Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa bartey ganacsatada Soomaaliyeed Sida ganacsi loola sameeyo Qaramada midoobey

9 Aug 2023

Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa bartey ganacsatada Soomaaliyeed Sida ganacsi loola sameeyo Qaramada midoobey

Moqdisho- Siminaar uu qabtay xafiiska tageerada qaramada midobay ee Somalia (UNSOS) ayaa ujeedkisu ahaa sidii loo xoojinlahaa ganacsiga gaarka loo leeyahy iyadoo lasinayo gancsatada, xog kusahabsan ganacsi la samaynta Qaramada midoobay iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwo u tartama suuqyada Caalamka.

Siminaarkan oo socday hal maalin ayaa ujeedkiisu ahaa in ganacsatada dalka la baro hababka wax iibsiga ee Qaramada Midoobay, waxaana soo qabanqaabiyay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed (SCCI) oo ah ururka ugu faca weyn ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Waxaan la samaynay dhawr qandaraas Qaramada Midoobay, waxayna ahaayeen kuwo daahfuran oo degdeg ah. Isla markaana Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waxaana uga mahadcelinaynaa hay'adda UNSOS oo fursaddan isiisay," ayuu yiri Xasan Cabdallah Cumar, oo ka shaqeeya saadka, isagoo sheegay in inkastoo uu ganacsi la sameeyay QM hada ka hor hadana Siminaarkan waxuu ka heley xog cusub oo ku saabsan sida Qaramada Midoobay lola sameeyo ganacsi.

Ahmiyada ay UNSOS ka lahayd so qabanqabinta siminaarkan waxay ahayd in ganacsatada Soomaaliyeed lagu siiyo macluumaadka ku saabsan hababka wax iibsiga Qaramada Midoobay si ay awood ugu yeeshaan inay si heer caalami ah ugu tartamaan qandaraasyada Qaramada Midoobay.

“Hadii aan nahay UNSOS, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku dadaalno sidii aan uxaqiijin lahayn in ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb ka noqonin oo kaliya ganacsiga firfircoon ee Soomaaliya balse ay qayb noqdaan ganacsiga qaaradda iyo caalamkaba,” ayay tiri madaxa UNSOS, Dr. Aisa. Kirabo Kacyira.

Intii uu socday siminaarka, mas’uuliyiinta UNSOS waxay bixiyeen talooyin ku saabsan hannaanka qandaraasyada Qaramada Midoobay, sida loo diyaariyo qandaraasyada, u hoggaansanaanta qawaaniinta iyo sharciyada Qaramada Midoobay iyo iska diiwaan gelinta Suuqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo marinka wax iibsiga ee nidaamka Qaramada Midooby.

Iyadoo qayb ka ah waajibaadka Qaramada Midoobay ee lagu xoojinayo haweenka, UNSOS waxay qaban doontaa siminaar kale oo lagu horumarinayo ka-qaybgalka ganacsiyada ay haweenku leeyihiin. Waxaan ogaanay inay jiraan tiro yar oo matalaysa haweenka sidaa awgeed waxaana qorsheyneynaa inaan la xiriirno haweenka ganacsiga ku jiro si ay si firfircoon uga qayb qaataan ganacsiyada Qaramada Midoobay," ayuu yiri Bruno Hussein Maboja, madaxa sarkaalka iibk.

Mid ka mid ah haweenka ka qeyb galaya siminaarka, Marwo Amira Cilmi oo ka shaqeysa arrimaha amniga, saadka, iyo la-talinta duulista ayaa tiri: “Waxaan ku dhiirigelin lahaa dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada haweenka inay ka qeybgalaan siminaaradan oo kale, iskana diiwaan geliyaan QM una tartamaan qandaraasyada.

 
 

Article type