INJINEERADA UNSOS OO SOO GEBAGEBEEYAY TABABAR AY KA SAMEYNAAYEN BAYDHABO

23 Sep 2016

INJINEERADA UNSOS OO SOO GEBAGEBEEYAY TABABAR AY KA SAMEYNAAYEN BAYDHABO

Koox ka kooban 6 injineero oo militari ah oo u shaqeeya UNSOS kana soo jeeda waddanka Boqortooyada Ingiriiska (UK-70) ayaa waxaa ay soo gaaren Baydhabo isbuuci aan ka soo gudubnay iyagoo u yimid tababar dheer oo qaatay muddo isbuuc ah kaas oo soo idlaaday maanta. Xilliga ay waqtigooda ku qaadanaayen halkaas, kooxda ayaa waxaa ay tababaren  injineerada qaybta 3-aad ee AMISOM kuwooda ka soo jeedo waddanka Ithiopiya iyadoo tababarkan u ku saabsan yahay ilaalinta injineernimada ciidamadda oo ay qayb ka yihiin waxyaabaha dhan ee la xiriira xoojinta dayrka wareega si loo wanaajiyo ammaanka (Dhisida HESCO iyo difaaca goobaha).

Tababarkan oo looga gol lahaa in sare loogu qaado awooddaha ay leeyihiin ciidamadda si si wanaagsan loo ilaaliyo goobaha codbixinta ee Baydhabo ayaa imanaaya ka hor hanaanka doorashada ee lagu wado in u ka billaabmo degaanka maalmo yar gudahood halkaas oo doorashooyinka aqalka sare iyo kan hooseba ay ka dhici doonan.

Ku-Xigeenka Taliyaha qaybtaas ee AMISOM, Kooxda Dadban ee Maamulka ee Dhaqan gelinta Doorashooyinka (SIEIT) iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga (MOPIC) ee Maamulka Ku Meel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay u mahad celiyen UNSOS waxtarkii qiimaha lahaa ee ay u sameeysay Injineerada.     

Article type