JOHN ODULLAH OO KA SOCDA UNSOS OO KU GUULAYSTAY TARTANKA LA MAGAC BAXAY ‘MAGAC U YEEL HOWLGALKA CUSUB’

17 Dec 2015

JOHN ODULLAH OO KA SOCDA UNSOS OO KU GUULAYSTAY TARTANKA LA MAGAC BAXAY ‘MAGAC U YEEL HOWLGALKA CUSUB’

Nairobi - Sarkaalka Xiriirinta Siyaasadda ee Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, John Odullah, ayaa la shaaciyay in uu ku guulaystay tartanka la magac baxay ‘Magac U Yeel Howlgalka Cusub.’

Tartanka oo uu furay Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Taageerada Goobta Howlgallada, Mudane Atul Khare, ayaa waxaa looga baahnaa ka qayb galayaasha in ay la yimaadaan magac kaas oo lagu beddelo UNSOA oo sidoo kale muujinaya waajibaadka la ballaariyay ee dhinaca taageerada goobaha howlgallada.

143-da jawaab oo la helay, ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxaa uu la baxay magaca UNSOS kaas oo noqday magaca ugu habboon in uu beddelo magaca UNSOA.

Agaasimaha UNSOS, Mudane Amadu Kamara, ayaa ka shaaciyay jawaabta guulaysatay shir loo qabtay shaqaalaha kaas oo lagu qabtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku yaala Nairobi maalintii khamiistii oo ku beegnayd 17-ka diseembar 2015.

“Waxaan kuugu hambalyaynayaa magacaabidda magaca ‘Xafiiska Gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,’ kaas oo noqday magaca howlgalka cusub,’ ayuu ku yiri Mudane Khare Odullah warqad hambalyo ah oo uu akhriyay Mudane Kamara.

Mudane Odullah ayaa waxaa uu ku guulaystay kumbiyuutar nooca ipad Air, taas oo ahayd hadiyad shakhsiyeed oo uu bixiyay Mudane Khare.

“Tani waxaa ay ii tahay fursad qaali ah waxaana igu waajib ah in aan sheego in ay tahay sharaf. Aad ayaan ugu farxay in aan ku guulaysto hadiyaddan ka timid Kaaliyaha Xoghayaha Guud. Waxaan soo xulay magaca hadda uu adeegsanayo howlgalkeena, oo ah Xafiiska Garkaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana ku sababaynayay in aan ka guuraynay howlgalkii hore, kaas oo ahaa UNSOA, sababta aasaaska u ah in aan ka guurno magacaasina waxaa ay ahayd in uusan muujinaynin shaqada aan ka haynay Soomaaliya. Waxaa uu muujinayay kaliya mid ka mid ah macaamiisheena, taas oo ah AMISOM,” ayuu yiri Odullah oo faraxsan wax yar ka dib markii la guddoonsiiyay abaalmarintiisa.

Xafiiska Gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo UNSOS, waxaa la dhisay 9-kii bishii Noofeembar 2015-ka, iyadoo loo  marayo Qaraarka 2245-aad ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay UNSOS ayaa ka dhaxashay howlgalka Xafiiska Gargaarka Qaramada Midoobay ee AMISOM ee loo soo gaabiyo UNSOA, kaas oo la aasaasay 2009-kii si uu taageero saad u siiyo goobaha howlgallada AMISOM, kana caawisay in ay AMISOM noqoto howlgalka ugu weyn ee lagu taageerayo nabadda oo ay fuliso Midowga Afrika. ​

Article type