Madaxa ATMIS ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Adeega Duulista Hawada

10 Aug 2023

Madaxa ATMIS ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Adeega Duulista Hawada

Muqdisho – Madaxa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa Talaadadii 8-dii Agoosto booqday qaybaha kada duwan ee Adeegga Duulimaadka hawada si uu naf ahaantiisa usoo barto wada shaqeynta ka dhaxeysa qaybaha kala duwan iyo ka qayb qaadashadooda hawlaha taageerada nabadda Soomaaliya.

Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Dr. Aisa Kirabo Kacyira ayaa ku wehlisay, Danjire Maxamed El-Amine Souef socdaalkan lagu soo bandhigayay is dhexgalka UNSOS, ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF). Tani waxay muujinayso tayaynta iyo latalinta  la siinayo Ciidamada Amaaanka Soomaaliya ka hor dhimista ciidamada ATMIS ee Soomaaliya.

Danjire Souef ayaa ku ammaanay qeybta adeegga duulista hawada  dowrka ay ka qaataan fududeynta qorshayaasha ATMIS. Waxaa kaloo uu ku ammaanay Adeegga Duulista Hawada shaqaalaysiinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan haweenka oo ka taageerayaan in ay aqoontooda dhisaan si ay uhelaan mustaqbal fiican.

“Waxaan kula talinayaa shaqaalaha deegaanka gaar ahaan gabdhaha walaalaheen ah inay ka faa’iideystaan fursadan oo ay horumariyaan xirfaddooda, berri waxaad codsan kartaan fursado caalami ah, idinkoo la wadaagayo khibraddiina shaqo ee Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Souef.

“Waxa idhiirigelinaya waa anigoo arkaya ATMIS, CXDS, UNSOS iyo sidoo kale dad rayid ah, oo ay ku jiraan dhallinyaro oo ka wada shaqeynaya hal hadaf. Maxaan qaban karnaa xiligan dhimista ciidamada ATMIS si aan kor oogu qaadno tayada CXDS, dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed? Waxaan filayaa in tani ay tahay mid ka mid ah shaqooyinka ugu wanaagsan,” ayay tiri Dr. Kacyira.

Adeegga Duulimaadka hawada waxaa maamula khabiiro dhanka gaadiidka iyo duulista hawada ah kuwaas oo fududeeya dhaq-dhaqaaqa rakaabka, xamuulka iyo sidoo kale dayactirka, badqabka iyo amniga diyaaradaha howlgalka.

Adeegga Duulimaadyadu waxa ay bixiyaan taageerada hawlgallada hawada, hawlgallada dagaalka iyo isku-dubbaridka daad-gureynta dhaawacyada askarta millatariga ATMIS iyo sidoo kale Ciidanka Amaanka Soomaaliya oo hawlgallo wadajir ah la leh ciidammada ATMIS.

Qeybtan oo ka howlgasha garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa sidoo kale maamusha magaalooyinka Baydhabo, Beledweyne, Dhoobleey, Jowhar iyo Kismaayo.

Intii lagu guda jiray socdaalka uu sameeyay madaxa bixinta adeega ee UNSOS, Leopoldo Co, Dr. Kacyira ayaa ballan qaaday in ay soo bandhigi doonto qorshe dhamaystiran oo lagu taageerayo dhisidda awoodda qaybta Adeegyada Duulimaadka hawada ka dib codsi ka yimid Madaxa Xarunta Hawlgallada Cirka ee Wadajirka ah, Dr Silvanos Gwarinda.

UNSOS waxa ay taageero dhinaca saadka siisa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya inta lagu guda jiro hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada ATMIS.

 

Article type