Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa Tababar ku saabsan Qiimeynta Xogaha siiyey Saraakiisha ATMIS iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

28 Aug 2023

Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa Tababar ku saabsan Qiimeynta Xogaha siiyey Saraakiisha ATMIS iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Muqdisho – Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meelgaarka ah ee Soomaalia(ATMIS) ayaa soo dhameystey tababar ku saabsan habka loo isticmaalo tignoolajiyada casriga ah ee sida loo isticmaalo lasocodka dadka iyo qalabka xiliyada hawlgalada dagaal.

Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah oo ay soo qabanqaabisay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa sidoo kale ka qaybgalayaasha lagu baray sida loo miisaamo loona maareeyo qaybo ka mid ah xogta iyadoo la isticmaalayo agabka kumbuyuutarka ee Microsoft Power BI.

Agabka kumbuyuutarka ee Microsoft Power BI., oo ah aalad is dhexgal ah, waxay taageertaa falanqaynta, muujinta xogta, iyo wadaagista xogta waxeyna fududeysaa in la aqoonsado qaababka iyo isbeddellada, oo ay caawisaa go'aan-qaatayaasha inay sameeyaan doorashooyin xog-ogaal ah oo ku saabsan arrimo kala duwan.

Ciidamada XDS ee tababarka qaatey ayaa la filayaa inay ka caawiyaan dowladda Federaalka inay dejiso istaraatiijiyad wax ku ool ah oo ku aaddan dajinta iyo daba-galka ciidamada iyo qalabka inta lagu guda jiro weerarrada milateri ee soo socda.

"Tababarkan qiimeynta xogaha iyo losocodkooda wuxuu ka caawinayaa Ciidanka Amaanka Soomaaliya inay la socdaan hantida sida qalabka kala duwan, askarta iyo goobaha ay ku sugan yihiin si ay ufuliyaan hawalgalo guuleysta” ayuu yiri Tanuj Ghimire, oo ah Khabiirka Tignoolajiyada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee UNSOS mar uu ka hadlayey tababarkan oo Muqdisho ka dhacey intii udhaxeysey 17-ka ilaa 19-ka Luulyo 2023.

Ghimire ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka ay sidoo kale yeelan doonto khibrad ay ku falanqeyso xogta laga helay ilo kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa laga soo uruuriyay goobaha dagaalka..

"Ka qaybgalayaashu waxay barteen sida loo isticmaalo Power BI si ay u aqoonsadaan khataraha iman kara iyagoo falanqeynaya xogta arrimaha sida heerka dembiyada, warbixinnada dhacdooyinka, iyo dhaqdhaqaaqa warbaahinta bulshada," ayuu raaciyay.

Ghimire ayaa xusay in xirfadaha la bartay ay ka caawin doonaan dowladda Federaalka ah sugidda ammaanka dalka maadaama ATMIS ay mas’uuliyado badan oo dhanka amniga ah ku wareejineyso ciidamada ammaanka Soomaaliya si waafaqsan go’aannada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Bishii Juun, tusaale ahaan, ATMIS waxay la baxday 2000 oo askari waxayna ku wareejisay lix Saldhig Ciidamada Amniga Soomaaliya.

"Tababarqaatayaashu waxay sidoo kale barteen sida loo abuuro dashboards oo ay u soo saaraan warbixinno xiliyada muhiimka ah iyagoo isticmaalaya Tilmaamayaasha  la dajiyey (KPIs) iyo cabbirada kale ee muhiimka ah," Ghimire ayaa intaa ku daray.

Tababaro la mid ah ayaa dhacay bilihii February, April, iyo May ee sanadkan. Ilaa hadda, UNSOS oo kaashanaysa Xarunta Tababarka Hawlgalka ee Wadajirka ah (JMTC) ayaa tababartay ku dhawaad 35-40 ciidamo amniga Soomaaliya ah iyo 35-40 kale oo ATMIS ah. Iyadoo la shaqeyneysa Xarunta Tababarka Hawlgalka ee Wadajirka ah JMTC, hayada qaramada midoodey ee UNSOS waxa ay qorshaynaysaa in ay qabato wadar ahaan 40 tababbar oo lagu baranayo Power BI ah ilaa Juun 2024. 

Article type