MADAXA CUSUB EE UNSOS AYAA BOOQASHO KU TAGAY XARUMAHA QARAMADA MIDOOBAY EE MAGAALADA MUQDISHO

23 Oct 2016

MADAXA CUSUB EE UNSOS AYAA BOOQASHO KU TAGAY XARUMAHA QARAMADA MIDOOBAY EE MAGAALADA MUQDISHO

Muqdisho – Madaxa cusub ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Hubert Price ayaa waxaa u maanta booqday xarumo muhiim ah oo ay Qaramada Midoobay maamusho oo ku yaallo gudaha magaalada Muqdisho si uu u ogaado hawlgalada hay’adda ay ka sameeyso gudaha waddanka Soomaaliya.

Mudane Price ayaa tagay cisbitaalka Qaramada Midoobay waxaa u sidoo kale booqday qaybta xarumaha garoonka diyaaradaha ee laga xakameeyo dhaqdhaqaaqa (MOVCON) iyo Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee wadajirka ah taas oo ay isticmaalan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee waddanka Soomaaliya (AMISOM).

Mudane Price oo ah rug cadaa leh waayo aragnimo kor u dhaafeyso muddo 20 sano ah ee hawlaha nabadgelyada ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee waddanka Soomaaliya, Michael Keating, markii u soo gaaray magaalada Muqdisho si uu ula warreego shaqadiisa cusub 20-kii bishii Oktoobar.

“Maadama aan ahay madaxa cusub ee UNSOS, waxaa muhiim ah in aan helo dareen ah sida hawlgalka uu u shaqeeyo. Xarumaha caafimaadka ayaa ah xubin muhiim u ah hawlgal welibo oo nabadgelyo ah,” Price ayaa sidaas xusay. “Meel sida Soomaaliya oo kale ah, taageerada dulimaadyada ayaa ah xubin kale oo muhiim ah in la ballaariyo iyadoo la egaayo shabakadaha waddooyinka iyo xaaladda amni.” 

Mudane Price ayaa sheegay in boqashada ay u sahashay fursad ah in u isku sheego shaqaalaha kale iyo in u wax ka maqlo caqabadaha qaar ee ay wajahan.

“Waa hal shey in laga aqristo warbixin balse waa wax kale markii aad ka maqasho dadka qudhooda. Kuwa la tacaalaaya maalinba maalinta ka sii dambeeyso. Taasi ayaan rabaa in aan sameeyo marka aan yimaado,” sidaas ayuu yiri.

Price ayaa sidoo kale booqday xafiisyada Qaramada Midoobay ee ku yaallo Muqdisho iyo sidoo kale waddamada ciidamadooda ay qaybta ka yihiin Hawlgalka Midowga Afrika ee waddanka Soomaaliya AMISOM.

UNSOS ayaa mas’uul ka ah in ay taageero siiso AMISOM, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Caawinta Soomaaliya (UNSOM) iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ee ku aaddan hawlgalada AMISOM ay la qaadan.​

Article type