Madaxa Hay’ada Qaramada midoobey ee UNSOS ayaa dib uu xaqiijisey taageerada Qaramada Midoobay ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya Booqashadeedii Kismaayo

14 Sep 2023

Madaxa Hay’ada Qaramada midoobey ee UNSOS ayaa dib uu xaqiijisey taageerada Qaramada Midoobay ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya Booqashadeedii Kismaayo

Kismaayo – Booqashadeedii ugu horreysay ee ay ku tagtay magaalada Kismaayo Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Marwo Aisa Kirabo Kacyira, Kaaliyaha Xoghayaha ayaa ku celcelisay sida ay uga go’an tahay UNSOS in ay siiso ATMIS iyo CXDS taagero wax ku ool ah o dhanka saadka ah maadama o ay taasi xoojineyso nabadda iyo amniga guud ee Geeska Afrika.

“Waxaan ku kalsoonahay wada shaqeyntiina iyo ka go’naashihiina oo aan gaari doono hiigsigaa. Aan xasuusanno in halbeegga wax kasta oo aan sameyno uu noqon doono adkeysi dadka Soomaaliyeed marka aan ka baxno,” ayay tiri Ms. Kacyira.  

Aynu kordhiino xawaaraheena si aan u hubinno inaan bixin karno inta ugu badan ee awoodeena ah si aan gacan uga geysanno tababarka, dhisidda awoodda iyo si kasta oo suurtagal ah si aan u hubinno inaan helno Soomaaliya wacan, waarta, nabad ah, ammaan ah oo firfircoon sababtoo ah runtii  Soomaalidu arintaa way mudan yihiin,” ayay raacisay.

Madaxa UNSOS ayaa hadalkan ka sheegaytey kulan ay la qaatay saraakiisha QM iyo kuwa Midowga Afrika ee fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Waxaa ku wehliyey safarka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil sare oo ka tirsan UNSOS iyo ATMIS.

Wafdiga ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee jubaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Madaxa UNSOS ayaa xustay in QM qaybta saadka ay ka shaqaynayan isku xidhka dhaman xubnaha ay khusayso arintani in ay fududeeyan wajiga labaad ee looga saarayo Somalia askar tiradodu dhantahy 3000 oo askari dhamaadka Bisha September.

Waxaan ogsoonnahay in ay wali khatartu jirto , sidaas darteed, waxaan rabnaa oo kaliya in aan xaqiijino in dhimista ciidamada ay sii soscto, isla markaana aan kor u qaadno nabada iyo amniga," ayay tiri.

UNSOS waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay fududaynta guusha wajigii koowaad ee dhimista 2000 oo askari iyo ku wareejintii lix saldhig  ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF) bishii June.

Si loo xaqiijiyo in hawshu sii socoshada, UNSOS waxay Ciidamada Amaanka Soomaaliya ku wareejisay qalab dhowr ah oo ay ku jiraan Biyo sifeeyayaal, matoorka korontada, solaro iyo agabka lagu seexdo. Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale fududaysay dhaqdhaqaaqa Ciidanka iyo dib u celintooda.  

Iyadoo dib u xasuusanaysa booqashadii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ku yimid Soomaaliya bishii April ee sanadkan, Ms. Kacyira ayaa ku boorisay beesha caalamka inay sii wadaan taageerida dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo inay gacan ka geystaan ​​la dagaallanka saameynta xun ee isbeddelka cimilada ku yeelatey hab-nololeedyada bulshada.

UNSOS waxuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaarey in ay taageero Saad siiso CXDS iyo ATMIS  iyo shaqaalaha rayidka ah ee ka shaqeeya meelo kala duwan oo dalka ah.

Danjire Souef oo sidoo kale la hadlay shaqaalaha QM iyo ATMIS, ayaa ku ammaanay hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada caalamka doorka ay ka qaadanayaan abuurista jawi ammaan ah, taasi oo u sahashay dadka Soomaaliyeed in ay yeeshaan lahaanshaha iyo dib u yagleelidda dowladnimada dalka.

Soomaaliya maanta horumar weyn ayay sameysay, horumarkaas waxuu ku yimid ka go’naashihiina, kaalmadiina iyo taageeradiina ku aadan sugidda amniga dalka iyo fulinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Maanta, dadka Soomaaliyeed waxay ku noolaan karaan si nabad ah,” ayuu yiri danjire Souef.  

Article type