquuqda haweenka. Sinnaan la’aanta soo jireenka ah ee xagga qaaba bulshada ee horseeday dulmi iyo takoor ayaa si aan waligeed hore u dhicin loo soo bandhigayaa oo loo kashifayaa. Laga soo billaabo Latin Ameerika ilaa Yurub ilaa Aasiya, haweenku waxay ku baaqayaan isbedel waara iyo inaan loo dulqaadan faraxumaynta galmada, tacadiyada iyo dhammaan noocyada takoorka, iyagoo hadalkooda soo marinaya baraha bulshada iyo aflaamta, iyagoo jooga goobaha warshadaha iyo jidadkaba.

In la gaadho sinaanta jinsiga iyo in la awood siiyo haweenka iyo gabdhaha waa shaqada aan weli dhammaystirmin ee casrigeenan, waana caqabadda xuquuqda aadanaha ee ugu culus ee ka jirta dunideena.

Dhaqdhaqaaqyada iyo ololaha ay wadaan jiilal haween ah ayaa mira dhaliyay oo lagu guuleystay. Waxaa dugsiyada ku jira gabdho ka badan intii hore; haween badan ayaa haya shaqo mushaar leh, waxayna jagooyin sarsare ka hayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxbarashada sare, siyaasadda iyo ururrada caalamiga ah, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay. Sinaanta jinsiga ayaa lagu qoray qodobada shuruuc aan la soo koobi karin, falalka dhibaatada badan, sida gudniinka gabdhaha iyo guurka carruurta ayaa shari-daro laga dhigay wadamo badan.

Laakiin weli waxaa jira caqabado aad u daran, haddii aynu wax ka qabanayno isku dheellitirnaan la’aanta awoodda ee soo jireenka ah ee asalka u ah takoorka iyo si xun ugu takrifalka.

In ka badan hal bilyan haweenka ku nool adduunka daafihiisa ma haystaan daryeel sharci ee lagaga ilaaliyo tacadiyada galmada ee qoyska. Farqiga u dhexeeya mushaarka jinsiga adduunka waa 23 boqolkiiba, meelaha baadiyaha ahna wuxuu gaaraa 40 boqolkiiba, waxaana aan la ogayn shaqayooyinka mushaar la’aanta ah ee ay haweenku qabtaan. Wakiillada haweenka ee barlamaanada qaran ayaa celcelis ahaan u dhiganta in ka yar rubuc, maareynta shirkadahana waabay ka sii yaryihiin. Haddii aan la qaadin tallaabo adag, gabdho malaayiin ah oo intaa ka badan ayaa gudniinka fircooniga lagu sameyn doonaa tobanka sanno ee soo socota.

Meelaha ay sharciyadu ka jiraan, inta badan waa la iska indho tiara, haweenka raadsada magdhaw sharcina waa laga shakiyaa, la aflaagaadeeyaa, waana loo diidaa. Hadda waxaynu ognahay in kadeedidda iyo dhibaatooyinka iyo xadgudubka galmadu ay ku soo badanayeen goobaha shaqada, goobaha dadweynaha iyo guryaha gaarka ah, ee wadamada ku faana inay heer ka gaadheen sinaanta jinsiga.

Qaramada Midoobay waa inay tusaale u noqotaa adduunka.

Waxaan aqoonsanahay in arrintu mar kasta sidaa ahayn. Tan iyo markii aan billaabay mudo-xileedkayga shaqo sannadkii hore, waxaan isbedal ka billaabay xarumaha QM, hawlgalladeena nabad ilaalinta iyo dhammaan xafiisyadeena adduunka oo dhan.

Hadda waxaanu ku guulaysanay inaan gaarno sinaanta jinsiga ee kooxda xafiiskayga maamulka sare markii ugu horeysay, waxaana iga go’an inaan tan gaadhsiiyo hay’adda guud ahaanteeda. Waxaa gabi ahaan iga go’an inaanan loo dulqaadan doonin tacadiyada galmada, waxaana dajiyay qorsheyaal kor loogu qaadayo soo sheegidda iyo la xisaabtanka. Waxaynu si dhow ula shaqaynaynaa wadamada daafaha adduunka si looga hortago waxna looga qabto xadgudubyada iyo tacaddiyada galmada ee ay geystaan shaqaalaha hawlgallada nabad ilaalinta, loona taageero dhibanayaasha.

Annaga, Qaramada Midoobay, waxaanu haweenka adduunka ku garab taaganahay dagaalka ay ku jiraan sidii ay uga gudbi lahaayeen cadaalad darrada ay la kulmaan – hadday yihiin haweenka reer miyiga ee wajahaya takoorka mushaaraadka, haweenka magaalada ee isbedel isu abuubulaya, haweenka qaxootiga ah ee khatarta uga jira ku takrifalka iyo xadgudubka, ama haweenka ay haystaan noocyo isbiirsaday ee takoorka: garoobada, haweenka reer guriga ah ee dhulka loogu yimid, haweenka naafada ah iyo haweenka aan u hogaansamin caadooyinka jinsiga.

Awoodsiinta haweenku waa gundhiga Ajandaha Horumarka Waara ee 2030ka. Horusocod laga sameeyo Ujeeddooyinka Horumarka Waara wuxuu ka dhiganyahay horumar ay gaaraan dhammaan haweenka, meel kasta. Tallaabada Bartilmaameedka (Spotlight) ee si wadajir ah loola billaabay Midowga Yurub waxaa diiradda lagu saari doonaa dhaqaalaha lagu ciribtirayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, taasoo shuruud lagama maarmaan u ah sinaanta iyo awoodsiinta.

Waxaan rabaa inaan caddeeyo: tani ma aha asxaan haweenka loogu eexanayo. Sinaanta jinsigu waa arin xuquuqul insaan ah, laakiin waxaa sidoo kale ku jirta danteena oo dhan: rag iyo wiilal, haween iyo gabdho, Sinaan la’aanta jinsiga iyo takoorka ka dhanka ah haweenka wuu ina waxyeelaynayaa dhammaanteena.

Waxaa jira caddeymo ku filan oo ah in maalgalinta haweenku ay tahay jidka ugu haboon ee lagu hormarin karo bulshada, shirkadaha iyo xitaa wadamada. Ka qaybgalka haweenku wuxuu xoojiyaa heshiisyada nabada, wuxuu bulshada ka dhigaa mid adkeysi badan leh, wuxuuna xoojiyaa dhaqaalaha. Meelaha ay haweenku la kulmaan takoor, waxaan badanaa ku aragnaa falal iyo waxyaabo la rumeysan yahay oo dhibaataynaya dadkoo dhan. Fasaxa Aabaha ee marka ilmuhu u dhasho, sharciyada ka dhanka ah tacadiyada qoyska iyo sharciga mushaarka isla eg ayaa faa’iido u ah qof walba.

Iyadoo lagu jiro marxaladdan xasaasiga u ah xuquuqda haweenka, waa waqtigii ay raggu isbarbartaagi lahaayeen haweenka, dhagaysan lahaayeeen waxna ka baran lahaayeen. Daahfurnaanta iyo isla xisaabtanku waa lagama maarmaan haddii ay in haweenku ay gaadhaan awoodahooda oo buuxa si ay kor inoogu qaadaan dhaammanteena, bulshooyinkeena, dadkeena iyo dhaqaalaheenaba.

Waxaan ku faraxsanahay oo aan ku faanayaa inaan qayb ka ahay dhaqdhaqaaqan, waxaana rajaynayaa inuu sii socdo si uu ugu sii fido oo uu wada gaaro Qaramada Midoobay dhexdeeda iyo dhammaan daafaha adduunka.

Article type