Siminaarka Wax soo Iibsiga ee QM

13 May 2018

Siminaarka Wax soo Iibsiga ee QM

Muqdisho –Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) ayaa toddobaadkan siminaar hal maalin ah Muqdisho ugu qabtay ganacsatada Soomaaliyeed, ee looga gol lahaa in lagu baro sidii ganacsi loola sameeyo hay’adaha UN-ta ku sugan Soomaaliya. Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka soo qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Hay’adda Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Carruurta (UNICEF), Hay’adda Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA), Hay’adda Barnaamijka Degsimaadka Dadka ee Qaramada Midoobay (UNHABITAT) iyo Waaxda Qaramada Midoobay ee Badbaadada iyo Amniga (UNDSS).

Qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in kulanka looga gol lahaa in lagu xoojiyo xiriirka ka dhexeeya ganacsatada deegaanka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si ay gacan uga geystaan kobcinta dhaqaalaha dalkan ku yaal Bariga Afrika.

Mudane Safiou Esso Ouro-Doni, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Howlaha Dalka ee UNDP Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay ka qayb galayaasha waxaa uuna uga mahadceliyay ka qayb galkooda iyo sida ay u danaynayaan in ay la shaqeeyaan Qaramada Midoobay. “Qaramada Midoobay waxaa ka go’an horumarinta awoodda ganacsiga Soomaalida si ay ula shaqeeyaan Qaramada Midoobay ayna gacan ka geystaan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri.

Mudane Franco Sanchez, oo ah Madaxa Iskuduwaha Howlaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay/Iskuduwaha Dadka Deegaanka ee Soomaaliya ayaa yiri: “Siminaarkan waxaa loo soo abaabulay in la idinku wargeliyo qaar ka mid ah shuruucda iyo xeerarka Qaramada Midoobay, si ay ula shaqayso hay’adaha, shirkadaha iyo NGO-yada (ururrada aan dowliga ahayn) oo aad idinku matashaan,” ayuu yiri.

Mudane Sanchez ayaa xusay in Qaramada Midoobay, oo si weyn uga muuqato Soomaaliya iyada oo ka kooban in ka badan 20 hay’adood, ay doonayso in ay ganacsi la samayso shirkadaha maxalliga ah qaab hufan.

“Waxaan rabnaa in aan sii ahaanno saaxiibbada Soomaaliya, saaxiibbada Soomaalida, iyo dabcan in aanu bah-wadaag la noqonno shirkadaha Soomaalida si ay noogu suurtagasho in aanu wada-shaqeynno,” ayuu yiri.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Cali, oo sidoo  kale ka qayb galay siminaarka, ayaa ku booriyay bahda ganacsatada Soomaaliyeed in ay dadaal badan sameeyaan ayna dhisaan awoodda shirkadahooda si ay ugu tartamaan qandaraasyada. “Dowladdu waxaa ay diyaar u tahay in ay idiin caawiso laakiin waxaa la idiinkaga baahan yahay in aad u hoggaansanaataan hab-raaca wax soo iibsiga. Tani ayaa waxaa ay meesha ka saareysaa in la is eedeeyo. Waxaad u baahan tihiin in aad dhistaan kartidiina aad ugu tartamaysaan in aad heshaan qandaraasyada,” ayuu yiri Mudane Cali.

Ka qayb galayaashu waxaa la baray mowduucyo dhowr ah oo kala ah hab-raaca wax soo iibsiga, sida loo diyaariyo loona gudbiyo codsiga, qiimeynta iyo maaraynta qandaraaska iyo lacag bixinta.

Ka qayb galayaasha intooda badan waxaa ay ku rajo weynaayeen in siminaarka uu awood u siin doono in ay fahmaan nidaamka wax soo iibsiga ee Qaramada Midoobay uuna ka caawin doono in ay u tartamaan fursadaha.

“Kani waa kulan annaga muhiim noo ah waxaa uuna isku keenay dadka ganacsatada ah. Tani waxaa ay na siinaysaa kalsooni. Fahmidda nidaamka wax soo iibsiga ee Qaramada Midoobay waxaa uu na siin doonaa fursadda aanu si toos ah ugula macaamilayno Qaramada Midoobay,” ayay tiri Marwo Istarliin Cali Maxamed, oo ka mid ah ka qaybgalayaasha xaadiray siminaarka.

Hadalkeeda waxaa ku raacay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, oo ah Madaxa Fulinta ee Shirkadda Saadka ee Kafi Logistics Company, kaas oo ku tilmaamay siminaarka mid muhiim u ah bahda ganacsatada Soomaaliyeed.

“Waxaan u nimid kulankan sababta oo ah waa muhiim. Waan ka qayb galay waayo waxaan rabay in aan faham fiican ka helo nidaamka wax soo iibsiga ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Mudane Maxamuud.

Wakiillada Shirkadaha Maxalliga ah ee ku lug leh dhismaha, teknoolojiyada macluumaadka iyo isgaarsiinta, daabacaadda, dab-demiska, bixinta iyo dayactirka qalabka amniga, iyo cillad bixinta gawaarida gaashaaman iyo kuwa kale ayaa ka qayb galay siminaarka.

Qaramada Midoobay waxaa ay dooneysaa in ay shirkadaha bixiyaa akaabta iyo adeegyada ay siminaarro uga qabato qaybo kala duwan ee Soomaaliya. 

 

Article type