UNSOS MAclumaadka baahinta

UNSOS logo
15 Nov 2015

UNSOS MAclumaadka baahinta

TARIIKH

1.Xafiiska Tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa la aas’aasay 9 Noofeember 2015, iyada oo loo maraayo Qaraarka 2245 ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. UNSOS waxaa ay qaadatay booskii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada AMISOM (UNSOA) oo la aas’aasay 2009 si tageerro dhinaca saadka u fidiyo AMISOM. UNSOS waxaa ay taageerro muhiim ah u fidin doontaa howlgallada muhiimka ah – AMISOM iyo UNSOM – iyo sidoo kale Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

FAA’IIDOOYINKA

2. Isbeddelka lagu sameeyay UNSOA oo loo beddelay UNSOS waxaa uu keenaya:

  • Hoggaan xooggan;
  • Wadashaqeyn fiican oo lala yeesho wadammada xubnaha ka ah QM, AU iyo bah-wadaagta muhiimka ah;
  • Habka la socodka isticmaalka hantida oo wanaagsan, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta rayidka;
  • Isku toosinta hannaanka maamulka si wax looga qabto duleelada saadka ee caqabad ku ah abaabulka hufan iyo dhaqdhaqaaqa ciidanka;
  • Horumarinta siyaasadda deegaanka ee dhiirigelinaysa isticmaalka tamarta nadiifka ah;
  • Sare u qaadista taageerrada howlgallada culus ee militariga iyo howlaha siyaasadda ee qaybaha kala duwan ee Soomaaliya (UNSOS waxaa ay haatan taageertaa 37,000 oo ciidan ah iyada oo leh shaqaale dhinaca taageerrada oo ka hooseeya 500);
  • Tageeridda hay’adaha QM iyo kuwa aan ka tirsaneyn QM iyadoo loo maraayo adeegsiga  fikradda loo yaqaanno “raad fudud” iyo habka shaqaalaha oo meel kale laga keeno. ​​

QAABKA U ISBEDDELKA UGU FAA’IIDEYN DOONO SOOMAALIYA

3.UNSOS waxaa ay AMISOM, UNSOM, iyo Ciidanka Xoogga Soomaaliya in ay noqdaan kuwa hufan, si ay u wiiqaan awoodda Al-Shabaab, waxaa ayna gacan ka geysan doontaa in ay abuurto jawiga loo baahan yahay ee lagu sameeyo dib u heshiisiin siyaasadeed, dhisidda maamullada, iyo ballaarinta awoodda dowladda si ay u gaarto dalka oo idil.

AMISOM waxaa ay noqon doontaa mid hufan oo dhaqdhaqaaq sameysa, sidaas awgeedna waxaa ay furi doontaa waddooyinka muhiimka ah kuwaas oo sare u qaadi doono in gargaarka bani’aadinio la gaarsiiyo dadka nugul. UNSOM oo taageero wanaagsan leh, waxaa ay suurtagelineysaa in wada-shaqeyn dhow oo wanaagsan lala yeesho dowladda Soomaaliya si loo gaaro Hiigsiga 2016-ka.

--------------------------------------

Wixi fahfaahin dheeraad ah la xiriir:

Anne Mugisha Bwomezi; Madaxa Qaybta Maareynta Tageerada Maclumaadka, UNSOS, bwomezi@un.org

Article type