“BLUE ANGELS” OO SOO BANDHIGAY XIRFADAHA HEERKA SARE EE QAYBTA DUULIMAADKA

13 Jun 2016

“BLUE ANGELS” OO SOO BANDHIGAY XIRFADAHA HEERKA SARE EE QAYBTA DUULIMAADKA

MUQDISHO, Soomaaliya – Toddoba xirfadleyaal oo aad cajiib u ah ayaa ka hortagayaa afkaarta khaldan ee laga qabo wax-qabadka haweenka, iyaga oo dowr hoggaamineed ka ciyaaraya qaybta duulimaadka ee Qaramada Midoobay oo ah mid aad u mashquul badan. 

Haweenka oo kala ah Hilda, Dorcas, Addisalem, Asmera, Esther, Barbar iyo Divine ayaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerrada Soomaaliya (UNSOS) u ah “Blue Angels” (Malaa’igta Buluugga ah) taas oo si weyn ugu dhiiriggeliyaa in haweenka ay ka shaqeeyaan dhammaan qaybaha kala duwan, oo ay ku jiraan adeegyada taageerrada saadka sida duulimaadyada.

UNSOS waxaa ay isku aqoonsan tahay in ay hormuud ka tahay soo afjaridda sinnaan la’aanta jinsiga ee dhinaca shaqaalaha caalamka, sidaasi darteedna Blue Angels waxaa ay tusaale wanaagsan u yihiin haweenka kale ee shaqada noocani ah qabta.

 “Waxaan ku sii soconna meel wanaagsan. Waan sii dadaaleynaa, waxaana ku kalsoonnahay in la heli doono shaqaale badan oo haween ah... kaalinta ay ciyaareen qiimo weyn ayuu ugu fadhiyaa QM,” ayuu yiri Amadu Kamaa, oo ay Agaasimaha Taageerrada Howlgalka ee UNSOS.

Hilda Baingana waa Sarkaalka UNSOS u qaabilsan U Hoggaansanaanta Farsamada iyo Xaqiijinta Tayada, waxaa ayna ka howlgashaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Shaqadeeda dhinaca duulimaadyada waxaa ay bilowday mar ay sarkaal ka ahayd Duulimaadyada Rayidka ee dalkeeda Uganda. Markii loo eego tobankii kale, waxaa ay tahay mid ka mid ah labada haweeney ee duulimaadyada rayidka ee dalkooda ka soo noqday sarkaal. 

Markii ay dhammeysay shahaaddada diploma ee dhinaca Duulimaadka, Baingana ayaa ka qayb-gashay Dugsiga Duulimaadka Rayidka ee Afrika Bari (EACAA) ee Uganda, ka hor intaysan ku biirin Qaramada Midoobay. Waxaa ay tani iyo markaasi ka howlgashay Daarfuur iyo hadda oo ay joogto Soomaaliya.

Baingana ayaa ku celcelisay in guusha ay ka gaartay goob ay raggu ka taliyaan uguna badan yihiin aysan ku helin jinsigeeda, balse ay ku gaartay khibraddeeda iyo xirfaddeeda.  Waxaa ay si weyn u gar-waaqsan tahay khatarta ay leedahay in ay ka shaqeyso Soomaaliya, oo ku caan baxday weerarro argagixiso ah oo lala beegsado rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa samafalka.

“Toddobaadkii la soo dhaafay, mid ka mid ah shaqaalaha ayaa u baxay in uu yar ordo, waxaana lala eegtay madfac. Nasiib wanaag, dhaawac weyn ma gaarin, balse waxaa ay noqotay in aan u qaadno Muqdisho si loo daweeyo,” ayay tiri.

Iyada oo sidaasi ah, Baingana waxaa ay xaqiijisay in ay jaceshahay shaqadeeda.

“Waa shaqo u wanaagsan dadka doonayo in ay ka shaqeeyaan qaybta duulimaadka balse aan dooneyn in ay diyaaradaha wadaan,” ayay tiri Baingana.

Duulista ayaa dhab ahaantii ahayd waxaa ay Asmera Sebhat oo ah Maareeyaha Howlgallada Duulimaadyada UNSOS waligeed ku hammineysay. 

“Markaan yaraa, haddii uu qof i weydiiyo waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo, waxaan oran jiray: in aan diyaarad duuliyo,” ayay tiri Sebhat.

Shaqadeeda darteed, Sebhat waxaa ay tagtay dalka Suudaan, halkaas oo ay ku lug lahayd jawaab-celinta xaaladaha degdegga ah iyo howlgallada duulimaadka ka hor intaysan ku biirin howlgalka Qaramada Midoobay ee Muqdisho, oo ay maareyso diiwaangelinta dhammaan duulimaadyada Qaramada Midoobay, kuwa soo gala iyo kuwa baxayaba. 

Muqdisho Ilaa iyo Nairobi, Blue Angels oo Shaqeynayaa

Khibradaha xirfadeed iyo kartida dhinaca farsamada ayay mid waliba oo ka mid ah Blue Angels ku hanatay ammaanta iyo ixitiraamka shaqaalaha kale ee ragga ah iyo kormeerayaasha Muqdisho iyo Nairobi-ba.

“Midabka buluugga ah waxaa uu matalayaa midibka Qaramada Midoobay iyo sidoo kale midabka calanka Soomaaliya; malaai’gta waxaa ay ka duulaan hawada sare.... marka waxaan go’aansannay in aan isku darno labadooda aanna bandhigno xirfadaha heerka sare ee qaybta duulimaadyada ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Ernest Manzano, oo ah Sarkaalka Sare ee Duulimaadyada ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerrada Soomaaliya, kaas oo ereyga allifay.

Ka soo qaad Divine Bijurenda, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee ka shaqeysa qaybta duulimaadyada QM oo isku duwda dhammaan shaqaalaha diiwaangashan ee fidiya adeegyada AMISOM si loo siiyo tababarka ka hor intaan la howlgalin. Sarkaaladan oo ah Madaxa Qorshaynta Duulimaadyada iyo Saadka ee uu fadhigeedu yahay waddanka Kenya ayaa ka miro dhallisay riyadii ay lahayd markii ay carruur ahayd taas oo ah in ay noqoto khabiir dhanka duulimaadka; Waxaa ay sidoo kale guursatay nin duuliye ah kaas oo nasiib darro markii dambe ku dhintay shil diyaaradeed.

“Geeridii seygeyga ayaa beddeshay aragtidii aan ka qabay duulimaadyada gaar ahaan qaabka aan u wajaho maareynta ammaanka iyo bad-qabka,” ayay tiri Bijurenda. “Waxaan ogahay saameynta iyo dhibka ay leedahay shil diyaaradeed sidaas daraadeedna waxaan si dhow u daneynaayay hubinta heerarka ugu sarreeya ee la xiriira badqabka hawlaha iyo kartida farsamada ee yareeynta halista iyo khatarta hawlaha duulimaadyada Qaramada Midoobay.”

Booska Bijurenda ee aadka u sarreeya ayaa waxaa u ka dhigayaa in ay mas’uul ka noqoto isku duwida saadka duulimaadyada oo ay qayb ka tahay iibsiga diyaaradaha, kaabayaasha garoomada diyaaradaha iyo horumarinta iyo xaqiijinta in shaqaalaha duulimaadyada ay yihiin kuwo haysta shahaadooyin iyo in ay leeyihiin karti farsamo ah oo ay waajibaadkooda ku gudan karaan.

Balse shaqadeeda ma ahayn mid aan lahayn caqabado. Bijurenda ayaa sheegeysaa in ay la dagaalantay takoor iyo walaac iyo sidoo kale cadaadis si ay

ah in aysan qaban karin shaqada ragga loogu tallagalay. “Shaqadeyda waa mid ku saleysan natiijo, waxaa ayna u baahan tahay maskax markaad wax ka qabaneyso baahiyaha maalmeedka ee daneeyayaasha kala duwan. Duulimaadka waa wax isbeddel badan; sababo la xiriira horumarka dhinaca tiknoloojiyadda. Marka, ragow iyo haweenkaba ee ku jira shaqadan, waa in aad isbeddeladaas la socotaan mar waliba si aad shaqada meel ka gaartaan, aadna noqotaan kuwo loo baahan yahay,” ayay tiri Bijurenda. 

Koorsooyinka Duulimaadyada iyo Amniga ee UNSOS oo Kobcinaya Kartida Shaqaalaha

Iyada oo qayb ka ah Maareynta Istaratiijiyadda Caalamiga ee Taageerrada Goobaha Howlgallada ee Qaramada Midoobay, UNSOS waxaa ay diyaarisay ayna hirgelisay shahaaddada Dab-daminta Garoomada Diyaaradaha iyo Barnaamijyada Amniga Duulimaadyada, kuwaas oo loogu tagalagalay in lagu tababaro lagun dhiso kartida shaqaalaha ragga iyo haweenkaba.

Dorcas Amollo, waa Madaxa Tababarka Ammaanka Duulimaadka oo ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa ayna inta badan ku mashquulsan tahay maareynta tababarka dab-deminta, xeeladaha gurmadka hawada iyo tallaabooyinka kale ee ku aaddan ammaanka diyaaradaha, ee shaqaalaha ka kala yimaada guud ahaan dalka si ay u qaataan tababarka iyaga oo gudanaya shaqadooda. 

Esther Mungai, oo ah Mas’uulka Xiriirinta ee Ansixinta Diblomaasiyiinta Caalamiga ah ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaarta in shaqaalaha dhaawaca gaaray la qaado si ay u helaan daaweyn degdeg ah – Howgalka Soomaaliya waxaa ay in badan u baahan tahay daad-gureyn caafimaad oo dhinaca hawada ah.

“Waxaan ku dadaalnaa in daad-gureynta caafimaad la sameeyo sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayay tiri Mungai.

Dhinaca kale, Barbara Ombasa iyo Addisalem Taye waxaa ay sidoo kale ciyaaraan dowr aad u weyn. Iyada oo ay Taye mas’uul ka tahay taageerrada howlaha hawada ee Soomaaliya, Ombasa waxaa ay xafiiska Kenya uga maareysaa dhammaan xogta ku saabsan adeegyada duulimaadyada, arrimaha sharciga, waxayna fududeysaa howlaha mashruucyada duulimaadka ee arrimaha Howlgalka ku  socda iyo kuwa ka baxaya Soomaaliya.

UNSOS waxaa ay aaminsan tahay in Blue Angels ay soo bandhigeen guusha siyaasadaha ka qayb-galinta ee Qaramada Midoobay oo diiradda lagu saaro in shaqaalaha lagu taabbageliyo dumar aad u xirfadeysan. Natiijada waxaa ay tahay in Qaramada Midoobay ay haweenka ka qayb-galineyso howlaha gaarka ah sida kuwan, in kasta oo saacado badan la shaqeynayo, iyo sidoo kale caqabadaha lagu yaqaanno waddamada sida Soomaaliya.

“Maanta waxaa aan aragnay malaa’ig, sanadka dambe waxaa ay noqonayaan 14, waxaana rajeynaynaa in ay gaaraan 21 sanadka xiga ayna sidaasi ku sii socoto,” ayuu yir Manzano. 

Article type