TALIYAHA CIIDAMADA UGANDHA AYAA KALSOONI KA MUUJIYAY DADAALADA LOOGU JIRO XASILINTA SOOMAALIYA WAXAANA U WARBAAHINTA UGU BAAQAY IN AY DIIRADDA SAARAN GUULAHA LA GAARAY

14 Jul 2016

TALIYAHA CIIDAMADA UGANDHA AYAA KALSOONI KA MUUJIYAY DADAALADA LOOGU JIRO XASILINTA SOOMAALIYA WAXAANA U WARBAAHINTA UGU BAAQAY IN AY DIIRADDA SAARAN GUULAHA LA GAARAY

Kampala - Taliyaha Ciidamada Difaaca waddanka Ugandha, Janeraal Katumba Wamala ayaa kalsooni ka muujiyay dadaalada loogu jiro xasilinta waddanka Soomaaliya.

Janeraal Wamala ayaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku tilmaamay mid ka mid ah arrimaha guusha u ah qaaradda, waxaa u sheegay in ay ka miro dhallisay riyada Afrikaanka ee ah in ay Afrikaanka xal u helan dhibaatooyinka Afrikaanka heeysta.

Waxaa u ka hadlaayay magaalada Kampala ee waddanka Ugandha, isbuuci aan soo dhaafnay halkaas oo u si rasmi ah ugu soo xiray koorso tababar ah oo qaatay muddo 4 maalmood ah oo ay iska kaashaden Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo ku saabsanaa waajibaadka barayaasha Warbaahinta iyo Isgaarsiinta. Koorsada ayaa waxaa ka qayb galay saraakiisha isgaarsiinta dadwaynaha u qaabilsan Militariga iyo Booliska ee ka soo jeeday waddamada ciidamadooda intooda badan ay qaybta ka yihiin AMISOM, Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaan u baahannahay in si weyn leh aan uga warbixinno halka Soomaaliya horay ay joogtay ka hor dagaalka iyo halka ay hadda joogto. Waxaan u baahannahay in si taxadar leh aan uga warbixinno horumarada wanaagsan ee ka socda gudaha Soomaaliya” Janeraal Wamala ayaa warbaahinta ku xujeeyay xilliga u khudbad u jeedinaayay ka qayb galayaasha koorsada.

Tababarkan ayaa waxaa soo agaasimay Qaybta Tababarka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Qaybta Macluumaadka Dadwaynaha iyadoo loo maraayay Kooxda Taageerada Macluumaadka ee iskaashiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay (AU-UN IST).

Hadafka tababarka ayaa ahaa in sare loo qaado tirada tababarayaasha qaybta warbaahinta iyo isgaarsiinta ee tababarka lagu hawlgalinaayo waajibaadka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Waddamada Ciidamadooda ay qaybta ka yihiin AMISOM ayaa waxaa kamid ah Yugandha, Kenya, Ithiopiya, Djibouti iyo Burundhi. Dhanka kale Waddamada Booliskooda ay qaybta ka yihiin AMISOM ayaa waxaa kamid ah Kenya, Ugandha, Sierra Leone, Nigeria iyo Ghana.    

 

Article type