XOG-HAYAHA GUUD OO HUBERT PRICE OO U DHASHAY DALKA MARAYKANKA U MAGACAABAY IN UU NOQDO MADAXA XAFIISKA GARGAARKA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA

3 Oct 2016

XOG-HAYAHA GUUD OO HUBERT PRICE OO U DHASHAY DALKA MARAYKANKA U MAGACAABAY IN UU NOQDO MADAXA XAFIISKA GARGAARKA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa maanta shaaciyay magacaabidda Hubert Price oo u dhasay Dalka Maraykanka isagoo u magacaabay Madaxa Xafiiska Gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Mudane Price ayaa xilkan qabanaya isagoo leh khibrad labaatan sano ka badan oo uu ku howlanaa howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, isagoo dhawaan ahaa Agaasimaha Taageerada Howlgalka Qaramada Midoobay ee Liberia laga soo billaabo 2010-kii ilaa iyo 2015-ka, ka dib na noqday sii hayaha Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Waaxda Taageerada Howlgallada ilaa iyo bishii June 2016-ka.

Laga soo billaabo 2003-dii ilaa 2004-tii, Mudane Price wuxuu xilka Madaxa Taageerrada Adeegyada Isku-Dhafan ka soo qabtay Howlgalka Taaageerrada ee Qaramada Midoobay ee East Timor, oo ay weheliso laba sano oo uu ahaa Sarkaalka Maamul ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Waddanka Cote d’Ivoire. Ka dib na wuxaaa uu ahaa Madaxa Taageerada Howlgalka Qaramada Midoobay ee Liberia laga billaabo 2006-dii ilaa iyo 2010-kii, oo ay ku jiraan muddooyin uu sii hayay xilka Madaxa Shaqaalaha.

Isagoo ahaa Gaashaanle Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Dalka Maraykanka, ayaa wuxuu qayb ka noqday Howlgallada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ilaa iyo sannadkii 1994-tii, isagoo shaqooyin kala duwan ka soo qabtay dalalka Mozambique, Angola iyo Xarunta Saadka Qaramada Midoobay ee ku taalla Brindisi.

Mudane Price waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Richmond Universtiy ee ku taalla Gobolka Virginia, wuxuuna shahaado sare ee fanka Maareynta Nidaamyada ka qaatay Jaamacadda University of Southern California.

Wuxuu dhashay sannadkii 1953, wuu guursaday waxaa uuna leeyahay laba carruur ah. New York, 3 Oktoobar 2016.

Article type