KULANKA INJINEERRADA OO LAGU EEGAYO SIDA AY SARE KU QAADI KARAAN WAX-QABADKOODA EE SOOMAALIYA

12 Sep 2016

KULANKA INJINEERRADA OO LAGU EEGAYO SIDA AY SARE KU QAADI KARAAN WAX-QABADKOODA EE SOOMAALIYA

Muqdisho– Kulanka injineerrada militariga oo looga dan leeyahay in la isla eego qaababka si hufan taageerro dhinaca injineernimada loogu fidin karo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Injineerrada oo kala socday Howlgalka Midowga Afrika, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerrada Soomaaliya (UNSOS) iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ka arrinsan doonaa qaababka ay ku wanaajin karaan howlgalladooda, si waafaqsan Qorshaha cusub ee Howlgallada (CONOPS) ee AMISOM.

Kulankan socon doonaa muddo labo maalmood oo uu si rasmi ah u furay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, ayaa waxaa dib u eegis lagu sameyn doonaa howlgallada haatan scoda isla markana waxaa lagu diyaarin doonaa qorshe dhammeystiran ee la adeegsan doona sanadka soo socda.

“Siminaarkan waxaa uu na siinayaa fursad aan ku wadaagno waayo-aragnimadeenna iyo in aan dhaqangelinno. Waxaan ballan-qaadeynaa in aan la nimaadno qorshe dhammeystiran si aan awood u yeelno AMISOM in ay shaqadeeda u gudato sida looga baahan yahay,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Kazela Kazela, oo ah Injineerka Ciidamada AMISOM.

Dhankiisa, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, ayaa ku boorriyay in si wanaagsan la isku waafajiyo mashruucyada injineernimada kuwaas oo xaqiijin doonaa in taageerro wax ku ool ah loo fidiyo Howlgalka, dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab.

“Waan hubaa in aad gar-waaqsan tihiin kaalinta muhiimka ah ay injineernimada ka qaadato howlgal kasto oo militiri ah. Dowrkan, oo ay ku jiraan injineernimada dhanka dagaalka iyo injineernimada madaniga ah, waxaa ka mid ah qorsheyn, dhismo, rakibaad, dhaqdhaqaaq, amni iyo nabadgelyo iyo arrimo kale. Sidaasi darteed ayay muhiim u tahay in aad la timaaddaan qorshe wanaagsan ee lagu taageerayo Howlgalka sanadka soo socda,” ayuu xusay Danjire Madeira.

Waxaa uu sheegay in awoodda injineernimada ay kaalin lixaad leh ka qaadan doonto taageerrada hannaanka doorashooyinka soo socda, waxaan uu injineerrada Howlgalka ugu baaqay in ay xaqiijiyaan in ay qaybtooda si wax ku ool ah uga soo baxaan.

“Sidaad ogtihiinba, Soomaaliya waxaa ay dhowaan galeysaa doorashooyin AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya-na waxaa ay dowr muhiim ah ka qaadan doonaan geeddi-socodkan doorashooyinka. Kaalinteenna waa in aan sugno amniga dalka, in aan hubinno in doorashada ay ku dhacdo jawi ammaan ah. Injineerrada waxaa loogu baaqay in ay dowr aad muhiim u ah in ay ka ciyaaraan, taasina haddaba waa ay socotaa,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Madaxa AMISOM ayaa aqoonsaday taageerrada saadka oo ay fidiyeen UNSOS iyo bah-wadaag kale ee ka socda Ingiriiska. Bah-wadaagta Ingiriiska ayaa muddo dhowr sano ah tababar muhiim ah iyo barnaamijyo hagid ah la sameynaayay injineerrada Howgalka.