Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS waxaa ka go'an Iney xarumaheeda Udhaadhiciso Taageerada Saad ee ay Siiso geeddi-socodka nabadda Soomaaliya

24 Aug 2023

Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS waxaa ka go'an Iney xarumaheeda Udhaadhiciso Taageerada Saad ee ay Siiso geeddi-socodka nabadda Soomaaliya

Baydhabo – Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aisa Kirabo Kacyira, ayaa Talaadadii sheegtay in hay’adda Qaramada Midoobay ay si firfircoon u daadejinayso howlaheeda si ay u bixiso taageero saadka oo wax ku ool U ah howlgallada ka socda Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inaan uwada shaqeyno si isku mid ah oo aan taageerno dhaadhicinta adeegyadayada aana fududeyno gaar ahaan kuwa ka shaqeeya ilaalinta amniga sida Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Booliska Soomaaliyeed, oo si dhow ula shaqeynaya ATMIS, waxaan sii neynaa adeegyadii ugu wanagsanaa dhankayaga,” ayay tiri ASG Kacyira.

Hadalkan ayay ka sheegtay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya xili ay si wada jir ah u booqdeen iyada iyo ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Maxamed El-Amine Souef.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa ku wehlinayay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha UNSOS iyo ATMIS iyo xubno ka socday qeybta taageerada nabadda ee Midowga Afrika (PSOD) oo uu hoggaaminayo Zinurine Alghali.

Booqashada Baydhabo ayaa timid ka dib booqashooyin sidan oo kale ah oo ay ku tageen Kismaayo iyo Jowhar oo ka kala tirsan Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle. Waxay timid iyadoo ATMIS ay isku diyaarinayso inay la baxdo 3,000 askaridhammaadka Sebtembar.

UNSOS ayaa door muhiim ah ka ciyaartay fududaynta guusha wajigii koowaad ee dhimistaoo ahaa bishii June markaasoo 2,000 oo askari laga saaray, lix saldhig lagu wareejiyay ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

"Waan ka mahadcelineynaa taageerada ay noo fidisay UNSOS, taageeradaa la’aanteedna ATMIS halkan ma joogteen, mana awoodi karteen inay gaarto guulo wax ku ool ah," ayuu yiri Danjire Souef isagoo tixraacaya UNSOS taageerada saadka iyo abaabulka kheyraadka ee ay siiso ATMIS iyo ciidamada amaanka Soomaaliya.

Si loo hubiyo Dhaadhicinta maamulka saadka iyo keydintiisa ee Saldhigyada Hawlgallada Saadka ee Wadajirka ah (JLOBs), UNSOS iyo ATMIS sannadkii hore waxay dajiyeen habab kor loogu qaadayo taageerada saadka ee Soomaaliya.

Tani waxay waafaqsan tahay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 kaasoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay ATMIS iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya inay si wadajir ah ula shaqeeyaan Qaramada midoobey dhanka bixinta waajibaadka saadka.

Intaa waxaa dheer, iyadoo lagu dadaalayo udiyaarinta ciidamada amniga Soomaaliya in ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan mas'uuliyadaha amniga iyo suurta gelinta qorsheynta wadajirka ah iyo isku xirka wanaagsan, UNSOS waxay sidoo kale fududeysay dhisidda Xarumo Isku-dubarid oo Wadajir ah (JOCCs) oo laga hirgeliyay dhammaan lixda xarumood ee ATMIS.

ASG Kacyira ayaa bogaadisay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya QM, ATMIS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay xustay in uu saldhig wanaagsan u ahaa xoojinta wadashaqeynta iyo in si wadajir ah looga hadlo arrimaha muhiimka ah.

"Runtii waxaan ku raaxeysaneynaa hoggaanka wanaagsan iyo la shaqeynta dadka iyo dowladda Soomaaliya," ayay tiri Kacyira iyadoo raacisay in, "Xitaa haddii QM ay hayso dhamaan kheyraadka loobaahanyahey, Midowga Afrika uu layimaado dhammaan rabitaanka, laakin aysan jirin aqbalaada iyo soo dhaweynta diiran ee shacabka iyo dawladda Soomaaliya, halkan ma aanan joogneen.”

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Koonfur Galbeed, Xasan C/qaadir Maxamed ayaa bogaadiyay dadaallada naf-hurnimada leh ee ATMIS iyo QM ay ku soo celinayaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

"Wadasahqeyntiina La'aanteed halkan maana soo gaarneen wayna nagu adkaan laheyd. Waxaan wadashaqeyn dhow la leenahay kooxihiina ku sugan Baydhabo ee ATMIS iyo QM,” ayuu yiri wasiirka oo wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Hay’ada QM ee UNSOS waxaa loo igmaday in ay taageero saadka siiso ATMIS iyo ciidamada amnaanka Soomaaliya ee wada shaqaynta la leh ATMIS.

Hadda, hay'adda Qaramada Midoobay waxay taageertaa saadka siisa 13,900 oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyadoo la sii marinayo Sanduuqa Qaramada Midoobay.

 

Article type