KENYA OO LOO XUSHAY WADDANKII UGU HORREEYEY EE CIIDAMADA DEEQAYA EE KA FAA’IIDAYA KOORSOOYIN INJINEERNIMO OO LOOGU TALOGALAY HOWLGALLADA NABAD-ILAALINTA

16 Jun 2016

KENYA OO LOO XUSHAY WADDANKII UGU HORREEYEY EE CIIDAMADA DEEQAYA EE KA FAA’IIDAYA KOORSOOYIN INJINEERNIMO OO LOOGU TALOGALAY HOWLGALLADA NABAD-ILAALINTA

NAIROBI – Waaxda Qaramada Midoobay ee Taageerada Goobaha Howlgallada (UNDFS) ayaa 60 saraakiil ciidan oo Kiinyaan ah tababar uga bilowday Xarun Tabaridda Howgalka Injineernimo oo loogu talogalay in lagu siiyo xirfaddaha iyo aqoonta ay uga baahan yihiin dhinaca howlgalka, dayactir iyo soo kabashada qalabka culus xilliyada lagu jiro howlgallada taageerada nabadda.

Kenya ayaa noqoneysa waddankii ugu horreeyey ee Soomaaliya ciidan ka jooga ee ka faa’iida wajiga labaad ee tabar ay horumuud ka tahay Qaramada Midoobay oo loogu magic daray Mashruuca Iskaashiga ee Saddexgeeslaha (Triangular Partnership Project) kaasi oo ujeedkiisu yahay in kor loo qaado awoodda injineernimo ee ciidamada nabad-ilaalinta.

“Ciidamada nabad-ilaalinta ee hadda jira waxaa ay ka howlgalaan jawi aan ku habboonayn oo ah goobaha ugu fakhrisan, collaad leh, oo na ah meelo fogfog oo aan la tegin karin. Waa meelo ay ka jirto ilaalinta nabad yar oo aanan lahayn heshiisyo nabaddaasi yar lagu taageero,” ayuu yiri Mudane Harinder Sood Maareeyaha Mashruuca Iskaashiga ee Saddexgeeslaha, xilli lagu jiray daahfurka wajiga labaad ee tababarka oo Isniintii ka dhacay Nairobi.

Mudane Sood ayaa sharraxay caqabadaha ay la kulmaan nabad-ilaalada kala jooga caalamka xilli isa soo tareyso baahida loo qabo ilaalinta shacabka.

“Xaalad noocaasi oo kale, awoodda mashruucani lagu doonayo in kor loogu qaado ayaa ah mid aan la ilduufi karin. Inkastoo nabad-ilaalinta ay weli tahay himillo siyaasadeed haddana wax weyn ma laga gaari karo nabad-ilaalinta haddii aysan howlgalleyaasha ay runtii joogin, aayan lahayn xerooyin amni leh oo na lagu noolaan karo, aayan lahayn waddooyin fiican, aayan lahayn garoomo diyaarad iyo garoomo helikobtar. Marka ay 120 kun oo nabad-ilaaliyeyaal ay ka howlgalaan goobo baaxaddoodu la eg tahay 7 milyan oo kilo mitir oo wareeg ah (Halki nabad-ilaaliye waxaa ku soo hagaageysa 56 kiilo mitir wareeg) iyo goobo ay ku cusub yihiin oo aynan la qabsanin, waxaa markaasi shardi ah in ay helaan kaabeyaasha asaasiga ah si ay u howlgalaan. Balse tani ayaa badanaa caqabad ku ah wajiga bilowga ee howlgalka nabad-ilaalinta. Waana isla waqtigan marka baahida iyo ujeeddooyinka dowladda martida loo yahay iyo dadka deegaankaba ay aad u saarreeyaan,” ayuu Mudane Sood xusay mar uu sharraxayey baaxadda weyn ee ay leeyihiin howlgallada nabad-ilaalinta.

Tababarka waxaa lagu fulinayaa taageero laga helay dowladda Jabbaan oo koorsaha ugu hore ku deeqday 18 tababareyaal. “Tababareyaashani waa khubarro reer Jabbaan oo khibrad u leh tababarka injineernimo oo na awood u leh xakamaynta qalabyada sida dhul-qodeyaasha iyo badiilaha waaweyn,” Mr. Mikio Mori, Ku-simaha xilka Safiirka Jabbaan u fadhiya Kenya ayaa sidaa ku tilmaamay tayada tababareyaasha.

Mudane Mori ayaa dib u xaqiijiyey sida Jabbaan uga go’an tahay nabad laga helo Geeska Afrika.

“Geeska Afrika waa albaabka dunida inteeda kale u ogolaanaya fursado aan la taabanin oo barwaaqo keenaya. Hase yeeshee, mandaqaddani waxaa wareeriyey caqabado weyn oo ay ka mid yihiin musiibooyinka dabiiciga ah, khatarta argagixiso iyo xasillooni la’aan ka jirta Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya iyo kuwo kale oo badan. Kenya waxaa ay si geesinimo leh dhabarka ugu dhigtay culayska ah ilaalinta nabadda mandaqadda,”

Dolwadda Jabbaan 38 milyan oo Doolar ayay ku bixisay kaabeyaasha, tabarka iyo howlgallada.

Sarreeye Gaas Robert Kibochi, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Difaaca Kenya ayaa kalsooni ka muujiyey xulashada tababareyaasha. “Way garanayaan caqabadaha ka dhasha taageero u fidinta shacabka marka la eego dhanka Waddooyinka Muhiimka ah,” ayuu sheegay isagoo raaciyey in badankooda horay loo geeyey Soomaaliya.

Waxaa uu sharraxay dowrka muhiimka ah ee tabbarka ku leeyahay howlgallada taageerada nabadda, balse waxaa uu walaac ka muujiyey awoodda injineernimo la’aanta ku filan maadaama ay kordheyso tirada howlgallada nabad-ilaalinta ee Afrika.

Koorsaha ugu horreeya ee wajiga labaad ee tababarridda waxaa uu qaadan doonaa siddeed usbuuc. 

Article type