QARAMMADA MIDOOBAY OO DAAHA KA ROGTAY XAFIIS TAAGEERO AH GUDAHA SOOMAALIYA- UNSOS

9 Nov 2015

QARAMMADA MIDOOBAY OO DAAHA KA ROGTAY XAFIIS TAAGEERO AH GUDAHA SOOMAALIYA- UNSOS

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho - Maanta, Gollaha Ammaanka ayaa waxaa ay meel mariyen qaraarka 2245 (2015) ee dhidibada loogu tagaayay Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS.

UNSOS ayaa beddeleysaa Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ay siiso Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, UNSOA oo la aas aasay sannadii 2009-kii ayaa waxaa ay bixineeysay saad muhiim ah iyo taageero dhanka nolosha ah oo la siinaayay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed (SNA), Hawlgalka Caawinta Qarammada Midoobay ee Soomaaliya iyo Kooxda La Socodka xaaladdaha waddamada Eritrea iyo Soomaaliya.

Agaasimaha UNSOS Mudane Amadu Kamara ayaa sheegay in waajibaadka cusub ee UNSOS ay muujineeyso dadaalada socda ee Qarammada Midoobay ee ku aaddan Soomaaliya iyadoona taageero xooggan siiso AMISOM, UNSOM iyo Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed xilliyada hawlgalada wadajirka ah ay la qaadayan AMISOM.

“UNSOS la xoojiyay islamarkaasina dadaal leh ayaa waxaa ay AMISOM iyo UNSOM ka caawin doonta in ay noqdan kuwo aad u wanaagsan, oo ugu dambeyn keeni doonto in si aad ah loo sii ciribtiro awoodda ay Al Shabaab leedahay, sameeynta booskii loo baahnaa si loo gaaro dib u heshisiin siyaasadeed, sameeynta dal iyo ballaarinta maamulka dowladda iyadoona la gaarsinaayo guud ahaan waddanka Soomaaliya,” sidaas ayuu yiri.

UNSOS ayaa hadda taageerta 21,126 shaqaalo askar ah ee ah waajibaadka taageerada hawlgalka nabad ilaalinta ee ugu waynaa ee Qarammada Midoobay- AMISOM. UNSOS ayaa sidoo kale taageeri doontaa askar dheeraad ah oo tiradoodu ay tahay 10,900 oo katirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee ka qayb qaata hawlgalada wadajirka ah ee ay qaadan AMISOM.

Qaraarkii lagu soo aas aasay UNSOS ayaa Gollaha Ammaanka waxey sidoo kale ka codsaneysaa Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay in u ku wargeliyo suurtagalnimada qaban qaabo lagu bixinaayo iyadoo loo maraayo hay’ad kale oo aan ahayn UNSOS taageerada xirmooyin aan halis ahayn ee la siinaayo Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed iyo in xirmooyinka taageerada ah ee aan halista ahayn la siiyo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed si ay ugu gudbiyan xooggaga Puntland ee lagu dari doono Ciidanka Qaran.