GANACSATADA SOOMAALIYEED OO HELAY TABABAR KU AADDAN SIDA GANACSI LOOLA SAMEEYN KARO QARAMADA MIDOOBAY

21 May 2016

GANACSATADA SOOMAALIYEED OO HELAY TABABAR KU AADDAN SIDA GANACSI LOOLA SAMEEYN KARO QARAMADA MIDOOBAY

Muqdisho - Qaramada Midoobay ayaa siminaar ka dhacay magaalada Muqdisho daaha kaga rogtay barnaamij tababar ah oo ku saabsan fursadaha ganacsi ee ganacsatada Soomaaliyeed.

Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) oo iskaashi la sameynaaya Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa maalinimaddii sabtida ugu yaraan 30 qof oo ganacsiyo leh siiyay warbixin kooban oo ku saabsan fursadaha ganacsi ee ka dhex jira gudaha Qaramada Midoobay.

Siminaarka oo qaatay maalin kala barkeed ee lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa milkiilayaasha ganacsiyada lagu siiyay tallooyin ku aaddan qaabka ay ganacsi ula sameeyn karaan Qaramada Midoobay.

“Waxaan Qaramada Midoobay uga mahad celinayaa siminaarkan ay aadka ugu baahnaayen dadkeena ganacsatada ah. Dadkeena ganacsatada ah ayaa aad uga niyad jabay aqoon la’aanta sida ay isaga diiwangelin karaan hay’addaha Qaramada Midoobay. Waxaa sidoo kale jiray khurafaad ku saabsanaa in Qaramada Midoobay aysan dooneynin in dadka ganacsatada ah ay ka qayb qaatan. Maanta, waxaan umaleynayaa in ay xaliyeen arrintaas. Marka halkaas laga billaabo, Qaramada Midoobay iyo Rugteena Ganacsiga wey wada shaqeeyn karaan,” sidaas ayuu yiri milkiile ganacsi Mudane Hashim Ducaale.

Agaasimaha UNSOS Amadu Kamara ayaa mar kale u xaqiijiyay qaybaha sida gaarka ah loo leeyahay gudaha Soomaaliya in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay ganacsi la sameeyso shirkaddaha dalka.

“Qayb kamid ah ujeedadeena ayaa sidoo kale ah in aan shirkado badan oo Soomaali ah inta aan awoodno in aan ka qayb gelino barnaamijkan maxaa yeelay waxey abuureysaa shaqo taas oo qayb ka ah dhisida kartida taas oo ah arrin muhiim u ah soo kabashada waddanka. Mid kamid waxyaabaha sida aadka ah bulshada Soomaaliyeed ay ugu firfircoon yihiin ayaa ah warshada ganacsiga. Si wayn ayay qaybaha sida gaar ah loo leeyahay guulo u gaaren iyagoona u shaqeynaayay qaab khadad qabiil ah, goobaha juqraafiga ah,” sidaas ayuu xusay Mudane Kamar oo bixinaayay wareysi barbar socday siminaarka.

Wasiirka federaalka ee ganacsiga iyo warshadeynta , Injineer Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa matalaayay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa yiri, “Waxaan jeclan lahaa in aan Qaramada Midoobay ku dhiirageliyo in ay sii wado taageerida shirkaddaha dalka waxaanna ugu baaqayaa shirkaddaha dalka gudihiisa ka hawlgala in ay qadariyan hanaanada iyo nidaamyada degsan iyo in ay iska diiwangeliyan Wasaaradda Ganacsiga. Inaga dhankeena (Dowladda), waan fududeyneynaa.”

Guddoomiyaha Rugta Qaranka Soomaaliyeed ee Ganacsiga Maxamuud Cabdi Cali ayaa ayiday haddalada Wasiirka. “Haddii inagoo ah Soomaali aan ku guuleysanno helida qandaraasyada Qaramada Midoobay, waxaan shaqaaleysiin doonnaa dad hadda uun jaamacaddaha ka soo baxay, oo Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha u ka caawinaayo in u tababaro,” sidaas ayuu yiri.

Marwo Fowzia Cabbaas, Madaxa Xarunta Taageerada Qaramada Midoobay ee magaalada Mombasa ayaa xustay in shirkaddaha Soomaalida ee diiwangashan in ganacsi qiimihiisu yahay 18 milyan oo doolarka Mareykanka ah in ay la sameeyen Qaramada Midoobay tan iyo sannadii 2014-kii. Waxaa ay sheegtay in aqoon la’aanta ku aaddan sida ganacsi loola sameeyn karo Qaramada Midoobay in ay tahay caqabada ugu wayn ee inta badan ay wajahan Soomaalida ganacsiyada leh. Marwo Cabbaas ayaa ku dhiiragelisay in shirkaddaha dalka ay iska diiwangeliyan Suuqa Xogta Dunida ee Qaramada Midoobay si ay u ogaadan fursadaha wax soo iibsiga ah ee jira.   

Article type