Madaxa UNSOS waxey xaqiijinaysaa Sida Qaramada Midoobay ay Uga go’antahey Hanaanka kala guurka Soomaaliya

18 Aug 2023

Madaxa UNSOS waxey xaqiijinaysaa Sida Qaramada Midoobay ay Uga go’antahey Hanaanka kala guurka Soomaaliya

Jowhar – Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Dr. Aisa Kirabo Kacyira ayaa arbacadii ku dhawaaqday ka go’naanshaha qaramada midoobay ee kor uqaaadida wada shaqaynta ka dhaxaysa bahwadaagta muhiimka ah si loo Xaqiijiyo in hanaanka kala guurka uu noqdo mid guulaysta

Dr. Kacyira ayaa ka mid ahayd wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo booqasho ku tagtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle. Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa Matalayey La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali, iyadoo dhinaca hawlgalka ATMIS uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Sar. G Sam Okiding.

"Waxaan dareemaya in haddii aan si wadajir ah u booqanlaheyn, in aan dhammaanteen wada arki laheyn waxa dhacaya, oo aan ka wada shaqeynlaheyn sidaan uxaqiixin laheyn mideynta awoodeena iyo go’naansheheena ah caawinta Soomaaliya sidey si buuxda ugu maamusho aayaheeda, si sharaf leh. Taas oo noqon doonta waxa ugu wanaagsan ee aan sameyn karno” ayay tiri Dr. Kacyira mar ay la hadlaysay shaqaalaha QM, ATMIS iyo CXDS ee ku sugan xarunta QM ee Jowhar.

Intii ay ku guda jirtay booqashada Jowhar, oo sidoo kale ah xarunta ATMIS ee Burundi, Dr. Kacyira ayaa ku celisay sida ay UNSOS uga go’an tahay taageerada geeddi-socodka kala guurka, iyadoo ATMIS ay si tartiib tartiib ah ugu wareejineyso mas’uuliyadda amniga Ciidamada amaanka Soomaaliya. Waxaa kale oo ay sheegtey muhiimada ay leedahay dhaadhicinta  taageerada saadka si ay si hufan ugu faa’iideystaan ATMIS iyo CXDS.

“Dhamaan qaybaha QM gaar ahaan UNSOS waxay rabaan inay xaqiijiyaan inaan siino taageeradayada ugu wanaagsan ATMIS iyo CXDS si aan uxaqiijinoin adeegyada iyo taageerada saadka ee la sameeyey looga faa'iidaysto geeddi-socodka kala-guurka, si fududna masuuliyada amniga loogu wareejiyo ciidamada amaaonka Soomaaliya," ayay tiri Dr. Kacyira.

Si Ciidamada amaanka Soomaaliya loogu diyaariyo in si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga, UNSOS waxay sanadkii hore fududeysay dhismaha Xarumo Wadajir ah (JOCs) oo laga hirgeliyay dhammaan lixda xarumood ee ATMIS-ka si loo suurtageliyo qorsheynta wadajirka ah iyo isku dubaridka howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Intaa waxa dheer, in UNSOS ay sii wadday bixinta tababbarada wada shaqaynta ee la siinayo shaqaalaha CXDS iyo kuwa ATMIS.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa xusay socdaalka ay ku tageen Jowhar inuu la xiriiro sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen heerka diyaar-garowga ka hor wajiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS ee bisha September.

"Waxaan halkaan u nimid inaan barano oo aan aragno awoodaha hadda jira, si aan u qiimeyno sida aan u diyaargarownay," ayuu yiri isagoo xaqiijinaya sida ay uga go'an tahay dowladda Federaalka in geeddi-socod guulleysto.

"Waxaan sameyneynaa dadaal kasta si aan u hubinno in kala-guurka uu ku dhaco habka ugu nabdoon iyo midka ugu ammaansan, anagoo dhisayna xasiloonida mustaqbalka fog" ayuu yiri.

Taliyaha ciidamada ATMIS, Sar. G. Sam Okiding, ayaa xusay in booqashadan ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo lagu jiro geedi socodka kala guurka oo u baahan in si dhab ah loo qorsheeyo iyo dadaal wadajir ah oo ay sameeyaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

"Waxaan u baahanahay isku xidhnaan, waxaana u baahanahay inaan wada shaqeyno," ayuu yiri Sar.G. Okiding.

Wajiga labaad, ATMIS ayaa la filayaa in ay 3,000 oo askari ka saarto Soomaaliya dhamaadka bisha Sebtembar.

Wajigii kowaad ee la dhameeyay bishii June, UNSOS waxay door muhiim ah ka ciyaartay fududaynta dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah iyo wareejinta lix saldhig oo lagu wareejiyey Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Hay’adda UNSOS ayaa qalab kala duwan iyo agabyo kala duwan ku wareejisay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Warshad biyaha lagu sifeeyo, Matoorro, Solaryo iyo qalabka jiifka. Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale fududaysay dhaqdhaqaaqa Ciidanka iyo dib u celinta ciidamada.

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa loo igmaday in ay taageero dhanka saadka ah u fidiso ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya ee si wadajir ah ula shaqeeya ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Hadda, UNSOS waxay siisaa taageero saadka 13,900 askari oo ka tirsan CXDS iyada oo usii marinaysa Sanduuqa Horumarinta. Sanduuqa Horumarinta waxaa si buuxda lacago ugu deeqa dawladaha xubnaha ka aha QM.

Article type