UNSOS waxay gacan ka geysatey tababarida saraakiisha ATMIS ee keenista iyo isticmaalka shidaalka

18 Aug 2023

UNSOS waxay gacan ka geysatey tababarida saraakiisha ATMIS ee keenista iyo isticmaalka shidaalka

Muqdisho – Si loo xaqiijiyo ilaalinta deegaanka iyo hufnaanta tamarta, Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo taageero ka helaya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa dhawaan gacan ka geystey tababarida shaqaalaha militariga iyo booliiska ee habsami u isticlaamka kheyraadka shidaalka.

Aqoon iswaydaarsi dhinaca saadka shidalka ah o ay wadajir usoo qabqabiyeen UNSOS qaybata shidalka iyo Xarunta Taageerada Wadajirka ah ee ATMIS (JSOC) ayaa ujeedkisu ahaa sidii Batroolka, Saliidda, iyo Garaasada (POL) loogu bixinlahaa si joogto ah oo tiro iyo tayo leh oo deegaanka saaxiib la ah.

“Waaritaan ku waa mid ka mid ah mawduucyada aan sahamin doono hadaan nahay ATMIS, UNSOS, hawlgalka taagerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA). Sidoo kale, sidee ayaan u isticmaali karnaa tignoolajiyad sideesa ugu dhaqmi karnaa hufanaan, si aan udhiso iskuxirnaan adag laga bilabo kor oo ah qandaraslayasha ilaa hoos oo ah isticmalayaasa?” ayuu yiri Michael Dorn, Madaxa Adeegga Bixinta ee UNSOS.

UNSOS waxay shaqadeedu lafdhabar muhiim u tahay  saadka ATMIS, iyadoo hawlgalka ufududayneyso iney si waxtarleh o amaan ah u isticmaalaan qalabka ay leedahey QM iyo midka Hawlgalka uu leeyaheyba, sidokale waxay bixiyaan tababarka diyaargarwga maskax ahaneed ee inta aan shaqada la bilabin.

Shidaalku waa kheyraad qiimo leh oo loo bahanyahy in loo maareeyo si xilkasnimo leh oo joogto ah. Maadaama ay ATMIS dhimeyso ciidamadeeda, waxaa muhiim ah in laga tago dhaxal wanaagsan, oo aan saameyn xun ku yeelan deegaanka,” ayuu yiri Phillip Mugabi, oo ah sarkaalka UNSOS u qaabilsan shidaalka.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee uqaabilsan hawlgalada iyo qorshaynta, Sar. Gas. Marius Ngendabanka, ayaa sheegay in wejiga labaad ee qorshaha hawlgalka  ATMIS Iyo dawladada Federalka ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ay kordhinayso baahida shidaalka iyo Saliida.

Korodhka tirada hawlgaladu waxay si toos ah u kordhinayan taageerada hawada iyo codsiga shidaalka,” ayuu yidhi Sar. Gas. Ngendabanka, wuxuu intaasi raaciyay: "Tababarkani  wuxuu u yahay ka qaybgalayasha fursad aad u muhiim u  ah oo ay ku ogaan karan cadadka saliid, shidal iyo olyo  iyadoo lagu xisaabtamayo baahida qalabka ee ay Ciidanku wataan.

Aqoon iswaydaarsigan waxa uu kuso beegmay xili ay ATMIS isku diyaarinayso in ay samayso qiimayn ay ku wargalinayso wajiga xiga ee qorshaha bixitaanka ciidamada ee Bisha September 2023.

Bishii hore ATMIS waxa ay dhintay 2,000 oo askari taas oo waafaqsan goaanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 2628 iyo 2670 (2022). waxyna ku wareejisay ciidanka xooga Somaliya mas'uuliyadaha amniga Saldhigyadii la xushay. 

G. sare Sibondavyi, Madaxa ATMIS ee Saadka ayaa yiri, "ujeedka tababarkan waa in la balaadhiyo aqoonta korna looqado fahamka waxyaabaha kordhiya tirada shidaalka iyo saliida."

Tababarka ayaa sidoo kale ujeedadiisu ahaa  in la ogaado caqabadaha hortaagan in la helo shidaalka xiliga  ku habboon, maadaama uu shidalku yahay mid ka mida ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay is uu hawlgalka saldhigyada ATMIS u unoqdo mid guulaysta.

Ka qaybgalayaashu waxay heleen faham qoto dheer oo ku saabsan shuruudaha shidalka kordhiya, shuruudaha warbixinta shidaalka, caqabadaha iyo saamaynta ay ku leeyihiin qaybaha ATMIS, iyo shuruudaha looga baahan yahay Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee booliska (ASP), Rejoice Dogbe waxay sheegtay in aqoontan  la helay ay waxkatari doonto yareynta khasaaraha iyo kordhinta kufnanta shaqo. 

Waa cashar inaga caawindoona yaraynta khasaraha, kuna barandoono xisaabinta wax kasta oo nala siiyo si uu Hawlgalku u aragto faa'iidada taageerada nala siiyey," ayuu yiri ASP Dogbe, Sarkaalka Saadka ee Ciidanka Booliska Gaana ee magaalada Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Iyada oo qayb ka ah dadaallada lagu dhimayo qiiqa kaarboonka, ATMIS oo taageero ka helaysa UNSOS, ayaa billowday in ay matooradeeda korontada ku badasho Solaro. Si kastaba ha ahaatee, hawlgalada nabad ilaalinta  kama maarmaan isticmaalka gaadiidka, diyaaradaha, iyo qalabka kale ee shidaalka ku shaqeeya.

Muddo sanado ah, UNSOS waxay ahayd isha koowaad ee ATMIS siisa  sahayda shidaalka iyo gaska diyaaradaha ee Soomaaliya oo dhan, Muqdisho ilaa Baydhabo, Kismaayo, Dhoobleey, Jowhar and  Beledweyne.

Article type