QARAMADA MIBOOBAY OO BILOWDAY HANNAAN HEERSARE AH OO LAGU HORUMARINAYO NIDAAMKA AMNIGA DUULIMAADYADA

5 Jul 2016

QARAMADA MIBOOBAY OO BILOWDAY HANNAAN HEERSARE AH OO LAGU HORUMARINAYO NIDAAMKA AMNIGA DUULIMAADYADA

Nairobi – Qaramada Midoobay ayaa billabay hanaan heersare ah oo lagu horumarinayo amniga duulimaadyada ay u isticmaalayso dhammaan howlgalladeeda nabad ilaalinta ah.

Ernest Manzano, oo ah Madaxa Xafiiska Gargaarka Qaramada Midoobay ee Adeegyada Duulimadyada, ayaa sheegay in hay’adda ay horay ula shaqaynaysay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulimaayada Rayidka ee loo soo gaabiyo ICAO si loo ogaado cilladaha u baahan in wax laga qabto inta aan la billaabin nidaamka.

“Waxaan isku dayaynaa inta awooddeena ah in aan fahamno barnaamijka amni ga ee duulimaadka, sida laga soo xigtay ICAO, kuwaas oo na hagaya. Ka dib na waxaan u gudbaynaa in aan u soo saarno nidaam howgal oo caalami ah howlgallada kale ee Qaramada Midoobay,” ayuu ku yiri Manzano seminaar ku saabsan amniga duulimaadyada kaas oo lagu qabtay usubuucan caasimadda Kenya ee Nairobi.

Wuxuu intaa ku daray; “Waddamada sida Soomaaliya iyo Yemen kuwaas oo isticmaalka waddooyinka ay caqabad tahay, duulimaadka ayaa noqnaya gaadiidka la isticmaalayo. Haddii waddanka uusan lahayn barnaamij amni oo adag iyo sidoo kale ka hortag, waddanka hor uma socon karo.”

Ujeeddada laga leeyahay aqoon isweydaarsiga ayaa ah in la xaqiijiyo in bahwadaagta kala duwan iyo daneeyayaasha ka shaqeeya Soomaaliya iyo howgallada kale ee nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ay fahmaan fikradda amniga duulimaadka.

Mudane Manzano ayaa arkay in dhibaatada ugu weyn ee ka jirta waddamada amnigooda uusan sugnayn ay tahay aqoon darrada taas oo aan ku koobnayn dadka u xilsaaran in ay ilaaliyaan diyaaradaha laakiin ay la qabaan saraakiisha dowladda kuwaas oo mas ‘uul ka ah amniga duulimaadka.

Sarkaalka Hay’adda ICAO ee Xafiiska Amniga Duulimaadka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika, Mudane Justus Nyunja ayaa sheegay in tirada dadka ku safraya diyaaradaha ay uga dhigtay bartilmaameed jilicsan argagixisada.

“Sannadkii 2015-ka, waxaa jiray 3.5 bilyan oo rakaab ah iyo 34 milyan oo duulimaadyo ganacsi ah. Taasi waxaa ay tusaysaa in dhaqdhaqaaqyo badan ay ka jiraan garoomada diyaaradaha. Iyada ayaana sabab u ah waxa aan ugu baahannahay fududeyn ku filan garoomada,” ayuu yiri Mudane Nyunja.

Hay’adda ICAO ayaa hadda waxaa ay ku howlan tahay in ay taageerto olole lagu magacaabay “Waddan laga tagayaa ma jiro,” kaas oo looga gol leeyahay in loo dejiyo hal nidaam howlgalka amni ee waddamada oo idil.

Mudane Nyunja ayaa xusay in tallaabooyinka la hirgeliyay ay ka mid yihiin in waddamada sirdoonka ay wadaagaan, isticmaalka baasaboorada mashiinada ay akhrin karaan, iyo gelinta qalabka elektrooniga ah dukumiintiga safarka taas oo lagu aqoonsanayo dadka safraya.

“Wax micno ah ma samaynayso in laga hirgeliyo nidaamka waddamo qaar kuwa kalena laga tago. Jiritaanka xiriir daciif ah ayaa kala daadin karta nidaamka oo dhan dadaalkeena oo dhanna waxba kama jiraan ayuu noqonayaa,” ayuu intaa raaciyay.

Nyunja iyo Manzano labadoodaba ayaa isku raacay in aqoonsashada qofka safraya ay weli ku tahay caqab weyn ka ilaalinta qaybta duulimaadka dadka qatar ku ah amniga.

Mudane Manzano ayaa yiri; “Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn oo aan la kulannay ilaa hadda ayaa waxay ahayd kiis ku saabsan nin argagixiso ah kaas oo u guuraya waddan kale qaxooti ahaan qaadanayana dukumiitiyada safar ee waddanka uu soo galay. Xaaladdaas oo kale wax macluumaad ah lagama heli karo.

Aqoon isweydaarsiga waxaa uu bilow u yahay howlo taxane ah kuwaas oo looga gol leeyahay soo saaridda nidaam caawiyo in la xaqiijiyo amniga shaqaalaha, rakaabka, qalbaka iyo xammuulka qaybta duulimaadka ee howlgallada nabad ilaalinta.

Article type